Hoyga Barashada Tawxiidka

www.towxiidka.com

  
  
  
Get Adobe Flash player

Dadka booqanaya webka

We have 54 guests and one member online

(2) waa maxay Islaamka dhabta ah ?

1) Islaamka dhabta ah (الإسلام الحقيقي): waxaa looga jeedaa, Diinta nabiyada lala soo diri jirey, ee ahayd Iimaanka. Oo ah in Allaah keligi la rumeeyo, qalbi, carrab, iyo ficil. Rumayn ah in keligi loo hoggaansamo, lagana baxo wadaajinta (shirkiga).

Markii macnahaa loo jeedo, waxaa isku mid ah: Iimaan iyo Islaam. Haddii la yiraahdo: “nabiyada Iimaan baa lala soo diray”, iyo haddii la yiraahdo: “nabiyada Islaam baa lala soo diray”. waa siman yihiin.

Waxayna labaduba isugu biyo shubanayaan: “in Allaah keligi loo hoggaansamo, wixii sokadi loo hoggaansanaan jireyna, laga soo noqdo”.

-" إِنَّ الدِّينَ عِنْدَ اللهِ الإِسْلَامُ" (آل عمران:19)

-" وَمَنْ يَبْتَغِ غَيْرَ الإِسْلَامِ دِينًا فَلَنْ يُقْبَلَ مِنْهُ وَهُوَ فِي الآَخِرَةِ مِنَ الْخَاسِرِينَ" (آل عمران:85)

-"قُلْ إِنَّ هُدَى اللهِ هُوَ الْهُدَى وَأُمِرْنَا لِنُسْلِمَ لِرَبِّ الْعَالَمِينَ. وَأَنْ أَقِيمُوا الصَّلاةَ وَاتَّقُوهُ وَهُوَ الَّذِي إِلَيْهِ تُحْشَرُونَ" (الأنعام: 71-72)

Copyright © 2013. All Rights Reserved. www.towxiidka.com