Hoyga Barashada Tawxiidka

www.towxiidka.com

  
  
  
Get Adobe Flash player

Dadka booqanaya webka

We have 57 guests and one member online

1) Waxaa jirta arrimihii nabiyadu sheegeen, dadkana ka dalbeen inay rumeeyaan, inay ugu horreeyeen, uguna waaweynaayeen shan arrimood.

Aayadaha soo socda baana kuu muujinaya:

-" وَلَكِنَّ الْبِرَّ مَنْ آَمَنَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآَخِرِ وَالْمَلَائِكَةِ وَالْكِتَابِ وَالنَّبِيِّينَ" (البقرة:177)

-" آَمَنَ الرَّسُولُ بِمَا أُنْزِلَ إِلَيْهِ مِنْ رَبِّهِ وَالْمُؤْمِنُونَ كُلٌّ آَمَنَ بِاللَّهِ وَمَلَائِكَتِهِ وَكُتُبِهِ وَرُسُلِهِ لا نُفَرِّقُ بَيْنَ أَحَدٍ مِنْ رُسُلِهِ وَقَالُوا سَمِعْنَا وَأَطَعْنَا غُفْرَانَكَ رَبَّنَا وَإِلَيْكَ الْمَصِيرُ" (البقرة: 285)

-" وَمَنْ يَكْفُرْ بِاللَّهِ وَمَلَائِكَتِهِ وَكُتُبِهِ وَرُسُلِهِ وَالْيَوْمِ الْآَخِرِ فَقَدْ ضَلَّ ضَلَالًا بَعِيدًا" (النساء: 136)

- وفي الحديث: "قَالَ: فَأَخْبِرْنِي عَنِ الإِيمَانِ، قَالَ: أَنْ تُؤْمِنَ بِاللهِ، وَمَلاَئِكَتِهِ، وَكُتُبِهِ، وَرُسُلِهِ، وَالْيَوْمِ الآخِرِ، وَتُؤْمِنَ بِالْقَدَرِ خَيْرِهِ وَشَرِّهِ " (مُتَّفق عليه)

Rumaynta arrimahaa, oo aan kala harayn si saxanna loo rumeeyo, buu qofku ku noqdaa: rumeeye (مُؤمن). Rumayn la’aantoodana – kulligood ama qaarkood – wuxuu ku noqdaa: Rumaynlaawe ( كافر). Qaababka rumaynli’iduna waa noocyo, sida kuwa soo socda: 

(kow) Hadduu qalbiga ka diiddan yahay, oo run inay yihiin, garan la’yahay, kana shakisan yahay waa: rumaynlaawe (كافر)

Waana nooca kufriga ah, ee ay u badnaan jireen caammada baadiyaysan. Rumaynta ay diidayeenna saddex baa ugu sii darraa.

Waxay oran jireen:

1. kuwa Allaah ka sokeeya, ka hari mayno cibaadadooda.

2. Nin nala mida, waa lay soo diray, ka rumaysan mayno.

3. Dad waa hore dhintay, yaa soo noolayn kara.

Wuxuu qur’aanku sheegay inay oran jireen:

-" وَيَقُولُونَ أَئِنَّا لَتَارِكُوا آَلِهَتِنَا لِشَاعِرٍ مَجْنُونٍ" (الصافات:36)

-" وَمَا مَنَعَ النَّاسَ أَنْ يُؤْمِنُوا إِذْ جَاءَهُمُ الْهُدَى إِلَّا أَنْ قَالُوا أَبَعَثَ اللَّهُ بَشَرًا رَسُولًا" (الإسراء:94)

-" أَئِذَا مِتْنَا وَكُنَّا تُرَابًا ذَلِكَ رَجْعٌ بَعِيدٌ" (ق:3)

-" أَمْ تَحْسَبُ أَنَّ أَكْثَرَهُمْ يَسْمَعُونَ أَوْ يَعْقِلُونَ إِنْ هُمْ إِلَّا كَالْأَنْعَامِ بَلْ هُمْ أَضَلُّ سَبِيلًا" (الفرقان:44)

(labo) Hadduu qalbiga ka garto inayrun yihiin, laakiin uu qawl iyo ficilba ku raaci waayo, islaweyni ama dana adduun dartood, waa: rumaynlaawe (كافر). 

