Hoyga Barashada Tawxiidka

www.towxiidka.com

  
  
  
Get Adobe Flash player

Dadka booqanaya webka

We have 47 guests and one member online

1-  Islaam maxaa looga jeedaa?

1) Ereyga (Islaam) (الإسلام) : waa erey carabi ah, oo ka yimid: (أسلم ـ يُسلمُ ـ إسلاماً) oo ah: (waa u is dhiibey - waa u is dhiibayaa - is dhiibid)

 Islaam: macnahiisu waa is dhiibid iyo hoggaansamid

Wuxuu yiri “الإمام الطبري:

(وكذلك الإسلام: "وهو الانقـياد بـالتذلل والـخشوع والفعل منه أسلم، بمعنى: دخل في السِّلم". أسلموا: "إذا دخلوا في السلم، وهو الانقياد بالخضوع وترك الممانعة")

Hadalkaa oo ah:

- Islaam(الإسلام) : waa hoggaansamid wadata is dulleyn, iyo is jilcin.

- Ficilkuna waa (أسلمَ) : oo ah hoggaansan buu galay.

- Waa: hoggaansamid wadata is dhiibid iyo is difaacid la’aan .

2) Diinta xaqa ah, ee ay anbiyadu keeneen, waxaa la yiraahdaa islaam (الإسلام), waana anbiyadoo dhan, sida aad ka fahmi kartid aayadaha soo socda:

Nabi Nuux (عليه السلام) wuxuu yiri:       -" وَأُمِرْتُ أَنْ أَكُونَ مِنَ الْمُسْلِمِينَ" (يونس:72)

Nabi Ibraahiim (عليه السلام) wuxuu yiri:         -" أَسْلَمْتُ لِرَبِّ الْعَالَمِينَ" (البقرة:131)

Isagiyo Nabi Ismaaciil (عليهما السلام) waxay yiraahdeen:

-" رَبَّنَا وَاجْعَلْنَا مُسْلِمَيْنِ لَكَ وَمِنْ ذُرِّيَّتِنَا أُمَّةً مُسْلِمَةً لَكَ "  (البقرة:128)

Isagiyo Nabi Yacquub (عليهما السلام) waxay yiraahdeen:

-" إِنَّ اللَّهَ اصْطَفَى لَكُمُ الدِّينَ فَلَا تَمُوتُنَّ إِلَّا وَأَنْتُمْ مُسْلِمُونَ"  (البقرة:132)

Nabi Muusa (عليه السلام) wuxuu yiri:

-" يَا قَوْمِ إِنْ كُنْتُمْ آَمَنْتُمْ بِاللَّهِ فَعَلَيْهِ تَوَكَّلُوا إِنْ كُنْتُمْ مُسْلِمِينَ"  (يونس:84)

Nabi Muxammad (عليه الصلاة السلام) waxaa lala soo diray Diintii nabiyadii hore, waxaana la faray inuu yiraahdo:

-" قُلْ آَمَنَّا بِاللَّهِ وَمَا أُنْزِلَ عَلَيْنَا وَمَا أُنْزِلَ عَلَى إِبْرَاهِيمَ وَإِسْمَاعِيلَ وَإِسْحَاقَ وَيَعْقُوبَ وَالْأَسْبَاطِ وَمَا أُوتِيَ مُوسَى وَعِيسَى وَالنَّبِيُّونَ مِنْ رَبِّهِمْ لَا نُفَرِّقُ بَيْنَ أَحَدٍ مِنْهُمْ وَنَحْنُ لَهُ مُسْلِمُونَ. وَمَنْ يَبْتَغِ غَيْرَالْإِسْلَامِ دِينًا فَلَنْ يُقْبَلَ مِنْهُ وَهُوَ فِي الْآَخِرَةِ مِنَ لْخَاسِرِينَ" (آل عمران:84-85)

3)Diinta xaqa ah, ee ay anbiyadu keeneen, waxaa is dhiibid loogu magacaabay arrinta ay dadka ka dalbayso baa ah: “inay Rabbigood keliya isu dhiibaan”. Soo geliddeedana is dhiibid baa u shardi ah:

qofku intuusan soo gelin Diinta xaqa ah, wuxuu u hoggaansanaa, oo uu ahaa mid isu dhiibey kuwo uu ku maleeyey awood ay wax ugu tari karaan, kuna dhibi karaan. Markaa buu ugu hoggaansamey: baryo, baqdin, rajeyn, isku hallayn, sharad u xirid, wax u birayn, iwm.

Markaa bay Diintu ugu yeertay, inuu is dhiibidda iyo hoggaansamidda ku koobo Allaah, kuwuu markii hore u hoggaansanaa, oo uu ahaa mid isu dhiibeyna kala soo noqdo hoggaansankii iyo is dhiibiddii. Isagoo aan intaa yeelinna u ansixi mayso soo gelidda Diinta Islaamku. 

qofku intuusan soo gelin Diinta xaqa ah, wuxuu u hoggaansanaa, oo uu ahaa mid isu dhiibey kuwo uu u qiray awood wax jideyn, iyo inay xaq u leeyihiin, in la addeeco. Wuxuuna  fulin jirey waxay u jideeyaan, kana tegi jirey waxay ka reebaan.

Markaa bay Diintu ugu yeertay, inuu is dhiibidda iyo hoggaansamidda iyo addeecidda, ku koobo Allaah, kuwuu u hoggaansanaa, oo uu addeecsanaana kala soo noqdo hoggaansankii iyo is dhiibiddii. Isagoo aan intaa yeelinna u ansixi mayso soo gelidda Diinta Islaamku.

Haddaba:

“Diinta Islaamka xaqiiqadeedu waa: “Allaah amarradiisa u wada hoggaansan, amarrada ka soo hor jeedana wada diid”

4) Waxaadse ogaataa ereyga Islaam in laba macne loo adeegsado oo kala ah:

a) Islaamka dhabta ah (الإسلام الحقيقي): oo ah kan adduun iyo aakhiro lagu badbaado.

b) Islaamka kore (muuqda) (الإسلام الظاهر): oo ah kan qofkii muujiyaba ku badbaado adduunka, yuusanba aakhiro ku badbaadine.

Copyright © 2013. All Rights Reserved. www.towxiidka.com