Hoyga Barashada Tawxiidka

www.towxiidka.com

  
  
  
Get Adobe Flash player

Dadka booqanaya webka

We have 20 guests and one member online

(casharka 7aad)

“Dastuurrada & Diinta Islaamka”

(1) Muxuu yahay Baaqa caalamigu?:

1) Waxay dawladaha sheegta Islaamka, kufrigase ku dhaqma, ku aqoonsadaan dastuurradooda, wax la yiraahdo: “Baaqa caalamiga ee xuquuqul insaanka”

Soomaaliduna dawladahaa bay ka mid tahay.

Waxaa ku yaal kii lixdankii:

[حقوقالإنسان:

تتبنى الجمهورية الصومالية محتويات الوثيقة العالمية لإعلان حقوق الإنسان التي صادقت عليها الجمعية العامة لهيئة الامم المتحدة بتاريخ 10 ديسمبر 1948 م، وذلك في حدود ما يمكن تطبيقه.]

Oo ah: (waxay mabda’ ka dhigatay jamhuuriyadda Soomaalidu, waxa ku qoran warqadda caalamiga ah, ee ku baaqday xuquuqda insaanka, taasoo ay saxiixday jamciyadda ummadaha midoobey, markay taariikhdu ahayd 10 kii Disember1948dii, intii aan kari karno fulintiisa.)

Kii kacaankuna wuxuu yiri: “Qodobka: 19aad” (Qaanuunka Dawliga ah)

[Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Sooomaaliya waxay aqoonsantahay Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamiga iyo Qaanuunka Dawliga ah ee guud ahaan la aqoonsan yahay.]

Kii "carta" wuxuu yiri: (QODOBKA 5AAD) (XUQUUQDA AADANAHA)

1) Jamhuuriyaddu waxay aqoonsan tahay baaqa caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha ee Ummadaha Midoobey guddoonsatay 10kii Disembar 1948kii, kuwa Xuquuqda madaniga iyo siyaasadda ee 10/12/1984 iyo xuquuqda dhaqaalaha, bulshada iyo dhaqanka iyo xeerarka

caalamiga ah ee kale ee ku saabsan xuquuqda Aadanaha oo Jamhuriyaddu qayb ka tahay.]

Axdiga ku meel gaarkuna wuxuu yiri: "QODOBKA 14" (XUQUUQDA AADANAHA IYO SHARAFTA)

1) Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay aqoonsanaysaa hirgelinaysaana heshiisyada caalamiga ah ee la xiriira xuquuqda aadanaha oo ay Jamhuuriyaddu qayb ka tahay.]

Kii Somaliland wuxuu yiri: "QODOBKA 10AAD" (XIDHIIDHKA DIBEDDA)

2. Jamhuuriyadda Soomaliland waxay aqoonsan tahay, kuna dhaqmaysaa Axdiyada Qaramada Midoobay iyo Qaanuunka Dawliga ah; waxa kale oo ay xurmaynaysaa Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamiga {Universal Declaration of Human rights}. 

(QODOBKA 21AAD): (HIRGELINTA IYO FASIRAADDA)

2. Qodobada la xidhiidha xuquuqda iyo xorriyaadka aasaasiga ah waxa loo fasirayaa si waafaqsan bayaannada caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha iyo xeerarka caalamiga ah ee Dastuurka ku xusan. 

Kii Punt land wuxuu yiri:(Qodobka 118aad)

(AWOODAHA IYO XILALKA DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA)

Awoodaha iyo xilalka Difaacaha Xuquuqda Aadanuhu waa:

1. Ka hortegidda xadgudubyada Xuquuqda Aadanaha, isagoo talabixin siinaya hay'adaha waddaniga ay arrintu khuseyso.

2. Ku wacyi galinta dadweynaha iyo masuuliyiinta dawladda muhimadda ay leedahay dhowrista Xuquuqda Aadanaha ee ku cad Dastuurka iyo sharciyada Puntland, isla markaasna ku xusan Axdiyada iyo heshiisyada caalamiga ah.

3. Inuu daafaco xuquuqda aadanaha ee Dastuurka iyo shuruucda kale ay qeexayaan.

 

la soco qaybta xigta

Qaybta Labaad ee casharkaan halkan riix

Copyright © 2013. All Rights Reserved. www.towxiidka.com