Hoyga Barashada Tawxiidka

www.towxiidka.com

  
  
  
Get Adobe Flash player

Dadka booqanaya webka

We have 48 guests and one member online

1) Kufriga weyn waxaa loo kala qaadi karaa laba nooc:

Nooca hore:

Waa mid lagu dhaco waqti uusan xaqu caddayn, waxaa la yiraahdaa: (كُفرُ جهلٍ), dadka oo maslaxa doon ah, oo moodaya inay toosan yihiin, baa ku dhaca, laba wax oo wada kufri iyo abaal ka dhicid ah.

1- Waxay maslaxad moodaan, inay caabudaan addoomo Rabbi abuurtay, inay baryaan oo weydiistaan roobab, risqi, nabad, awlaad, iyo caafimaad. Inay wax u bireeyaan, sharad u xiraan, una dawaafaan iwm .   Taasina waa wadaajin weyn (شرك أكبر)

-" وَيَعْبُدُونَ مِنْ دُونِ اللَّهِ مَا لا يَنْفَعُهُمْ وَلا يَضُرُّهُمْ وَكَانَ الْكَافِرُ عَلَى رَبِّهِ ظَهِيرًا" (الفرقان:55)

-" قُلْ يَا أَيُّهَا الْكَافِرُونَ. لا أَعْبُدُ مَا تَعْبُدُونَ. وَلا أَنْتُمْ عَابِدُونَ مَا أَعْبُدُ. وَلا أَنَا عَابِدٌ مَا عَبَدْتُمْ. وَلا أَنْتُمْ عَابِدُونَ مَا أَعْبُدُ. لَكُمْ دِينُكُمْ وَلِيَ دِينِ" (الكافرون:1-6)

2- Waxay maslaxad moodaan raacidda amarrada ka soo fula addoomada, waxay u jideeyaanna waa ku raacaan, oo ku dhaqmaan. Taasina waa wadaajin weyn (شرك أكبر)

 -" وَمَنْ أَضَلُّ مِمَّنَ اتَّبَعَ هَوَاهُ بِغَيْرِ هُدًى مِنَ اللهِ إِنَّ اللهَ لا يَهْدِي الْقَوْمَ الظَّالِمِينَ" (القصص:50)

-" أَمْ لَهُمْ شُرَكَاءُ شَرَعُوا لَهُمْ مِنَ الدِّينِ مَا لَمْ يَأْذَنْ بِهِ اللهُ" (الشورى:21)

Nooca kale:

Waa mid lagu dhaco waqti xaqu cad yahay:

- Mid baa ku dhacaya (كُفرُ تكذيب ), waa been buu oranayaa, dadkana waa ku dirayaa, si jago adduun ugu baaqato.

- Mid isla weyni baa ku rideysa (كُفرُ إباء واستكبار), isagoo aan hayn wax uu ku beeniyo oo xuja ah, buu diidmo qayaxan la soo baxayaa.

- Mid is dhibi mayo, raacina mayo, beeninna mayo, adduunyadiisa buu dhaqanayaa, (كُفرُ الإعراض ), ama (كُفرُ استحباب الدنيا), buu jid ka dhiganayaa.

- Mid waxaan colaad ahayn laga arki mayo (كُفرُ معاداة), inuu xaqa gartay, iyo inuusan garan midna lama oga, inuu cadaw yahayse waa hubaal.

- Mid shaki buu uga jirayaa (كُفرُ شكّ ), marna arrintu waa xaq buu is oranayaa, marna waa baaddil buu is oranayaa.

- Midna nifaaq (كُفرُ نفاق ), buu dan moodayaa, iyo laba wejileyn. Ehelka xaqa buu afka kala jiraa, uurkana cadawgooda buu kala jiraa.

 

2) Waxaa jirteywaagii uu nabigu (scw) ugu yeeray dadka: “inay “Allaah” keligi u hoggaansamaan” inuu dadku u qaybsamay qaybo kala duwan.

(Kow): waxaa jirey kuwo yiri “beenlow” baa tahay oo Allaah kuma soo dirin ee waad ku iftiroonaysaa !.

-"وَعَجِبُوا أَنْ جَاءَهُمْ مُنْذِرٌ مِنْهُمْ وَقَالَ الْكَافِرُونَ هَذَا سَاحِرٌ كَذَّابٌ" (ص:4)

-"إِنْ هُوَ إِلا رَجُلٌ افْتَرَى عَلَى اللهِ كَذِبًا وَمَا نَحْنُ لَهُ بِمُؤْمِنِينَ"(المؤمنون: 38).

