Hoyga Barashada Tawxiidka

www.towxiidka.com

  
  
  
Get Adobe Flash player

Dadka booqanaya webka

We have 29 guests and one member online

1) Gaalaysiintu waa qirid la qiro, inuu qof ama bulsho kufri ku dhacday, xaqna u leedahay in lagula dhaqmo sharciga lagula dhaqmo kufaarta.

Gaalaysiintu haddaba waa laba waji, mid waa bayaan laga bixiyo waxa kufriga ah, ee Diinta looga baxo, iyo waxa aan looga bixin. Midna waa dhaqan gelinta bayaanka.

Wajiga hore:

 Gaalaysiintu markay tahay bayaan laga bixiyo waxa kufriga ah, ee Diinta looga baxo, iyo waxaan looga bixin, waa xaq uu  Allaah keligi leeyahay. Waa shareeco, sharci dejintana  Allaah keligi baa leh.

Aadane wax shaqa ah kuma laha arrintaa. Wixii ah kufri Diinta looga baxayo, iyo wixii aan ahayn, waa in laga qaato bayaanka kitaabka Allaah.

Kitaabkana waxaa laga helayaa bayaan dhammays tiran, waxaa lagu caddeeyey iimaanku waxa uu yahay, iyo mu’miniinta runta ah calaamadaha lagu garto. Waxaa kaloo lagu caddeeyey kufrigu waxa uu yahay, iyo kufaarta calaamadaha lagu garto.

Intaa looma deyne, waxaa la caddeeyey kaafirka is qarinaya, ee Islaamka sheegta calaamadaha lagu soo sooco, taa oo ah raxmad iyo turid uu Rabbi u turayo mu’miniinta, si ay uga gaashaantaan cadawga u dhuumanaya. 

Wajiga kale:

Gaalaysiintu markay tahay, in la caddeeyo xukunka qof ama dad leeyahay, si loola dhaqmo dhaqan sharciga waafaqsan, caddayntaa waa go’aan waajib ku ah dadka. Iyadoo aan soo sheegay inuu jiro kufri la wada fahmayo, iyo mid dadka cilmiga leh fahmi karaan.

Gaalaysiinta noocaa ah, waa fulintii shareecada Rabbi dejiyey, waana in isaga wejigiisa lagu doonayo, cadaabkiisana waa in laga baqayo haddii sharcigiisa lagu xad gudbo.

Waxaana siman dhanka ku xad gudubka sharciga, qofka wax uu og yahay in Diinta looga baxo, ka been sheegaya, kuna doodaya: “loogama baxo Diinta”. Iyo midka wax uu og yahay inaan Diinta looga bixin, ka been sheegaya, kuna doodaya: “waa looga baxaa Diinta”. Labaduba waa daallimiin, kaadibiin ah.

2) kaafirka midka qof walba ogaan karo, qof walba ma dili karo, ee sharci baa jira xaddidaya dilka kaafirka:

1. Muslimiintu markay tabar yar yihiin, oo ayan hal meel wada iman karin, waxaa waajib ku ah, inay hayaan jihaadka dacwada, oo ay dadka kufriga ay ku jiraan uga yeeraan, dagaalkana gacnaha ka laabtaan.

-" ادْعُ إِلَى سَبِيلِ رَبِّكَ بِالْحِكْمَةِ وَالْمَوْعِظَةِ الْحَسَنَةِ" (النحل:125)

-" كُفُّوا أَيْدِيَكُمْ وَأَقِيمُوا الصَّلَاةَ وَآَتُوا الزَّكَاةَ" (النساء:77)   

2. markayse tabar leeyihiin, oo ay hal meel wada joogaan, kufaartu saddex nooc bay ugu qaybsan yihiin:

nooca kowaad:

waa kaafir dagaal (كافر حربي), waa midka meel walba oo lagu arko la dilo, dilkiisuna wow bannaan yahay muslim walba, rag iyo haween, waxaanse la dilin markuu yimaado, isagoo magan gelyo doon ah, ama farriin sida. Markuu la hayste noqdana qof walba uma furra dilkiisu, ee hoggaamiyaha baa leh sida la yeelayo.