Waana nooca kufriga ah, ee ay u badnaan jireen, madaxdii xaqa diidi jirtey. Jaga adduun oo ay ilaashanayaan, iyo isla weyni, bay run ay fahmayaan, u diidi jireen, ulana diriri jireen. Aayadaha soo socda baa wax naga tusaya:

-" وَإِذْ قُلْنَا لِلْمَلَائِكَةِ اسْجُدُوا لِآَدَمَ فَسَجَدُوا إِلَّا إِبْلِيسَ أَبَى وَاسْتَكْبَرَ وَكَانَ مِنَ الْكَافِرِينَ" (البقرة:34)

-" قَالَ لَقَدْ عَلِمْتَ مَا أَنْزَلَ هَؤُلَاءِ إِلَّا رَبُّ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ بَصَائِرَ وَإِنِّي لَأَظُنُّكَ يَا فِرْعَوْنُ مَثْبُورًا" (الإسراء: 102)

-" وَجَحَدُوا بِهَا وَاسْتَيْقَنَتْهَا أَنْفُسُهُمْ ظُلْمًا وَعُلُوًّا" (النمل:14)

-" فَإِنَّهُمْ لَا يُكَذِّبُونَكَ وَلَكِنَّ الظَّالِمِينَ بِآَيَاتِ اللَّهِ يَجْحَدُونَ" (الأنعام:33)

-" وَقَالُوا إِنْ نَتَّبِعِ الْهُدَى مَعَكَ نُتَخَطَّفْ مِنْ أَرْضِنَا" (القصص:57)

(saddex) Hadduu qalbiga ka diiddan yahay, oo run inay yihiin, garan la’yahay, kana shakisan yahay, hase ahaatee afka ka sheegto rumayn, ficilladana wax kala yimaado waa: rumaynlaawe (كافر( 

Waana nooca kufriga ah, ee ay ku jireen, kuwa Rabbi u bixiyey munaafiqiinta, oo xusiddoodu ku badan tahay qur’aanka. Wuxuu Rabbi yiri:

-"إِنَّ الْمُنَافِقِينَ فِي الدَّرْكِ الْأَسْفَلِ مِنَ النَّارِ وَلَنْ تَجِدَ لَهُمْ نَصِيرًا" (النساء:145)

-" الْمُنَافِقُونَ وَالْمُنَافِقَاتُ بَعْضُهُمْ مِنْ بَعْضٍ يَأْمُرُونَ بِالْمُنْكَرِ وَيَنْهَوْنَ عَنِ الْمَعْرُوفِ وَيَقْبِضُونَ أَيْدِيَهُمْ نَسُوا اللَّهَ فَنَسِيَهُمْ إِنَّ الْمُنَافِقِينَ هُمُ الْفَاسِقُونَ. وَعَدَ اللَّهُ الْمُنَافِقِينَ وَالْمُنَافِقَاتِ وَالْكُفَّارَ نَارَ جَهَنَّمَ خَالِدِينَ فِيهَا هِيَ حَسْبُهُمْ وَلَعَنَهُمُ اللَّهُ وَلَهُمْ عَذَابٌ مُقِيمٌ" (التوبة: 67- 68)

2)- Arrimahaan la rumaynayo, waxaa asallo loo yiri:

a)- waa khabarka kowaad; ee Diinta laysaga sheego.

b)- Diinta inteeda kale baa iyaga ku dul taagan, oo haddii iyaga la waayo, diin kalena qofka uma jireyso, umana ansaxayso.     

Asalladaa ma aha wax kala hari kara, iyagoo wada jira, bay hal magac leeyihiin, oo ah rumaynta, ama (الإيمان) . midkood hadduu qofku rumayn waayo, inta kale rumayntoodu, waxba u tari mayso, waana: rumaynlaawe yacni (كافر).

Asalladaa markay rusushu dadka u soo bandhigayeen, mid mid uma bari jirin, ee mar keliya, hal fadhi bay ku wada sheegi jireen, sida ku cad qur’aanka:

-" لَقَدْ أَرْسَلْنَا نُوحًا إِلَى قَوْمِهِ فَقَالَ يَا قَوْمِ اعْبُدُوا اللَّهَ مَا لَكُمْ مِنْ إِلَهٍ غَيْرُهُ إِنِّي أَخَافُ عَلَيْكُمْ عَذَابَ يَوْمٍ عَظِيمٍ" (الأعراف:59)

-" وَإِلَى مَدْيَنَ أَخَاهُمْ شُعَيْبًا فَقَالَ يَا قَوْمِ اعْبُدُوا اللَّهَ وَارْجُوا الْيَوْمَ الْآَخِرَ وَلَا تَعْثَوْا فِي الْأَرْضِ مُفْسِدِينَ" (العنكبوت:36)  

-" وَجِئْتُكُمْ بِآَيَةٍ مِنْ رَبِّكُمْ فَاتَّقُوا اللَّهَ وَأَطِيعُونِ. إِنَّ اللَّهَ رَبِّي وَرَبُّكُمْ فَاعْبُدُوهُ هَذَا صِرَاطٌ مُسْتَقِيمٌ" (آل عمران:50-51)

-" كَذَّبَتْ قَوْمُ نُوحٍ الْمُرْسَلِينَ. إِذْ قَالَ لَهُمْ أَخُوهُمْ نُوحٌ أَلَا تَتَّقُونَ. إِنِّي لَكُمْ رَسُولٌ أَمِينٌ. فَاتَّقُوا اللَّهَ وَأَطِيعُونِ" (الشعراء: 105- 108)

Si aad u akhrisato qaybta labaad ee casharkaan halkaan riix insha allaah

Copyright © 2013. All Rights Reserved. www.towxiidka.com