 -"وَقَالَ الَّذِينَ كَفَرُوا هَلْ نَدُلُّكُمْ عَلَى رَجُلٍ يُنَبِّئُكُمْ إِذَا مُزِّقْتُمْ كُلَّ مُمَزَّقٍ إِنَّكُمْ لَفِي خَلْقٍ جَدِيدٍ . أَفْتَرَى عَلَى اللهِ كَذِبًا أَمْ بِهِ جِنَّةٌ بَلِ الَّذِينَ لا يُؤْمِنُونَ بِالآَخِرَةِ فِي الْعَذَابِ وَالضَّلالِ الْبَعِيدِ"  [سبأ:7- 8].

(Labo): waxaa jirey kuwo la shaki geliyey oo wareer ku dhacay oo dhinac ay isku qaadaan garan waayey:

-"قُلْ أَنَدْعُو مِنْ دُونِ اللهِ مَا لا يَنْفَعُنَا وَلا يَضُرُّنَا وَنُرَدُّ عَلَى أَعْقَابِنَا بَعْدَ إِذْ هَدَانَا اللهُ كَالَّذِي اسْتَهْوَتْهُ الشَّيَاطِينُ فِي الأَرْضِ حَيْرَانَ لَهُ أَصْحَابٌ يَدْعُونَهُ إِلَى الْهُدَى ائْتِنَا قُلْ إِنَّ هُدَى اللَّهِ هُوَ الْهُدَى وَأُمِرْنَا لِنُسْلِمَ لِرَبِّ الْعَالَمِينَ".  [الأنعام: 71].

(Saddex): waxaa jirey kuwo yiri “waa xaq” waana qaadannay iyagoo aan qaadan oo aan rumayn.

-" وَمِنَ النَّاسِ مَنْ يَقُولُ آَمَنَّا بِاللَّهِ وَبِالْيَوْمِ الْآَخِرِ وَمَا هُمْ بِمُؤْمِنِينَ. يُخَادِعُونَ اللَّهَ وَالَّذِينَ آَمَنُوا وَمَا يَخْدَعُونَ إِلا أَنْفُسَهُمْ وَمَا يَشْعُرُونَ. فِي قُلُوبِهِمْ مَرَضٌ فَزَادَهُمُ اللَّهُ مَرَضًا وَلَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ بِمَا كَانُوا يَكْذِبُونَ[البقرة: 8-10].

-"وَيَقُولُونَ آَمَنَّا بِاللَّهِ وَبِالرَّسُولِ وَأَطَعْنَا ثُمَّ يَتَوَلَّى فَرِيقٌ مِنْهُمْ مِنْ بَعْدِ ذَلِكَ وَمَا أُولَئِكَ بِالْمُؤْمِنِينَ" [النور: 47].

(Afar): waxaa jirey kuwo gartay xaqqa si dhammaystiranna ugu hogaansamey oo la yiraahdo (المؤمنون)  ama (حزب الله)

-"وَمَنْ يَتَوَلَّ اللهَ وَرَسُولَهُ وَالَّذِينَ آَمَنُوا فَإِنَّ حِزْبَ اللهِ هُمُ الْغَالِبُونَ".  (المائدة: 56).

-" إِنَّمَا الْمُؤْمِنُونَ الَّذِينَ إِذَا ذُكِرَ اللهُ وَجِلَتْ قُلُوبُهُمْ وَإِذَا تُلِيَتْ عَلَيْهِمْ آَيَاتُهُ زَادَتْهُمْ إِيمَانًا وَعَلَى رَبِّهِمْ يَتَوَكَّلُونَ. الَّذِينَ يُقِيمُونَ الصَّلاةَ وَمِمَّا رَزَقْنَاهُمْ يُنْفِقُونَ. أُولَئِكَ هُمُ الْمُؤْمِنُونَ حَقًّا لَهُمْ دَرَجَاتٌ عِنْدَ رَبِّهِمْ وَمَغْفِرَةٌ وَرِزْقٌ كَرِيمٌ (الأنفال: 2-4)

Copyright © 2013. All Rights Reserved. www.towxiidka.com