Hoyga Barashada Tawxiidka

www.towxiidka.com

  
  
  
Get Adobe Flash player

Dadka booqanaya webka

We have 22 guests and one member online

Waxaa ka dhalanaya:

1) Inaad garatid sida ay tahay, Diinta uu Rabbi dadka ka rabo , iyo inay tahay mid afartaa macne, ay ku kulansan tahay:

 

(kow) waa inuu qofku rumeeyo, awoodda weyn ee “Allaah”, iyo inuu yahay kan keligi dadka iyo kownkuba u dullaysan yihiin, siduu doonana ka yeeli kara:

-                     ﴿وَهُوَ الْقَاهِرُ فَوْقَ عِبَادِهِ وَهُوَ الْحَكِيمُ الْخَبِيرُ﴾ (الأنعام:18)

- ﴿وَلَهُ أَسْلَمَ مَنْ فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ طَوْعًا وَكَرْهًا وَإِلَيْهِ يُرْجَعُونَ﴾ (آل عمران:83)

-﴿وَلَهُ مَنْ فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ كُلٌّ لَهُ قَانِتُونَ﴾ (الروم:26)

-﴿إِنِّي تَوَكَّلْتُ عَلَى اللَّهِ رَبِّي وَرَبِّكُمْ مَا مِنْ دَابَّةٍ إِلَّا هُوَ آَخِذٌ بِنَاصِيَتِهَا﴾ (هود:56)

 

(labo) waa inuu qofku u hoggaansamo, isu dulleeyo, oo addeeco Rabbigi keliya:

-﴿واعبُدوا الله ولا تُشرِكُوا به شيئاً﴾ (النساء:36)

-﴿وأُمرنا لنُسلمَ لربِّ العالمين وَأَنْ أَقِيمُوا الصَّلَاةَ وَاتَّقُوهُ وَهُوَ الَّذِي إِلَيْهِ تُحْشَرُونَ﴾  (الأنعام:71-72)

-﴿فَإِلَهُكُمْ إِلَهٌ وَاحِدٌ فَلَهُ أَسْلِمُوا وَبَشِّرِ الْمُخْبِتِينَ﴾ (الحج:34)

 

(saddex) waa inuu qofku shareecada Rabbigi keliya, shareeco ka dhigto, isagoo leh rumayn ah: qalbi, qawl, iyo ficil.

-﴿آَمَنَ الرَّسُولُ بِمَا أُنْزِلَ إِلَيْهِ مِنْ رَبِّهِ وَالْمُؤْمِنُونَ﴾ (البقرة:285)

-﴿ثُمَّ جَعَلْنَاكَ عَلَى شَرِيعَةٍ مِنَ الأَمْرِ فَاتَّبِعْهَا وَلا تَتَّبِعْ أَهْوَاءَ الَّذِينَ لا يَعْلَمُونَ﴾ (الجاثية:18)

-﴿اتَّبِعُوا مَا أُنْزِلَ إِلَيْكُمْ مِنْ رَبِّكُمْ وَلَا تَتَّبِعُوا مِنْ دُونِهِ أَوْلِيَاءَ﴾ (الأعراف:3)

 

(afar) waa inuu qofku rumeeyo, abaal marinta Rabbi ee danbe, in kii khayr shaqaysta, khayr lagu abaal marin doono, kii xumaan shaqaystana xumaan. Dadkana loo kala abuuray "Janno" iyo "Naar".

 -﴿إِنَّ اللَّهَ يُدْخِلُ الَّذِينَ آَمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ جَنَّاتٍ تَجْرِي مِنْ تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ وَالَّذِينَ كَفَرُوا يَتَمَتَّعُونَ وَيَأْكُلُونَ كَمَا تَأْكُلُ الْأَنْعَامُ وَالنَّارُ مَثْوًى لَهُمْ﴾ (محمد:12)

-﴿لَيْسَ بِأَمَانِيِّكُمْ وَلَا أَمَانِيِّ أَهْلِ الْكِتَابِ مَنْ يَعْمَلْ سُوءًا يُجْزَ بِهِ وَلَا يَجِدْ لَهُ مِنْ دُونِ اللَّهِ وَلِيًّا وَلَا نَصِيرًا. وَمَنْ يَعْمَلْ مِنَ الصَّالِحَاتِ مِنْ ذَكَرٍ أَوْ أُنْثَى وَهُوَ مُؤْمِنٌ فَأُولَئِكَ يَدْخُلُونَ الْجَنَّةَ وَلَا يُظْلَمُونَ نَقِيرًا﴾ (النساء:123-124)

-﴿فَرِيقٌ فِي الْجَنَّةِ وَفَرِيقٌ فِي السَّعِيرِ﴾ (الشورى:7)

 

2) waxaa ka dhalanaya garashada macnaha ereyga “diin”, Inaad garatid, in haddii lagaa waayo afartaa macne, lagaa waayey Diintii xaqa ahayd, sidii looga waayey ehelkii kitaabka. Wuxuu “Allaah” yiri :