-" فَاقْتُلُوا الْمُشْرِكِينَ حَيْثُ وَجَدْتُمُوهُمْ وَخُذُوهُمْ وَاحْصُرُوهُمْ وَاقْعُدُوا لَهُمْ كُلَّ مَرْصَدٍ فَإِنْ تَابُوا وَأَقَامُوا الصَّلَاةَ وَآَتَوُا الزَّكَاةَ فَخَلُّوا سَبِيلَهُمْ إِنَّ اللَّهَ غَفُورٌ رَحِيمٌ. وَإِنْ أَحَدٌ مِنَ الْمُشْرِكِينَ اسْتَجَارَكَ فَأَجِرْهُ حَتَّى يَسْمَعَ كَلَامَ اللَّهِ ثُمَّ أَبْلِغْهُ مَأْمَنَهُ ذَلِكَ بِأَنَّهُمْ قَوْمٌ لَا يَعْلَمُونَ" (التوبة:5-6)

nooca labaad:

waa kuwo cahdi iyo ballan laysku nabad geliyey (كافر مُعاهد), kuwaana dilkoodu ballan fur iyo xaaraan weeye. In lala diriro haddii laga maarmi waayo, waa in loo sheego in ballankii hore joogsadey, dagaalna ka fishaan muslimiinta.

-" إِلا الَّذِينَ عَاهَدْتُمْ مِنَ الْمُشْرِكِينَ ثُمَّ لَمْ يَنْقُصُوكُمْ شَيْئًا وَلَمْ يُظَاهِرُوا عَلَيْكُمْ أَحَدًا فَأَتِمُّوا إِلَيْهِمْ عَهْدَهُمْ إِلَى مُدَّتِهِمْ إِنَّ اللهَ يُحِبُّ الْمُتَّقِينَ (التوبة:4)

-"وَإِمَّا تَخَافَنَّ مِنْ قَوْمٍ خِيَانَةً فَانْبِذْ إِلَيْهِمْ عَلَى سَوَاءٍ إِنَّ اللهَ لا يُحِبُّ الْخَائِنِينَ" (الأنفال:58)

nooca saddexaad:

waa kuwo dawladda muslimadda ah, oggolaaday inay raciyad u noqdaan, jizyana dhiibaan, waxaa la yiraahdaa magan ku joog (أهلُ ذمّة)

kuwaa dhiiggooda iyo maalkooduba waa ka xaaraan qofka muslimka ah. Dhibtii la gaarsiiyana, waa in mag laga siiyo.

3. Qofka muslimka ah hadduu arko, qof islaam lagu ogaa oo ku dhacay kufri weyn, uma furra inuu dilo, waxaase u furan inuu ku markhaati furo, iyo inuusan  saaxiib ka dhigan, kuna naco kufrigiisa.

Xaakimka iyo qaalliguna markay dili karaan, waa markuu qirto inuu kufriyey, ama ay laba shaahid ku qiraan, tawbad keenna uu diido.

3) Gaalaysiinta dadka ka dhacda waa noocyo:

1- waxaa jira gaalaysiin iimaan ah: Waa kuwa shirkiga ku jira, cid aan Allaah ahaynna caabudaya gaalaysiintooda. Kuwaa kii gaalaysiin waaya baa gaaloobaya:

-" قُلْ يَا أَيُّهَا الْكَافِرُونَ. لَا أَعْبُدُ مَا تَعْبُدُونَ" (الكافرون: 1-2)

2- Iyo gaalaysiin kufri ah:  Waa rususha iyo mu’miniinta oo xaqa ay raaceen darti loo gaalaysiiyo:

Waxay gaaladu asxaabta u bixiyeen (صُباة), oo ah kuwii diinta ka baxay:

-" وَإِذَا رَأَوْهُمْ قَالُوا إِنَّ هَؤُلَاءِ لَضَالُّونَ" (المطففين:32)

وفي الحديث:"وَمَنْ دَعَا رَجُلاً بِالْكُفْرِ، أَوْ قَالَ: يا عَدُوَّ اللهِ، وَلَيْسَ كذَلِكَ إلاَّ حَارَ عَلَيْهِ." (متَّفق عليه)

3- Iyo gaalaysiin bidca iyo kabaa’ir ah, inay kufri gaartana laga baqo: Waa muslimka oo la gaalaysiiyo, danbi ka dhacay darti:

"وَمَنْ دَعَا رَجُلاً بِالْكُفْرِ، أَوْ قَالَ: يا عَدُوَّ اللَّهِ، وَلَيْسَ كذَلِكَ إلاَّ حَارَ عَلَيْهِ." (متَّفق عليه).

4- Iyo gaalaysiin ijtihaad gafey ah, waa sida qof calaamad munaafiqnimo inta lagu arkay, munaafiq la yiri, isagoo aan munaafiq ahayn. Sidii arrintii ka dhacday “Cumar” markuu nifaaq ku tuuray “Xaadib”, oo uu yiri:

" دعني أضربْ عنقَ هذا المنافق" (مُتَّفق عليه)

Lama canaanan “Cumar”, ee iska daa keliyaa la yiri.

Copyright © 2013. All Rights Reserved. www.towxiidka.com