Hoyga Barashada Tawxiidka

www.towxiidka.com

  
  
  
Get Adobe Flash player

Dadka booqanaya webka

We have 26 guests and one member online

1) Muslimiintii hore waxay dadka muslimay u kala saari jireen xagga cilmiga, laba darajo, oo kala ah:

 

1- Dad cilmi leh (علماء).

2- Dad cilmi yar (عامة).

“caammaduna” ma ahayn kuwo aan tawxiid aqoon, oo shirki ku dhaqma, ee muslimiinba waxay ku noqdeen, waa shirkgii ay ka bexeen, iyo tawxiidkii ay Diin ka dhigteen.

Soomaalidase waxaa caado u ah, qofku hadduu shanta waqti tukado, kutubta Diintana wax ka sheegi karo, inay ugu yeeraan “wadaad”, hadduu mustawa kore joogana yiraahdaan “shiikh”.

Shuruudda qofka lagu siiyo magaca “wadaad”, ama “shiikh”, kama mid ahan, inuu “tawxiid” fahamsan yahay,oo uu “shirki” muuqda ka nabad qabo. Sidaa darteed ereyga “wadaad”, iyo “shiikh”, waxaa soo hoos gelaya, ummado kala caqiido iyo kala aragti ah.

Dadkaa ay soomaalidu yiraahdaan waa “wadaaddo”, baan rabaa inaan warbixin yar, oo ku saabsan saldhigga aragtiyaha ay ku shaqeeyaan, soo gaabiyo:     

“Wadaaddadu”, waa aragtiyo badan yihiin, aragtiyahana waxaa ka badan ururrada ay ku kala abtirsadaan. Aragtiyaha iyo afkaarta ay ka duulaanse waxay isugu imaanayaan saddex aragtiyood:

Aragtida 1aad:

Waxay leedahay:

- Shirkigu waa duul Allaah ka sokeeya, oo loo rumeeyo awood qarsoon, oo ay ku keeni karaan, wixii looga baahdo, ka dibna la baryo, laga baqo, la rajeeyo, loo gawraco, loo nadro, oo raalli gelintooda la dalbo.

- Waxaa kaloo shirki ah, u hoggaansanka iyo addeecidda, oo aan Allaah keligi loo deyneyn. Iyo in la degsado, laguna dhaqmo, shareeco aan tiisa ahayn.

- Sida uu Rabbi u caddeeyey shirkiga, buu wuxuu u caddeeyey dadka falaya shirkigu, inay mushrikiin yihiin. Sidii loola dhaqmi lahaana, aad buu u bayaanshey.

- Dadkeennu inta badan, labadaa nooc bay ku jiraan.

Madaxduna hadday kufri bannaysato, caammada raacsanna waa la xukun. Qof dalka la joogana, waa u ka baxsanaan karaa kufriga laysku raacay, waase hadduu ka baraa’a qaato.

- Dadka in la khiyaano maahee, waa in runta loo sheego, oo la baro waxa ay falayaan, siduu Allaah agti ka yahay, iyo intuu le’eg yahay.

- Waana in Diinta lagu kala go’aa, inta ay shirkiga ka baxayaan, loona sheegaa inta la kala go’an yahay, inay tahay, inta ay keliyeynta (وحده), diiddan yihiin.

Aragtida 2aad:

Waxay leedahay: “Diintu waa nabad qabtaa, belaayo ma jirto, awliyada iyo awooweyaasha la cuskanayana, waaba wax Diinta ka mid ah, waana baraka iyo khayr, ay Diintu raalli ka tahay. Qofkii diiddanna waa qof “bidca” ku jira, isagaaba u baahan cid hanuunisa”.

Dhanka kalena waxay leedahay:

“xaakimku hadduu xeerar dad dejiyey wax ku xukumayo, ama ay kufaarta is bahaystaan, muslimnimadiisa wax u dhimi mayso, bal inuu awliya Alle yahay baaba dhici karta”.

Wadaaddadaa waxa ay rumeeyeen bay raacsan yihiin, waana waddo lagu ogyahay, isbedbeddelna ma yaqaanniin , in lagala hadlana waa dhibaysaa, “bidca lalama doodo” baa u ah halhays. 

Aragtida 3aad:

Waxaa iska leh wadaaddo shirkiga noocyadiisa in badan ka yaqaan, laakiin dadkii shirkiga samaynayey, ka maarmi waayey, oo ka go’iddii ay Diintu amraysey ku cuslaatay.

Sidaa darteed baa waxaa is keeni waayey, waxa ay sheegayaan markay kitaabka dul fadhiyaan, iyo waxa ay falayaan markay ka dul kacaan.

Waxay yiraahdaan: “baryada, wax u biraynta, sharad xirka, cabsida, rajaynta awliyada, iyo mawtadu waa shirkigii weynaa, qof ku dhintayna, loo dhaafi mayo, wadaaddada bannaystayna waa ahlu shirki”.

“xeer dejinta iyo xigsashada kufaartu waa kufrigii weynaa,  kii falana naarta buu ku waari doonaa”.

Hadalladaa waa sida ay wax u caddeeyaan, markay kitaabka kor fadhiyaan.

Markay dadka baraarujiyaan, oo la weydiiyo: Shirkigu waa jiraa, annagaaba fali jirneye, kii ku jira sidee loola dhaqmayaa?, guurkiisa, gawriciisa, dhaxalkiisa, walaayadiisa, salaad ku xirashadiisa ka warrama?

Markii heerkaa la gaaro, bay baabi’iyaan waxay kitaabka ka akhriyayeen, oo yiraahdaan hadallo badan, oo isugu biya shubanaya:

- Qof ashaahaadanaya shirki kuma gaaloobo!!.

- Qof jaahil ah ma gaaloobo!!.

- Hebel waa gaaloobey lama oran karo!!.

- Shirkigu waa shirki, kan ku jiraase waa muslim!!

- Culummada qubuuraha barida waa muslimiin, kii mushrikiin ku sheegana, waa khawaarij dhiigoodu mubaax yahay.

Mushkiladda ugu weyn ee qoladaa haysata waa:

1- Xaqii oo ay garteen.

2- Naftii oo aan u diyaar ahayn inay baraa’a qaadato. 

Waxay garteen: (البراءة من الشرك)

Waxay garan waayeen: (البراءة من أهل الشرك)

Waxaana laysu diray:  البراءة من الشرك وأهله))

Markaa bay tii ay garan waayeen dib ugu celisey, tii ay garteen. Waayo qof mushrikiin sheegtay inay isku Diin yihiin, wuxuu sheeganayaa inuu mushrik kale yahay: (ومن يتولَّهم منكم فإنَّهُ منهم)

 

la soco qaybta xigta

Qaybta Labaad ee casharkaan halkan riix

Copyright © 2013. All Rights Reserved. www.towxiidka.com