Hoyga Barashada Tawxiidka

www.towxiidka.com

  
  
  
Get Adobe Flash player

Dadka booqanaya webka

We have 40 guests and one member online

(casharka 4aad)

“Xaqiiqada tawxiidka”

(1) Maxaa looga jeedaa “Tawxiid” ?

1) Tawxiid: waa erey carabi ah, macnihiisuna luuqad ahaan waa: keliyeyn, ama mid ka yeelid.

Wuxuu ka yimid ficilka ah: (وحَّد – يُوحِّدُ - توحيداً), oo ah:

(waa u keliyeeyey- waa u keliyeynayaa- keliyeyn)

)Keliyeyntu waa lidka wadaajinta(.(التَّوحيدُ ضدُّ الشرك)

2) Tawxiidka ay Diintu farayso, rusushuna la yimaadeen, waxaa weeye: “Allaah inaan cid lagu darin, ee kelinimo loo qiro”. Keliyeyntaa oo ah:

1. Inuu sifaatka (tilmaamaha) keli ku yahay, cid u egna ayan jirin. Wax walboo uu isku tilmaamay, siduu isugu tilmaamay in loo rumeeyo, lagana nazaho (hufo) la wadaagid.

-" لَيْسَ كَمِثْلِهِ شَيْءٌ وَهُوَ السَّمِيعُ الْبَصِيرُ" (الشورى:11)

2. Inuu ficilladiisa keli ku yahay, cid u egna ayan jirin.

cid wax abuurta, cid wax irsaaqda, cid wax disha, cid wax noolaysa, cid wax jideysa, ma jirto aan isaga ahayn:

-" اللَّهُ الَّذِي خَلَقَكُمْ ثُمَّ رَزَقَكُمْ ثُمَّ يُمِيتُكُمْ ثُمَّ يُحْيِيكُمْ هَلْ مِنْ شُرَكَائِكُمْ مَنْ يَفْعَلُ مِنْ ذَلِكُمْ مِنْ شَيْءٍ سُبْحَانَهُ وَتَعَالَى عَمَّا يُشْرِكُونَ" (الروم:40)

-" قُلْ هَلْ مِنْ شُرَكَائِكُمْ مَنْ يَهْدِي إِلَى الْحَقِّ قُلِ اللَّهُ يَهْدِي لِلْحَقِّ أَفَمَنْ يَهْدِي إِلَى الْحَقِّ أَحَقُّ أَنْ يُتَّبَعَ أَمَّنْ لَا يَهِدِّي إِلَّا أَنْ يُهْدَى فَمَا لَكُمْ كَيْفَ تَحْكُمُونَ" (يونس:35)

3. Inuu u hoggaansamidda iyo addeecidda keligi xaq u leeyahay, cid la wadaagtana ayan jirin.

-" وَاعْبُدُوا اللَّهَ وَلَا تُشْرِكُوا بِهِ شَيْئًا" (النساء:36)

-" قُلْ يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنْ كُنْتُمْ فِي شَكٍّ مِنْ دِينِي فَلَا أَعْبُدُ الَّذِينَ تَعْبُدُونَ مِنْ دُونِ اللَّهِ وَلَكِنْ أَعْبُدُ اللَّهَ الَّذِي يَتَوَفَّاكُمْ وَأُمِرْتُ أَنْ أَكُونَ مِنَ الْمُؤْمِنِينَ. وَأَنْ أَقِمْ وَجْهَكَ لِلدِّينِ حَنِيفًا وَلَا تَكُونَنَّ مِنَ الْمُشْرِكِينَ. وَلَا تَدْعُ مِنْ دُونِ اللَّهِ مَا لَا يَنْفَعُكَ وَلَا يَضُرُّكَ فَإِنْ فَعَلْتَ فَإِنَّكَ إِذًا مِنَ الظَّالِمِينَ" (يونس:104-106)

Kufaarta badankood tawxiidka waa ay diidi jireen, gaar ahaan waxay aad u diidi jireen, doodda weynna ka taagnaan jirtey waa: u hoggaansanka Allaah keligi baa u xaq leh ee ha loo daayo.

Rususha oo dhan dadka waxay ugu yeereen: (لا إله إلا الله) oo wadata macnaha ah:“Allaah mooyee ma jiro mid u xaq leh u hoggaansamid”

Waxaana lagu soo ogaadey casharradii hore, ahmiyadda ay leedahay arrinta ah, u keliyeynta cibaadada Allaah, oo la'aanteed qofka u jiri mayo iimaan iyo islaam kore midna.

Copyright © 2013. All Rights Reserved. www.towxiidka.com