Hoyga Barashada Tawxiidka

www.towxiidka.com

  
  
  
Get Adobe Flash player

Dadka booqanaya webka

We have 27 guests and one member online

1) xagga dilka iyo nabad gelinta, waa taan soo sheegay. Laakiinse xagga guurka, iyo gawraca, iyo jizya saaridda, bay noqdaan afar qaybood:

Tan kowaad:

Waa mushrikiinta aan kitaabka lahayn. Kuwaa waa la reebay guurkooda:

-" وَلا تَنْكِحُوا الْمُشْرِكَاتِ حَتَّى يُؤْمِنَّ وَلأَمَةٌ مُؤْمِنَةٌ خَيْرٌ مِنْ مُشْرِكَةٍ وَلَوْ أَعْجَبَتْكُمْ وَلا تُنْكِحُوا الْمُشْرِكِينَ حَتَّى يُؤْمِنُوا وَلَعَبْدٌ مُؤْمِنٌ خَيْرٌ مِنْ مُشْرِكٍ وَلَوْ أَعْجَبَكُمْ أُولَئِكَ يَدْعُونَ إِلَى النَّارِ وَاللهُ يَدْعُو إِلَى الْجَنَّةِ وَالْمَغْفِرَةِ بِإِذْنِهِ وَيُبَيِّنُ آَيَاتِهِ لِلنَّاسِ لَعَلَّهُمْ يَتَذَكَّرُونَ" (البقرة:221)

Waxaa kaloo xaaraan ah, waxay gawracaan, waana arrin aan laysku khilaafin waa ijmaac.

In jizyo la saarana waa mas’alo ay madaahibtu ku kala tagsan yihiin.

Tan labaad:

Waa kuwa kitaabka sheeganaya. Waa Yahuudda iyo Nasaarada. Kuwaa guurkooda iyo gawracooda waa la banneeyey, haddii ayan neefka ceejineyn, ama koronto iyo rasaas iyo wax la mid ah ku dileyn:

-" وَطَعَامُ الَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ حِلٌّ لَكُمْ وَطَعَامُكُمْ حِلٌّ لَهُمْ وَالْمُحْصَنَاتُ مِنَ الْمُؤْمِنَاتِ وَالْمُحْصَنَاتُ مِنَ الَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ مِنْ قَبْلِكُمْ " (المائدة:5)

In jizya la saarana waa laysku waafaqsan yahay:

-" قَاتِلُوا الَّذِينَ لا يُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ وَلا بِالْيَوْمِ الآَخِرِ وَلا يُحَرِّمُونَ مَا حَرَّمَ اللهُ وَرَسُولُهُ وَلا يَدِينُونَ دِينَ الْحَقِّ مِنَ الَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ حَتَّى يُعْطُوا الْجِزْيَةَ عَنْ يَدٍ وَهُمْ صَاغِرُونَ" (التوبة:29)

Tan saddexaad:

Waa majuusta, oo ahaa kuwo aan haysan kitaab la yaqaan, waxayse haysteen wax kitaab shabbaha. Kuwaa waxaa loo batay, inuu guurkooda iyo gawracooduba xaaraan yahay. Waxaase laysku raacay in jizya la saaro, xaddiith saxiix ah darti:

" شَهِد عبدُ الرحمنِ بنُ عَوف، أنَّ رسولَ الله صلى الله عليه وسلم أخذها مِن مَجوسِ هَجَر". (البخاري)

Tan afraad:

Waa dadka ka riddooba Islaamka, kuwaa dil bay ku xukuman yihiin, haddayan xaqa u soo laaban.

في الحديث: "منْ بدَّل دينَهُ فاقتُلُوهُ" (البخاري)

Sidaa darteed waa laysku raacsan yahay, inuu guurkoodu iyo gawracooduba xaaraan yahiin, iyo inaan jizya la saarayn ee ay tahay, inay islaamaan, ama in la laayo.

Copyright © 2013. All Rights Reserved. www.towxiidka.com