﴿قَاتِلُوا الَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ وَلَا بِالْيَوْمِ الْآَخِرِ وَلَا يُحَرِّمُونَ مَا حَرَّمَ اللَّهُ وَرَسُولُهُ وَلَا يَدِينُونَ دِينَ الْحَقِّ مِنَ الَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ﴾ (التوبة:29)

 

Ehelka kitaabku (yahuud iyo nasaaro), waa isla toosnaayeen, waxayse uga bexeen Diinta xaqa ah: waa iyagoo afartaa macne  laga waayey:

(kow) awoodda bay u qiri waayeen, Rabbi keligi.     (لا يُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ)

 

(labo) keligi bay u hoggaansami waayeen:                (لا يُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ)

 

(saddex) shareecadii Islaamka keligeed, bay raaci waayeen:          (وَلا يُحَرِّمُونَ مَا حَرَّمَ اللَّهُ وَرَسُولُهُ)

 

(afar) abaal marinta danbena, waa rumayn waayeen, mar hadday cadaabka Rabbi ka cabsan waayeen: (وَلَا بِالْيَوْمِ الْآَخِرِ)

 

Sidaa darteed bay noqdeen: kuwo aan ku sugnayn, Diinta xaqa ah, inkastoo ay sheegtaan: (وَلَا يَدِينُونَ دِينَ الْحَقِّ)

 

3) Qof afartaa arrimood diiddan, Islaam uma ansaxayo, Islaamkii buu soo galayna lama oran karo.

·                    Hadduu yiraahdo:

“waan islaamayaa, waxaanse rumaysnahay, inay jiraan wax kaloo adduunka awood iyo maamul ku leh, oo aan laga hari karin in la raalli geliyo, gargaarna laga dalbo lana addeecsanaado”. Qofkaa jeer uu ka baxo caqiidadaa, “Diinta Islaamka” soo geliddeedu uma ansaxayso.

 

·                    Hadduu yiraahdo:

“waan islaamayaa, waxaase jira duul aan raacsanaan doono, oo aanan amarkooda jebin karin, hadduu Diinta waafaqsan yahay, iyo haddii kaleba” . Qofkaa jeer uu ka baxo  caqiidadaa, “Diinta Islaamka”, soo geliddeedu uma ansaxayso.

 

·                    Hadduu yiraahdo:

“waan islaamayaa, waxaase jirta inaanan ka hari doonin, raacidda sharciyada ku yaal “Tawraat”, ama “Injiil”, ama “dastuurro” ay dad dejiyeen, kana liita “Tawraat”, iyo “Injiil”. Qofkaa jeer uu ka baxo caqiidadaa, “Diinta Islaamka” soo geliddeedu uma ansaxayso.

 

·     Hadduu yiraahdo:

“waan islaamayaa, waxaase jirta, inaanan rumaysnayn, ama in shaki iiga jiro, abaal marinta danbe, iyo “Janno” iyo Naar” . Qofkaa jeer uu ka baxo caqiidadaa, “Diinta Islaamka” soo geliddeedu uma ansaxayso.

 

·   Sida qofkaa ayan ugu ansaxayn, soo gelidda “Diinta Islaamka”, bayan ugu ansaxayn, inuu ku sii jiro, midkii “Diinta” ku jiri jirey, hase yeeshee dib ka rumeeyey  arrimahaa mid ka mid ah. Waxaana lagu tirinayaa, inuu yahay mid “Diinta” ka riddoobey.

 

4) Afarta macne, ee ay kulansanayso, “Diinta xaqa ah”, ee kala ah:

 1- Awoodda sare iyo u talinta caalamka, Allaah keligi baa leh.

 2- In loo hoggaansamo, oo la addeeco, Allaah keligi baa leh.

 3- In shareecadiisa la raaco, Allaah keligi baa leh.

 4- Abaal marinta danbe, Jannada iyo Naarta, Allaah keligi baa leh.

 

Haddii qofka ay mid keliya ka maqan tahay, iyo hadday ka wada maqan yihiin waa isku xukun, waana mid aan ku jirin “Diinta xaqa ah”.

 

Maxaa yeelay mid walba oo ka mid ah afartaa, wuxuu ku jiraa asallada “Iimaanka”, ee lagu kala saaro, mu’minka iyo kaafirka ee kala ah:

(أن تُؤمن بالله وملائكته وكُتبه ورسله واليوم الآخر)

 

Labada macne ee hore waxay ku jiraan: (أن تُؤمن بالله)

 Kan saddexaadna wuxuu ku jiraa: (وكُتبه)

Kan afraadna wuxuu ku jiraa: (واليوم الآخر)

 

Sidaa bayan meel u kala jirin, “Iimaanka” iyo “Diinta xaqa ah”. Waxaana been ah, inuu jiro qof “Iimaanka” diiddan, kuna jira “Diinta xaqa ah”. Waayo “Iimaanku” waa “Diinta xaqa ah”. “Diinta xaqa ahna”, waa “Iimaanka”.

 

 

Copyright © 2013. All Rights Reserved. www.towxiidka.com