Hoyga Barashada Tawxiidka

www.towxiidka.com

  
  
  
Get Adobe Flash player

Dadka booqanaya webka

We have 32 guests and one member online

Bal aan eegno sida looga lumi jirey, “Diinta xaqa ah”.

Waxaa dhici jirey – samankanna dhaca – in Rabbi keligi loo deyn waayo, afartii macne, ee uu ereygu lahaa, ee ahaa:

1.    Awoodda sare iyo u talinta dadka.

2.    U hoggaansamidda, iyo addeecidda.

3.    Sharciga iyo nidaamka.

4.    Abaal marinta.

 

1-    Macnaha kowaad:

(Awoodda sare iyo u talinta dadka.)

1) Sida badan dadka kufriyey, waxay qiri jireen, inuu “Allaah” leeyahay awoodda ugu sarraysa, iyo inuu keligi wax abuuro, waxna dilo, waxna nooleeyo, roobabkana keeno, addoommadana irsaaqo, sida aad ka arkaysid, aayadaha soo socda:

 

-﴿قُلْ مَنْ يَرْزُقُكُمْ مِنَ السَّمَاءِ وَالأَرْضِ أَمَّنْ يَمْلِكُ السَّمْعَ وَالأَبْصَارَ وَمَنْ يُخْرِجُ الْحَيَّ مِنَ الْمَيِّتِ وَيُخْرِجُ الْمَيِّتَ مِنَ الْحَيِّ وَمَنْ يُدَبِّرُ الأَمْرَ فَسَيَقُولُونَ اللَّهُ﴾ (يونس:31)

-﴿قُلْ لِمَنِ الأَرْضُ وَمَنْ فِيهَا إِنْ كُنْتُمْ تَعْلَمُونَ. سَيَقُولُونَ لِلَّهِ﴾  (المؤمنون:84-85)

-﴿قُلْ مَنْ رَبُّ السَّمَاوَاتِ السَّبْعِ وَرَبُّ الْعَرْشِ الْعَظِيمِ. سَيَقُولُونَ لِلَّهِ﴾  (المؤمنون:86-87)

-﴿وَلَئِنْ سَأَلْتَهُمْ مَنْ خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ لَيَقُولُنَّ خَلَقَهُنَّ الْعَزِيزُ الْعَلِيمُ﴾ (الزخرف:9)

-﴿وَلَئِنْ سَأَلْتَهُمْ مَنْ خَلَقَهُمْ لَيَقُولُنَّ اللَّهُ فَأَنَّى يُؤْفَكُونَ﴾ (الزخرف:87)

 

Iyagoo garashadaa lahaa, bay rumeeyeen inay jiraan, duul xoogaa awood ah, ka haysta “Allaah” xaggi, dadkana soo gaarsiin kara khayr iyo shar labadaba, waxayse oran jireen,  kuwaa “Allaah” baa kasii awood sarreeya. 

Kuwaa awoodda ayan lahayn loo yeelay, waa malaa’ik la yiri “waa gabdho Rabbi leeyahay”, ama waa jin, ama waa nabiyo, ama waa dad saalixiin ahaan jirey, oo mar hore dhintay.

 

Wuxuuna qur’aanku caqiidadaa ku tilmaamay, kufri iyo been abuur, runta aad uga fog:

-﴿وَقَالُوا اتَّخَذَ اللَّهُ وَلَدًا سُبْحَانَهُ بَلْ لَهُ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَالأَرْضِ كُلٌّ لَهُ قَانِتُونَ. بَدِيعُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَإِذَا قَضَى أَمْرًا فَإِنَّمَا يَقُولُ لَهُ كُنْ فَيَكُونُ﴾ (البقرة:116-117)

-﴿وَقَالُوا اتَّخَذَ الرَّحْمَنُ وَلَدًا سُبْحَانَهُ بَلْ عِبَادٌ مُكْرَمُونَ﴾ (الأنبياء:26)

