Hoyga Barashada Tawxiidka

www.towxiidka.com

  
  
  
Get Adobe Flash player

Dadka booqanaya webka

We have 33 guests and no members online

(casharka 8aad)

Diinta Soomaalida

(1) Soomaali goormay Diintu soo gaartey?

1) waagii risaalada islaamku ka soo if baxday, dhulka loo yiqiin jaziiradda carbeed, ma jirin dhul loo yiqiin dhulka Soomaalida. Waxaase jirtey dhulkaan Soomaalidu degto in la yiqiin Nabiga (scw) ka hor, oo magaalada Barbara ku xusan tahay gabay ka mid ah gabayadii imri'ulqays (امرؤ القيس), oo ka horreeyey Nabiga (scw).

Dhulka Itoobiya, Eretereya, Jabbuuti, iyo Soomaaliya, carabtu ma ayan kala reebi jirin, waxayna ku magacaabi jireen “dhulka xabashida” (أرضُ الحبشة). Xiriirro ganacsi ahna waa kala dhexeyn jirey.

Islaamkuna wuxuu gaarey Nabigu (scw) intuu noolaa. Laba jeerna saxaabadu waa u hijroodeen, wufuud ka timid oo Nabigu (scw), la kulantayna waa jirtey. U dhowaanta ay jaziiradda carbeed u dhoweyd, baa keeneysey, inay dacwadu si nabad ah ku gasho dhulkaa.

Magaalada Zaylac, iyo magaalada Jabarti, oo isu dhowaa, baa ugu badnaa xagga soo gelidda Diinta Islaamka, masaadirta qaarkoodna waxay xusaan, dadka jahadaa Zaylac ka soo islaamay, inay markii hore ahaayeen Nasaara, sida boqortooyada Xabashiduba u ahayd. 

Waagaa uu Islaamku xoogga lahaana, waxaa la rumaysnaa dhulkoo dhan, inuu yahay dhulkii Allaah, addoonkii muslimana meeshuu doono ka degi karo. Midab takoor ma jirin, iyo maxaa meeshaan ku keenay. Hal ummad oo hal nabi ummaddi ah, buu dadka muslimay ku xisaabnaa.

Arrintaa waxay sahlaysey ajnaasta kala duwan, ee u dhow jaziiradda carbeed, sida dhulka Zaylac, iyo nawaaxigeeda inay Diinta la soo cararaan, haddii lagu dhibo, ama xajka soo aadaan, kii rabaana waa iska degi karey meeshuu doono.

Ereyga Zaylac mar buu ahaan jirey, magac jinsiyadeed, oo dadka ka soo muslimay, dhulka xabashida baa la oran jirey Zaylac.

وقال ابن سيده (398-458هـ) في"المحكم والمحيط في اللغة": "وزَيْلع: موضع. وقد غلب على الجيل، وأدخلوا اللام فيه على حد اليهود،  فقالوا: الزَّيْلَع ، إرادة الزّيلَعيِّين".

(وزَيْلع: موضع) Zaylac waa meel magaceed.

(وقد غلب على الجيل) dadkii baase yeeshay, oo uu ka qaalib noqday.

(فقالوا: الزَّيْلَع) waxay yiraahdeen: al- zaylac.

(إرادة الزّيلَعيِّين) iyagoo u qasdaya: zayliciyiinta.

وقال ياقوت الحموي(ت:626هـ) في "معجم البلدان": زَيْلَعُ : بفتح أوّله، وسكون ثانيه، وفتح اللام، وآخره عين مهملة: هم جيل من السودان في طرف أرض الحبشة، وهم مسلمون وأرضهم تُعرف بالزيلع.  

(هم جيل من السودان)  waa ummad ka mid ah dadka madow.

(في طرف أرض الحبشة) dhulka Xabashida darafkiisa dega.

(وهم مسلمون) waana muslimiin.

(وأرضهم تُعرف بالزيلع) dhulkoodana Zaylac baa la yiraahdaa.

