Hoyga Barashada Tawxiidka

www.towxiidka.com

  
  
  
Get Adobe Flash player

Dadka booqanaya webka

We have 37 guests and one member online

1) Dadka diintoodu waxay noqotaa diin bidca ah, markay

Iyagoo Nabigii, iyo kitaabkii, iyo salaaddii, iyo wax badan oo Diintii xaqa ahayd ka mid ah haysta; oggolaadaan ku dhaqanka kufriga.

Diinta Yahuudda fiiri, wax badan oo xaq ah, oo Diin ah, bay sheeganayaan:

- in la yiraahdo Allaah baan rumaynay, waa hadal xaq ah.

- in la yiraahdo Muusa waa rasuul Allaah, waa hadal xaq ah.

- in la yiraahdo (لا إله إلا الله), waa hadal xaq ah.

- in la yiraahdo tawraat baan rumaynay, waa hadal xaq ah.

- In la tukado, oo la soomo xaq bay ahayd.

- In baytul maqdas qibla laga dhigto xaq bay ahayd.

Iyagoo intaa iyo ka badan oo xaq ah haysta, buu Allaah caddeeyey, inayan diintoodu ahayn Diintii xaqa ahayd.

Nasaaradana intaa oo kale iyagoo sheeganaya, buu Allaah caddeeyey, inayan diintoodu ahayn Diintii xaqa ahayd . Diintoodu Diintii Allaah ma ahane, waa diin kufaar, baa la yiri.

Waxa diin la’aan ka dhigay, iyagoo Diin xaq ah sheeganaya, waa kufri iyo shirki ay khayr moodeen.

kufriga iyo shirkiga, ay khayrka moodeenna waxaa ka mid ah:

- Iyagoo makhluuq gaarsiiyey ilaahnimo sida Cuzayr iyo Masiix: waxay ka dhigteen kuwo la baryo, laga baqo, la rajeeyo, roob iyo xoolo iyo caafimaad la waydiisto.

- Iyagoo makhluuq ka dhigtay rabbiyo sharciyo u jideeya, sida culamada diinta. Kuwaa oo ay ku raaceen khilaafka kitaabka Allaah.

Sidaa darteed Yahuudiyadda iyo Nasraniyaddu maanta (اليهودية و النَّصرانية), waxaan u naqaan mid walba inay tahay: “diin gaalo asalkeeduna xaq ahaan jirey” Yacni: “waa diin xaq ah oo afka laga sheeganayo, kufrina lagu dhaqmayo”

Haddii la yiraahdo: “inta xaqa ah oo ay haysteen maxaa loo tixgelin waayey oo xumida keliya loo fiirshey, oo loogu fogeeyey.Maa la yiraahdo waa mu’miniin iyo muslimiin shirki ku jirta?”.

Jawaabtu waxaa weeye: Diinta Rabbi raalliga ka yahay ma aha: “ha lay caabudo” ee waakeligey ha lay caabudo”. Ma aha: “ha lay addeeco”, ee waa: keligey ha lay addeeco”. 

Ereyga keligey (وحدهُ), baa kala saara Diinta xaqa ah iyo diimaha baaddilka ah, ee aan lagu kasbanayn magaca mu’min iyo muslim.

Diinta kuwa lumay iyagoo Islaam sheegta, bal iyagana fiiri:

- in la yiraahdo Allaah baan rumaynay, waa hadal xaq ah.

- in la yiraahdo Muxammad waa rasuul Allaah, waa hadal xaq ah.

- in la yiraahdo (لا إله إلا الله), waa hadal xaq ah.

- in la yiraahdo qur’aan baan rumaynay, waa hadal xaq ah.

- In la tukado, oo la soomo waa xaq.

- In kacbada Makka qibla laga dhigto waa xaq.

Waxayse raaceen waddadii Yahuudda iyo Nasaarada, sidii uu xaddiisku sheegay: iyagoo Diin xaq ah sheeganaya, bay sidoodii, kufri iyo shirki  khayr moodeen. Kufriga iyo shirkiga, ay khayrka moodeen, waxaa ka mid ah:

- Iyagoo makhluuq gaarsiiyey ilaahnimo sida Jeylaani iyo kuwo la mid ah, waxay ka dhigteen kuwo la baryo, laga baqo, la rajeeyo, roob iyo xoolo iyo caafimaad la waydiisto.

- Iyagoo makhluuq ka dhigtay rabbiyo sharciyo u jideeya, sida madaxda aan diintaba aqoon. Kuwaa oo ay ku raaceen, dastuurro ah khilaafka kitaabka Allaah.

Sidaa darteed waxaa run ah, Diinta ay sheegtaan inay tahay Diin xaq ah, diinta ay ku dhaqmaanna tahay diin bidca iyo shirki ah.

Haddii la yiraahdo: “inta xaqa ah oo ay haystaan maa loo tixgeliyo, oo la yiraahdo waa mu’miniin iyo muslimiin shirki ku jirta?”.

Jawaabtu waa tii hore: Diinta Rabbi raalliga ka yahay ma ahan: ha lay caabudo, ee waa keligey ha lay caabudo”. Ma ahan: ha lay addeeco, ee waa: keligey ha lay addeeco. 

Ereyga keligey (وحدهُ), baa kala saara Diinta xaqa ah iyo diimaha baaddilka ah, ee aan lagu kasbanayn magaca mu’min iyo muslim.

Nabiyadu waxay oran jireen: (حتى تُؤمنُوا بالله وحدهُ)

Kufaartuna waxay oran jireen: ((أجئتنا لنعبد الله وحدهُ, keliyeynta baa laysku haystey.

Qofkii ka baxsan xumida loo batay, ee Allaah keligi u hoggaansan, danbigooda waxba kuma leh, ee toosnaantiisa buu Rabbigi kula kulmi doonaa, sida ay Diintu tiri.

-" وَلَا تَزِرُ وَازِرَةٌ وِزْرَ أُخْرَى ثُمَّ إِلَى رَبِّكُمْ مَرْجِعُكُمْ فَيُنَبِّئُكُمْ بِمَا كُنْتُمْ فِيهِ تَخْتَلِفُونَ" (الأنعام:164)

2) waxay ku doodaan:

- Ma Allaah baan rumaynay, baan islaam ahayn.

- Ma Muxammad waa rasuul Allaah, baan islaam ahayn.

- Ma (لا إله إلا الله), baan islaam ahayn.

- Ma In la tukado, oo la soomo baan islaam ahayn. Iwm.

Waxaa jawaab u ah:

- in la yiraahdo Allaah baan rumaynay, qeyrkina la rumeeyo islaam ma ahan ee waa diin kufaar.

- in la yiraahdo Muxammad waa rasuul Allaah, shareecaduu keenayna mid kale lagu beddesho islaam ma ahan ee waa diin kufaar.

- in la yiraahdo (لا إله إلا الله), shirkina la falo islaam ma ahan ee waa diin kufaar.

- In la tukado, oo la soomo, shirkina la falo islaam ma ahan ee waa diin kufaar.

Copyright © 2013. All Rights Reserved. www.towxiidka.com