-﴿وَقَالَتِ الْيَهُودُ عُزَيْرٌ ابْنُ اللَّهِ وَقَالَتِ النَّصَارَى الْمَسِيحُ ابْنُ اللَّهِ ذَلِكَ قَوْلُهُمْ بِأَفْوَاهِهِمْ يُضَاهِئُونَ قَوْلَ الَّذِينَ كَفَرُوا مِنْ قَبْلُ﴾ (التوبة:30)

-﴿وَالَّذِينَ يَدْعُونَ مِنْ دُونِ اللَّهِ لَا يَخْلُقُونَ شَيْئًا وَهُمْ يُخْلَقُونَ. أَمْوَاتٌ غَيْرُ أَحْيَاءٍ وَمَا يَشْعُرُونَ أَيَّانَ يُبْعَثُونَ. إِلَهُكُمْ إِلَهٌ وَاحِدٌ﴾ (النحل:20-22) 

Sidaa baa looga lumi jirey rumaynta “Allaah”, iyo in keligi loo qiro, awoodda sare, iyo u talinta Caalamka. Iyagoo kuwaa lumay weli is moodaya, inay Rabbi rumaysan yihiin.

 

2) Waxaa jirey qaab labaad, oo looga lumi jirey, rumaynta awoodda xaqa ah, taasoo ahayd, awood wax jideyn, oo loo rumayn jirey, odayada qabiilooyinka, kuwa u khidmeeya sanamyada "السدنة", kaahinnada, culamada lunsan, iyo kuwa wax sixra. 

wuxuu “Allaah” yiri:

-﴿فَمَن يَكْفُرْ بِالطَّاغُوتِ وَيُؤْمِنْ بِاللَّهِ فَقَدِ اسْتَمْسَكَ بِالْعُرْوَةِ الْوُثْقَى لَا انْفِصَامَ لَهَا وَاللَّهُ سَمِيعٌ عَلِيمٌ﴾ (البقرة:256)

Waxaa magaca (الطاغوت) soo hoos gelaya, qofka lagu raaco baadida, awood looga baqayo, ama jeclaan la jecel yahay darteed. Wuxuu yiri mufasirka: الطبري

"والصواب من القول عندي فـي الطاغوت: أنه كل ذي طغيان علـى الله فعبد من دونه، إما بقهر منه لـمن عبده، وإما بطاعة مـمن عبده له، إنسانا كان ذلك الـمعبود، أو شيطانا، أو وثنا، أو صنـما، أو كائنا ما كان من شي"

 

Hadalkaa oo ah:

(sida sawaabta ila ah waxaa weeye: in “daaquutku” yahay, mid walboo Allaah ku xad gudbey, sokodina la caabudey, adkaantiisa ama addeeciddiisa oo la rabo darteed, kaa la caabudayo qof ha ahaado, ama shaydaan, ama sanam, ama wax kaleba ha ahaadee.)

 

-﴿اتَّخَذُوا أَحْبَارَهُمْ وَرُهْبَانَهُمْ أَرْبَابًا مِنْ دُونِ اللَّهِ وَالْمَسِيحَ ابْنَ مَرْيَمَ وَمَا أُمِرُوا إِلا لِيَعْبُدُوا إِلَهًا وَاحِدًا لا إِلَهَ إِلا هُوَ سُبْحَانَهُ عَمَّا يُشْرِكُونَ﴾ (التوبة:31)

Sida rabbiyada looga dhigtay culamada, ma ahayn in la rumeeyey, inay awood sare ku leeyihiin, cirarka iyo dhulka, ee waxay ahayd, in loo aqoonsaday inay ku leeyihiin, awoodda wax jideynta dadka dhexdiisa.

Dadkuna waa qayb ka mid ah caalamka, waana isku mid ah haddii addoon la yiraahdo, cirarkuu maamulaa, oo roob buu keeni karaa, iyo haddii la yiraahdo, dadkuu maamulaa, oo u jideeyaa xalaal iyo xaaraan . Waayo ma jiro mid xaq u leh, maamul iyo wax jideyn caynkaa ah, awooddeedana leh, Allaah mooyee. 

Si aad u akhrisato qaybta labaad ee casharkaan halkaan riix insha allaah

Copyright © 2013. All Rights Reserved. www.towxiidka.com