وقال بدرالدين العيني (762-855هـ) في "عمدة القارئ":  "والحبش على أنواع: الدهلك وناصع والزيلع والكوكر والفافور واللابة والقوماطين ودرقلة والقرنة، والحبش بن كوش بن حام وهم مجاورون لأهل اليمن يقطع بينهم البحر، وقد غلبوا على اليمن قبل الإسلام، وقصتهم مشهورة".

Waxay taariikhdu caddaynaysaa, in waaguu Islaamku dunida ugu xoog badnaa, ay dhici jirtey, qolo walboo aan dhulkooda la wada qabsan, ay lahaan jirtey qayb muslintay, oo ku milantay bulsho weynta Islaamka, iyo qayb ku harta dhulkoodii, oo ku sii daahda kufrigii, iyo caadooyinkii ay aabbayaal ka soo gaareen.

Dhulka loo yiqiin "dhulka Xabashidu", isagoo aad ugu dhowaa saldhigga Islaamka, bayan muslimiintu ku duulin. Saddex sababood dartood:

1- Iyagoo muslimiinta turriinsho u muujiyey, markay ciriiriga ku jireen.

2- Iyadoo ay "dacwadu" si nabad ah u geleysey dhulkaa.

3- Iyadoo ay "bad" u dhexeysey, dhulka Xabashida iyo jaziiradda carabta, khatarna aan laga filaneyn xaggooda.  

Saddexdaa sabab dartood, bay muslimiintu u arkeen, in jihaadka lagu hormariyo, kuwa xoogga badnaa, khatartooduna taagneyd. Sida Ruum iyo Furus.

Waxaana la sheegaa inuu Nabigu (scw), taladaa ishaaray, oo yiri: "Xabashidu intay idin deynayaan iska daaya". 

Sidaa darteed qofkii ka islaama dhulkaa, waa u sahlanayd inuu soo galo Jaziiradd carabta. Waxaana ku badan kutubbada taariikhda, qarnigii afraad, iyo wixii ka danbeeyey, dad muslimiin ah, oo loo nisbaynayo Zaylac ama Jabarti, ama Xabasha oo la leeyahay: (فلان الزيلعي), (فلان الجبرتي), (فلان الحبشي).

Dadkaa ka yimid kana soo muslimay, “dhulka xabashida”

(أرضُ الحبشة), muslimiinta kalena la noolaan jirey, jiilal badan, waxaa dhacday xilliyadii khilaafada cabbaasiyiintu, ay xoogaa daciiftay, inay awoodda dhulka Yaman ay qabteen.

Waxayna ka asaaseen dowlad loo yqiin dowladdii xabashida (دولة الحبشة), ama (دولة بني نجاح), oo ahayd sunniyiin (أهل سنة), waxay jirtey: (412هـ ــ 554هـ). Waxayna la diriri jireen sulayxiyiintii ku xirraa boqortooyadii Cubeydiyiinta ee fadhidey Masar.

Dadka dawladdaa talada u hayey, ma ahayn Soomaali ka duushey Zaylac, oo qabsatay Yaman, sida ay moodeen qaar ka mid ah, kuwa wax ka qora taariikhda Soomaalida, ee waxay ahaayeen xubno ka mid ah, bulsha weynta Islaamka, asalkoodii horena uu ahaa Xabashi muslintay waa hore, oo ay Zayliciyiintu ugu badnaayeen.

Dadka madaxda ka ahaa dawladdaa, waxay ahaayeen dad caraboobey, oo si fiican ugu hadla afka carabiga, qaar qoray kutubbana waa ku jireen. Waxayna isugu jireen reer Zaylac iyo Jabarti – oo Soomaalida loo yiqiin – uguna badnaa, iyo Amxaar iyo Suudaan muslimiin ah.      

 

la soco qaybta xigta

Qaybta Labaad ee casharkaan halkan riix

Copyright © 2013. All Rights Reserved. www.towxiidka.com