Hoyga Barashada Tawxiidka

www.towxiidka.com

  
  
  
Get Adobe Flash player

Dadka booqanaya webka

We have 37 guests and no members online

1) Kaafirka garashadiisu waa saddex heer:

Heerka kowaad:

Waa Kaafir ay muslimiintoo dhan garan karaan. Waa kan jaahilka ka ah asallada iimaanka ama asal ka mid ah asallada iimaanka, ama beeninaya. Qofkii garan waayana, waa qof aan weli iimaanka garan.

Waa meesha ay culamadu oran jireen: (من لم يعرف الكُفر لم يعرف الإيمان), oo ah:

(qof kufriga garan waayey, iimaanka ma garan).

Iyo: (من لم يُكفر المُشركين فهو كافر), oo ah: (kaan gaalka gaalaysiin waa gaal kale)

Waa sida:

1. Hadduu rumaysan yahay wadaajinta weyn

(الشرك الأكبر), asalkii kowaad ee ahaa (أن تُؤمن بالله)

baa ka maqan. Inuu yahay kaafirna qof walboo tawxiid gartay, oo rumeeyey, baa garanaya.

2. Hadduusan rumaysnayn malaa’ikta,waxaa ka maqan asalkii labaad ee ahaa (أن تُؤمن بالملائكة). Inuu yahay kaafirna qof walboo malaa’ikta rumeeyey, baa garanaya.

3. Hadduusan rumaysnayn Qur’aanka, ama kutubbada kale waxaa ka maqan asalkii saddexaad ee ahaa

(أن تُؤمن بالكتب). Inuu yahay kaafirna qof walboo kutubbada rumeeyey, baa garanaya.

4. Hadduusan rumaysnayn Nabiga, ama Nabiyada kale waxaa ka maqan asalkii afraad ee ahaa

(أن تُؤمن بالرسل). Inuu yahay kaafirna qof walboo rususha rumeeyey, baa garanaya.

5. Hadduusan rumaysnayn Qiyaamaha, iyo maalinta danbe, waxaa ka maqan asalkii shanaad ee ahaa

(أن تُؤمن باليوم الآخر ). Inuu yahay kaafirna qof walboo Aakhiro rumeeyey, baa garanaya.

6. Hadduu inkiro arrin muslimiintu ogyihiin, inay Diinta ka mid tahay, qur’aankuna sheegay, sida salaadda, zakada, soonka, xajka, jihaadka, waalidka in loo baarri noqdo iwm,  waxaa ka maqan asalkii saddexaad ee ahaa:

(أن تُؤمن بالكتاب). Inuu yahay kaafirna qof walboo Qur’aanka rumeeyey, baa garanaya.

Heerka labaad:

masaa’il waxaa jira kitaabku dhigayo, aqoonteeduna ayan aad u muuqan, waxaa ogaada qofkii; cilmi barasho u soo jeensada, dad badanna waa ka jaahil, iyagoo jooga degaanka muslimiinta.

Arrimahaa qofkii inkira, inuu xaq inkiray waxaa garan kara oo keliya, qof cilmi u lahaa inay xaq yihiin, kitaabkuna dhigayo. Waxaa waajib ah kan inkiraya in loo sheego, waxa uu inkirayo inuu Diinta ka mid yahay.

Markii loo caddeeyo ka dib, oo shubhada laga saaro, hadduu inkiridda ku sii adkaysto, baa lagu xisaabinayaa inuu yahay mid beeniyey aayad ka timid Allaah, kaafirna yahay.

Heerka saddexaad:

Waa kaafir ayan cidina ogaan karin Allaah mooyee, kaasina waa nooc ka mid ah munaafiqiinta, calaamadihii munaafiqiinta lagu garan jireyna, ayan ka muuqan, ama ayan weli ka soo if bixin. Wuxuu yiri Allaah:

-" وَمِمَّنْ حَوْلَكُمْ مِنَ الأَعْرَابِ مُنَافِقُونَ وَمِنْ أَهْلِ الْمَدِينَةِ مَرَدُوا عَلَى النِّفَاقِ لا تَعْلَمُهُمْ نَحْنُ نَعْلَمُهُمْ سَنُعَذِّبُهُمْ مَرَّتَيْنِ ثُمَّ يُرَدُّونَ إِلَى عَذَابٍ عَظِيمٍ" (التَّوبة:101)  

2) aayadahaan soo socda mas’alada bay caddayn u sii siyaadinayaan:

-" وَإِنْ جَاهَدَاكَ لِتُشْرِكَ بِي مَا لَيْسَ لَكَ بِهِ عِلْمٌ فَلَا تُطِعْهُمَا" (العنكبوت:8)

-" يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آَمَنُوا لَا تَتَّخِذُوا آَبَاءَكُمْ وَإِخْوَانَكُمْ أَوْلِيَاءَ إِنِ اسْتَحَبُّوا الْكُفْرَ عَلَى الْإِيمَانِ وَمَنْ يَتَوَلَّهُمْ مِنْكُمْ فَأُولَئِكَ هُمُ الظَّالِمُونَ" (التوبة:23)  -" وَلَا تَكُونُوا مِنَ الْمُشْرِكِينَ" (الروم:31)

Aayadahaan waxaa ku cad qofka rumeeyey tawxiidka inuu garan karo kaafirka aan rumayn, ee wadaajinta (الشرك), ku jira, ama uguba yeeraya.

-" وَدَخَلَ جَنَّتَهُ وَهُوَ ظَالِمٌ لِنَفْسِهِ قَالَ مَا أَظُنُّ أَنْ تَبِيدَ هَذِهِ أَبَدًا. وَمَا أَظُنُّ السَّاعَةَ قَائِمَةً وَلَئِنْ رُدِدْتُ إِلَى رَبِّي لَأَجِدَنَّ خَيْرًا مِنْهَا مُنْقَلَبًا. قَالَ لَهُ صَاحِبُهُ وَهُوَ يُحَاوِرُهُ أَكَفَرْتَ بِالَّذِي خَلَقَكَ مِنْ تُرَابٍ ثُمَّ مِنْ نُطْفَةٍ ثُمَّ سَوَّاكَ رَجُلًا" (الكهف: 35-37)

Aayadahaanna waxaa ku cad qofka rumeeyey Aakhiro inuu garan karo kaafirka aan rumayn.

Sidaa darteed culamadii salafkii hore, waxay isku waafaqsanaayeen, in qofka riddooba, ee kufri weyn ku dhaca ay ku filan tahay, labo muslimiin ah, oo rag ah, inay ku markhaati furaan, inuu kufriyey, si tawbad looga dalbo ama loo dilo.

Wuxuu yiri  (ابن المنذر):

(وأجمع أهل العلم أن شهادة شاهدين يجب قبولهما على الارتداد، ويقتل المرء بشهادتهما إن لم يرجع إلى الإسلام. وانفرد الحسن، فقال: لا يقبل في القتل إلا شهادة أربعة.) (الإجماع)

Oo ah: (waxay dadka cilmiga leh ku kulmeen, arrinta riddoobidda inay waajib tahay, in la aqbalo laba shaahid shahaadadood, kii riddoobeyna lagu dili karo shahaadada labadaa. Xasan baase ka gaar noqday, oo yiri: dilka waa in afar shaahid loo helo)

Bal fiiri farqiga u dhexeeya aragtida salafka, iyo aragtida kuwa yiraahda: (kufri kasta haddaad aragtid, qof baa kufriyey lama oran karo)

Copyright © 2013. All Rights Reserved. www.towxiidka.com