Hoyga Barashada Tawxiidka

www.towxiidka.com

  
  
  
Get Adobe Flash player

Dadka booqanaya webka

We have 5 guests and 2 members online

1- Waxaan soo marray Asallada Iimaanku, inay yihiin:

rumaynta: Allaah, malaa’iktiisa, kutubtiisa, rusushiisa, iyo maalinta danbe, iyo rumaynta qaddarta, oo ka mid ah rumaynta kitaabka.

Waxaan kaloo soo sheegnay rumaynta Allaah, ee dadka ka maqnayd, rusushuna ka dalbayeen, inay ahayd: “xaqiijinta tawxiidka, iyo shirki ka bixidda” , qofkii intaa laga helana inuu noqon jirey, qof Iimaanka aqbalay.

Marka waxaa jirta arrimahaa inay yihiin, arrimo guud – duuduub ah – oo ay leeyihiin faahfaahin. Taa oo ah in qofkaa Iimaanka aqbalay, ay uga imanayaan xagga Rabbigi amarro tira badan, iyo reebitaanno tira badan, oo uu ku khasban yahay fulintooda, waayo waa u hoggaansankii Allaah keligi dhaqan gelintiisii.

Marka amarradaa iyo reebitaannadaa badan, waxaa ku jira qaar la adkeeyey, oo la sheegay kii khilaafa, oo jebiya in la cadaabayo, hadduusan Allaah cafiyin. kuwaa baa la yiraahdaa Iimaan waajiba.

Iimaanka waajibka ah haddii la khilaafo, waxaa in la fiiriyo ah qaabka loo khilaafay:

1.  hadduu yahay khilaaf ay la socoto laba arrimood:

a) qofkoo rumaysan inuu Rabbigi ku caasiyey, waxa uu falayna la xun yihiin.

b) Isagoo rumaysan inuu ciqaabta Allaah halis u yahay, hadduusan cafiyin.

Qofkaa waa qof muslim ah, oo danbaabey. Hadduu danbiga uu galay ciqaab sharciya leeyahay, waa la marinayaa, haddii kalena inuu tawbad keeno, baa lagu waaninayaa:

-" وَعَصَى آَدَمُ رَبَّهُ فَغَوَى.ثُمَّ اجْتَبَاهُ رَبُّهُ فَتَابَ عَلَيْهِ وَهَدَى" (طه: 121-122)

-" الزَّانِيَةُ وَالزَّانِي فَاجْلِدُوا كُلَّ وَاحِدٍ مِنْهُمَا مِئَةَ جَلْدَةٍ" (النُّور: 2)

-" وَالسَّارِقُ وَالسَّارِقَةُ فَاقْطَعُوا أَيْدِيَهُمَا جَزَاءً بِمَا كَسَبَا نَكَالًا مِنَ اللَّهِ وَاللَّهُ عَزِيزٌ حَكِيمٌ" (المائدة: 38) 

2.  hadduu yahay khilaaf ah sidii diidmadii Ibliis: “yeeli mayo”, oo uu qofku leeyahay, zako dhiibi mayo, soomi mayo, khamro deyn mayo iwm, waan soo marnay inay tahay , arrin Iimaanku ku baaba’ayo.

Sidii kii yiri:

salaad iyo maxaa igu xaqsaday, suxullo mayrmayrka

soon iyo maxaa igu xaqsaday,  caana subax diidka

3. Waxaa taa la mida, oo uu Iimaanku ku baaba’ayaa, iyadoo amarkii la duro, la caayo, lidkiisana la faaniyo.

Sida kuwa caaya: xijaabka, gar deysashada, gacan goynta tuugga, dhagax ku dilka kii zina fala hadduu yahay mid guur soo maray iwm.

4. Waxaa taa la mida beeninta, oo aan soo marnay faahfaahinteeda, waa qofkoo yiraahda: “Diinta ka mid ma aha”,ama: “Allaah ima farin”, ama: “ma aqaan” iwm.  waxaana jira qof ku riddoobaya iyo qof aan ku riddoobeyn. Waa hadba sida ogaalku yahay, iyo nooca mas’aladu.

Copyright © 2013. All Rights Reserved. www.towxiidka.com