Hoyga Barashada Tawxiidka

www.towxiidka.com

  
  
  
Get Adobe Flash player

Dadka booqanaya webka

We have 25 guests and one member online

بسم الله الرحمن الرحيم

ASALLADA DIINTA

IYO

ARAGTIDA LUNSAN

Hordhac:

Allaah baa leh maha­dda oo dhan, Nabigana naxariis iyo nabad gelyo Rabbi xaggi hawga ahaato. Intaa ka dib:

Waxaa jirta inay dadku weligood ka dhexeyn jireen, mar ay hanuunsan yihiin, jidkii Rabbigood u jideeyeyna ay hayaan, iyo mar ay baadiyaysan yihiin, jidkii Rabbigood u jideeyeyna ayan hayn.

Hanuunka ama Iimaanku waa jidka Rabbi dadka u jideeyo, waana:

"Xaqiiqooyin Rabbi sheegay inay jiraan, uguna yeerayo inay rumeeyaan, iyo dhaqan ku xiran oo uu waajibinayo, iyo dhaqan kale oo uu xarrimayo".

Baadida ama kufrigu waa jidka Rabbi dadka ka xarrimyo, waana:

"Xaqiiqooyinkuu sheegay inay jiraan, uguna yeerayey inay rumeeyaan, oo la rumayn waayo, iyo dhaqankii ku xirraa oo uu waajibinayey, oo la raaci waayo, iyo dhaqankuu reebayey, oo laga hari waayo".

Waxay aqoonta Islaamku ina baraysaa, inuu nabi walba dadka ugu yeeri jirey, jidka hanuunka ah, ugana digi jirey jidka baadida ah. Waxay kaloo ina baraysaa inay ereyada nabiyadu midaysnayd, kuna wareegeysey:

“Diinta xaqa ah soo gala”

Taasoo ah:  “Allaah keligi rumeeya”

Taasoo ah:  “Allaah keligi caabuda”

Taasoo ah:  (لا إله إلا الله), ereygeeda iyo macnaheeda aqbala.

Taasoo ah:  “Allaah keligi u islaama”, ama “u hoggaansama”.

Kii aqbala hadalladaa wuxuu ahaan jirey, mid ka guura jidka baadida, una guura jidka hanuunka.

Nabi walbana dadka dacwadiisa rumeeya, wuxuu ka tegi jirey, iyagoo waddadaa toosan haya. Laakiin waqtigu markuu ku dheeraado, cilmiga baa aayar aayar u yaraan jirey, markaa bay baadida xaq moodi jireen, oo lumi jireen iyagoo isla toosan.

Waxaana jira qaab Diinta looga fogaado, oo uu Ibliis umadaha ku lumin jirey, ma oran jirin: “kaalaya kufriya”, ee intuu kufriga u qurxiyo, buu oran jirey: “khayrkaan khayrkiinnii hore ku darsada”. Markaa bay “kufaar” isku rogi jireen, iyagoo khayr filanaya, khayrna ku abtirsanaya.

Markii dhab loo lumo, buu Allaah soo diri jirey nabi hor leh, oo cusbooneeya, soona nooleeya Diinta tirtirantay.

Ummad waliba sidaa oo kale bay ahayd. Iyagoo sidaa u lunsan, isulana toosan, baa loo soo diri jirey nabi cusub, markaa bay diidi jireen inay rumeeyaan, oo inay wax ka maqan yihiinba lama ahayn, bal Nabiga cusub bay ka dhigi jireen, nin bidca keenay oo waddadii la yiqiin raba inuu beddelo.

Nabi walba ummadda wuxuu kala kulmi jirey, mid u eg tii uu nabi Muxmmad () kala kulmay carabtii oo leh:           “Diintii Ibraahiim baan ku sugannahay”

Iyo Yahuud iyo Nasaaro, oo leh:     “Diintii Muusa iyo Ciisa iyo Ibraahiim baan ku sugannahay”.

Mid waliba cilmigii ay haysatey, iyo nabigii iyo kitaabkii ay sheeganeysey bay ku faraxsanayd, in baadi lagu sheegana waa dhibeysey. Wuxuu Allaah yiri:

-فَلَمَّا جَاءَتْهُمْ رُسُلُهُمْ بِالْبَيِّنَاتِ فَرِحُوا بِمَا عِنْدَهُمْ مِنَ الْعِلْمِ وَحَاقَ بِهِمْ مَا كَانُوا بِهِ يَسْتَهْزِئُونَ" (غافر:83)

Umaddaanna Nabiga (), baa sheegay, inay u lumayso, qaabkii Yahuud iyo Nasaaro u lumeen.

" لَتَتْبَعُنَّ سَنَنَ مَنْ كَانَ قَبْلَكُمْ شِبْرًا شِبْرًا وَذِرَاعًا بِذِرَاعٍ، حَتَّى لَوْ دَخَلُوا جُحْرَ ضَبٍّ تَبِعْتُمُوهُمْ". قُلْنَا: "يَا رَسُولَ اللَّهِ الْيَهُودُ وَالنَّصَارَى؟. قَالَ: "فَمَنْ؟". (البُخاري)

Oo ah: (waad raaci doontaan jidkii dadkii idinka horreeyey, taako taako, iyo dhudhun dhudhun, xataa hadday god abeeso lugaley galeen, waad geli doontaan. Waxaa niri: ma Yahuud iyo Nasaaraa?. Wuxuu yiri: yaa kale.)

-                     Maanta arrintaa baa taagan!!.

-                     Waddadii baadida iyo kufriga baa la raacay, iyadoo la moodayo khayr lagu darsaday khayrkii hore!!.

-                     Hadalladii rusushu sheegi jireen lama diiddana, kufrigii lidka ku ahaa, oo baabi'inayeyna lama diiddana !!.

Kitaabkaanna:

waxaan u qoray, si aan uga badbaado su'aal ka mid ah su'aalaha Aakhiro la is weydiiyo oo ah:

"waxaad ogaatey kaan ogaan maxaad ugu sheegi weydey" 

Waxaan kaloo u qoray, si aan midka aan xaqa la tusin wax ugu tuso, si uusan Aakhiro u oran: "Rabbiyow warmoog baan ahaa cid wax ii sheegtana ma arag".  Waxaan u bixiyey:  "Asallada Diinta iyo aragtida lunsan"

        واللهُ يهدي من يشاءُ إلى صراط مُستقيم                 (جمادى الأولى: 1433هـ)   

waxaa qoray: Maxamuud Nuur Cismaan

 

Copyright © 2013. All Rights Reserved. www.towxiidka.com