Hoyga Barashada Tawxiidka

www.towxiidka.com

  
  
  
Get Adobe Flash player

Dadka booqanaya webka

We have 30 guests and one member online

1) Waxaan horay u soo sheegay, arrimo sahlaya ka jawaabidda su’aashaan, waxaa ka mid ah:

- (kow) Haddii la rabo in la ogaado ummad xukunkeed, waxaa loo baahan yahay, in lagu dhiso laba asal:

Kow: garashada xaalkooda (معرفة حالهم).

Labo: garashada xukunka uu Allaah iyagoo kale u dejiyey (معرفة حكم الله في أمثالهم).

- (labo) Hadday madax dowlad ah, ama qabiil ah,  ay wax  Diinta kufri weyn ku ah caddaystaan dadweynuhu hadday sidii hore sii ahaadaan, oo addeecsanaadaan, waxay sharci ahaan noqonayaan: madax kufriday iyo caamo ku raacday.

Tusaalena waxaa ku filan, Fircawn oo qolo u talin jirey, markuu hortooda ku muujiyey kufriga, iyaguna  ka hari waayeen, isku xukun bay noqdeen, isku sina waa loo ciqaabay.

-"  فَاسْتَخَفَّ قَوْمَهُ فَأَطَاعُوهُ إِنَّهُمْ كَانُوا قَوْمًا فَاسِقِينَ. فَلَمَّا آَسَفُونَا انْتَقَمْنَا مِنْهُمْ فَأَغْرَقْنَاهُمْ أَجْمَعِينَ" (الزخرف:54-55)

- (saddex) Xukunka ummaddu yeelanayso, iyo waddanku, waxaa lagu xiray go’aanka ay madaxdu qaadato. Waxyaabaha aan qarsoominna, waxaa ka mid ah, waddan walba cidda u talisa, iyo taliskaa in la raacsan yahay, iyo inuu dadka khasab iyo jajuub ku hayo, ama la kala qaybsan yahayba.

Madaxdu hadday farriin ama wafdi soo diraan, oo sheegaan inay Allaah keligi u hoggaansameen, waxaa la oran jirey: “reer hebel waa islaameen”, waayo ummad bay matalayaan, afkoodayna ku hadlayaan.  Waxaana loo aqoonsan jirey waddankaa, inuu yahay waddan islaam (دار إسلام).

Madaxdu hadday caddaystaan, inayan islaamayn, waxaa la oran jirey: “reer hebel kufri bay doorteen”. Waxaana loo aqoonsan jirey waddankaa, inuu yahay waddan kufri (دار كُفر).

Sidii dhacday Musaylama markuu kufrigiisa caddaystay, waxaa la yiri: “reer banii Xaniifa waa riddoobeen”, iyadoo aan shacabkii midmid loo weydiin. 

- (afar) Qofkii isagoo dawladda ama qabiilada kufriga dooratay dhex jooga, xaqa aqbala oo muujiya, meeshiisuu “muslim” ku ahaan jirey, dhex joogga gaaladuna keeni meyn, in “gaal” laga rumeeyo, waayo nabi walba isagoo keligi ah, buu bilaabay, inuu diinta ka dhex sheego qaraabadiisa lunsan.

2) Dad u qaybsan madax iyo dadweyne madax loo yahay, markay madaxdu kufri caddaysato, hadday shareecadu simayso. Waxaa haray in la ogaado xaalka Soomaalidu sidaa ma yahay, mise waa ka duwan yahay?.

Inta Soomaalida taqaan, Diintana taqaan, aayadahana aan adduunyo siisanayn, waxay ogyihiin xaqiiqooyinka soo socda:

Kow:

Ummadda ah Soomaalida maanta, waxay sheegtaan Diinta Islaamka. Cibaadooyinka sida salaadda, soonka, xajka, iwm, waa ay ula laabtaan Diinta Islaamka. Guurka iyo furriinkana waa isku dayaan inay waafajiyaan. Inuu Allaah shareeco leeyahay waa ay garteen. Inuu cibaadada iyo addeecidda u xaq leeyahay inkiri mayaan.

Labo:

Inkastoo ay qirayaan inuu Allaah shareeco leeyahay, waxay shareecadiisa ka hor mariyaan tii dadku jideeyey. Kitaabka Allaah uma ahan awoodda sharci ee ugu sarraysa, oo kii khilaafa ciqaab la marinayo.

Madaxdoodu waxay caddeeyaan, inuusan jirin sharci ka sarreeya dastuurkooda kufrigu ka buuxo, caammaduna waa ku taageertaa.  

Xaqa kitaabku lahaa, waxay siiyeen dastuurrada gaaladu soo siiyeen. Fal danbiyeedkuna agtooda waa wixii dastuurka khilaafsan, ee ma ahan wixii qur’aanka khilaafsan.

Waa ay garteen, in Allaah la caabudo, oo la addeeco, laakiin waxayan garan, ama ay diiddan yihiin, in Allaah keligi la caabudo, oo la addeeco.

Go’aanna uma ahan, inay wax walba oo noloshooda ah Allaah keligi ku addeecaan. Waa ashahaataan, wixii ashahaadadu ku baabi’i lahaydna waa ay sameeyaan.

Iyagoo dadka qaarki gaala yiraahda, bay gaalnimada ku rabaan, kuna jeclaadaan, una hijroodaan, ubadkoodana u geystaan, macallimiinna uga dhigaan.

Haddaba ummaddu:

Waa ummad kufri iyo Islaam isku wadata, shirki iyo tawxiidna ku wada hadlaysa.

Waa ummad diintooda iyo Diinta Nebiga ay sheegtaan, kala fogaadeen, sida shirki iyo tawxiid, u kala fog yihiin.

Waa ummad Diintii xaqa ahayd ka beddelantey.

Waa ummad Diin bidca ah ku dhaqmaysa.

Waa ummad qaabkii ummaduhu u kufriyi jireen, u kufriday.

3) Markaan leeyahay “ummadda”, waxaan u jeedaa:

- Madaxda talada u qabata kufrigana dariiq ka dhigata, kuwa sharci dejinta, kuwa fulinta, iyo kuwa garsoorka.

- Iyo caammada taageersan, oo soo dooranaysa, oo u xukun tegeysa, ciidanna u noqonaysa.

- Iyo culumo ku sheegga dufankooda ka maarmi waayey, kufrigana ugu madax salaaxaya, iyagoo cilmi u leh.

- Iyo culumo ku sheegga shirkiga iyo tawxiidkaba aan weli kala baran.

Markaan leeyahay “ummadda”, uma jeedo Soomaalida:

1. xaqa garatay, tawxiidkana rumaysay, shirkigana ka hartay.

2. Ehelka shirkigana ka go’day, mushrikiin inay yihiinna, u aqoonsatay.   (واللهُ يهدي من يشاءُ إلى صراط مُستقيم)

Copyright © 2013. All Rights Reserved. www.towxiidka.com