Hoyga Barashada Tawxiidka

www.towxiidka.com

  
  
  
Get Adobe Flash player

Dadka booqanaya webka

We have 6 guests and 2 members online

1) Marka u horraysa dastuurradu waxay ku salaysan yihiin, waxa ay u bixiyeen:

“Baaqa caalamiga ee xuquuqul insaanka”, iyo "qawaaniinta dawliga ah" wax ka soo hor jeedana lama go’aansan karaan.

Tan kale dastuur aan lala fiirin, ama aan loo soo dejin, maba degsan karaan. Sidaa darteed bay dastuurradoodu u noqdeen kufri miiran.

Kufriga loo bareeray, oo dastuuriga noqday, waa noocyo badan yahay, waxaase ugu waaweyn, oo la oran karaa, waaba nuxurka dastuurka, saddexdaan nooc ee wada ah kufrigii weynaa:

Xooridda shareecada Islaamka

Xalaalsiga sharci dejinta

Xigsashada kufaarta

Saddexdaa nooc, hal mid oo keliya baa qofka ugu filan Diin ka bixid, hadduu horay muslim u ahaa, bulshadana Diin ka bixid ugu filan, hadday madaxda ku addeecdo.

Waxaan rabaa is barbar dhig inaan ku sameeyo, mabaadi’da ay Diintu la timid, iyo mabaadi’da dastuurka  kufaarta laga dhaxlay, anigoo tusaalayaasha badankood ka soo qaadanaya, dastuurka lixdanka , iyo kii kacaanka ee soo baxay 1979kii, iyo kitaabka la yiraahdo xeerka ciqaabta soomaaliyeed.

Kulligoodna waa isku ujeeddo, waxaana kaaga wada muuqan doona, sida go’aanka burburinta asaaska Diinta meel loo dhigtay, loona adkeeyey, looguna ballamay.

 

2) Waxaa kuu soo socda wax ka mid ah kufriga, sida cad loogu bareeray:

(Kan kowaad) Awoodda wax jideynt:

“Awoodda wax jideynta yaa iska leh?”

Islaamku wuxuu ku taagan yahay, mabda’a oranaya: Awoodda wax jideynta, iyotalada sare iyo ka talinta nolosha dadkaba, Allaah keligi baa leh:

(إِنِ الْحُكْمُ إِلا للهِ أَمَرَ أَلا تَعْبُدُوا إِلا إِيَّاهُ ذَلِكَ الدِّينُ الْقَيِّمُ وَلَكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لا يَعْلَمُونَ) (يوسف:40)

Mabda’aa gaaladu Nabiga (scw), oo jooga bay diideen, marka laga fili mayo, waddan ay Islaam ka urinayaan, inay dastuurka u geliyaan: “Awoodda wax jideynta Allaah baa leh”.

Waxay dastuurka u geliyeen arrin taa lidkeeda ah. Si aan qarsoodi ahayn baa loo caddaystay, inay sharciyo degsanayaan.

Kii lixdankii wuxuu yiri:

[البابالأول ـ مبادئعامة ـ المادة 1:الجمهورية]

]1 [الصومال دولة مستقلة ذات سيادة تامة وهي جمهورية ديمقراطيةنيابية موحدة، والشعب الصومالي وحدة لا تتجزأ.

2- السيادةمنحقالشعب ويمارسها وفقاً للكيفيات المنصوص عليها في الدستوروالقوانين ].

[الجمعيةالوطنية،المادة 49،المهامالتشريعية  [[المهام التشريعية يمارسها الجمعية الوطنية[

Oo ah:

1- Soomaaliya waa dawlad madax bannaan, leh awood dhammays tiran,waana jamhuuriyad Dimuqraadi doorasho ku dhisan ah, oo midaysan. Shacabka Soomaaliduna waa mid aan qaybsamayn.

2- Awooddu waa xaq shacabku leeyahay, wuxuuna u fushanayaa qaab waafaqsan waxa ku xusan dastuurka iyo qawaaniinta. 

Dastuurkii kacaanka ee la soo saaray1979kii, waxaa ku yaal:

Qodobka: 1aad"(Qaranka Soomaaliyeed)

1. Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya waa Qaran Hantiwadaag ah oo ay hoggamineyso dabaqadda xoogsatada ahi, waana qayb ka mid ah Ummadda Carabta iyo Shucuubta Afrika.

2. Awoodda oo dhan waxaa leh Dadweynaha,

wuxuuna ugu isticmaalayaa isagoo adeegsanaya hay'adihiisa masila.

Qodobka: 60aad” (Awoodda sharci dejinta)

Awoodda sharci dejinta Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya waxay gaar u tahayGolaha Shacbiga.

Qodobka: 67aad(Awoodaha Golaha)

Golaha Shacbigu wuxuu leeyahay awoodaha soo socda:-

1. Wax ka beddelidda Dastuurka Dalka.

2. Dejinta sharciyada iyo oggolaanshaha go'aannada saameeya horumarka Dalka

Qodobka:68aad” (Xilsaarasho Sharci dejin)

1. Golaha Shacbigu wuxuu Dawladda u wakiilan karaa inay ka soo saarto sharci, waqti xaddidan gudahiis, arrimo la isla meel dhigay.

 

la soco qaybta xigta

Qaybta Labaad ee casharkaan halkan riix

Copyright © 2013. All Rights Reserved. www.towxiidka.com