Hoyga Barashada Tawxiidka

www.towxiidka.com

  
  
  
Get Adobe Flash player

Dadka booqanaya webka

We have 63 guests and no members online

1) siyaasaddu sida casrigaan loo yaqaan: waa aqoonta khusaysa; hoggaaminta bulshada, iyo cilaaqada u dhexaysa; awoodda talinaysa; iyo shacabka loo talinayo, iyo qaabka ay awoodda u qaybsanayaan; taliyahana loo dooranayo, iyo wixii arrimahaa la xiriira.

Dadka luma; oo aan “Diinta xaqa ah” rumaysnayn, waxay yeeshaan nidaam siyaasadeed oo ku dhisan, mabaadi’ lid ku ah kuwa ay ku dhisan tahay “Diinta xaqa ah”,waana sidaan:

1) Awoodda sare shacabkaa leh, ama xisbiga.

2) Waa in la aqoonsado lana addeeco awooddaa.

3) Waa in loo hoggaansamo dastuurka ay dejisey.

4) Waa in ciqaabta iyo dallacsiintu waafaqdo dastuurka. 

Islaamkuna waa “Diinta xaqa ah”, waa halka Diin, ee Allaah uu ka raalliga yahay in lagu dhaqmo. Diintaa xaqa ahna waxay tahay mid jirta, oo xaqiiqa ah markii:

1. Awoodda sare loo aqoonsado Allaah keligi.

2. Markii la go’aansado in keligi loo hoggaansamo.

3. Markii shareecadiisa keliya lagu nidaamiyo nolosha.

4. Markii abaal marintiisa la rumeeyo. 

Haddaba nidaamka siyaasadeed ee Islaamku, waa: taliska iyo boqortooyada “Allaah”, oo la hoos galo, shareecada uu ugu tala galay; nidaamka nolosha dadkana loo hoggaansamo. Iyadoo aan lagu barxayn; haba yaraatee; aqoonsi iyo u hoggaansan loo hoggaansamayo awood kale, ama la aqbalayo shareeco, ay soo dejisey. 

Waxaase u furan muslimiinta; inay doortaan; qofka ku hoggaaminaya dadka “kitaabka Allaah”, iyagoo u fiirinaya sifooyin iyo shuruudo gaara; oo uu sharcigu tixgeliyey.

Waxaana jira mid raaciddiisa ay Diintu kuu amaanayso, iyo mid aan sina loo raaci karin, iyo mid loo raacayo ka maarmiwaa ama laba daran kala dooro.

Midkii la raacana waa mid fulinaya shareeco lala yaqaan oo markuu ku toosan yahay, iyo markuu khilaafsan yahayba la garan karo. Marna ahaan mayo “wax jideeye” ama “wuxuu doono fale”

Halkaa waxaa kaaga muuqanaya, inaan laysu keeni karin nidaamka siyaasadeed ee Islaamka, iyo nidaamka siyaasadeed ee dadka lumay, ama “jaahiliyada casriga”. Waa kala bayr, waa laba Diin kala dooro, waa Iimaan iyo kufri mid xigso.

2) Waxaa la ogyahay dadka lumay siyaasiyiintooda; iyo wax garadkoodu; inay isku raacsan yihiin, markii laga hadlayo awood qaybsi, in la tixgeliyo awoodaha xisbiyada, ama qabiilooyinka, oo la hormariyo xisbiga ama qolada tirada badan, oo awoodda badan.

Boqorrada waxay ka doortaan, ama doorasha la’aanba iska qaata boqortooyada, qolada tirada iyo awoodda leh, waayo waxay ka baqaan inay nidaamka carqaladeeyaan haddaan iyaga loo dhiibin, oo waxba kala socon waayaan.

Nidaamka Dimuqraadiga, oo ah kan samankaan la buunbuuniyo, wuxuu aqoonsan yahay in aqlabiyadda la

tixgeliyo; iyo meesha loo bato. Hadday arrin rabaan inay jideeyaan, waa inay noqoto mid ay raalli ka yihiin inta badan xubnaha Baarlamaanka; una codeeyeen.

Sidoo kale hoggaamiyaha qaranku; waa inuu yahay mid la soo doortay, oo raggii la tartamayey uga guulaystey; tira badnida taageerayaashiisa.

Marka in la hormariyo cidda awoodda badan waa aragti siyaasadeed, oo lagu qanacsan yahay, lana dhaqan geliyo samankaan.

Haddaba:

“sow ma joogo Rabbigii dadka, ka awoodda badnaa..!! 

sow ma joogo Rabbigii dadka soo farsameeyey..!!

sow ma joogo Rabbigii farsama ka dib quudinayey..!!

sow ma joogo Rabbigii farsamo iyo quudin ka dib nolosha iyo dhimashadaba u hayey ..!!

xaggee caqligii aadey!!?, sidee awooddiisu idiinku muuqan weydey, tiinna yarta ahna idiinku muuqatay!!?

Sidee loo yiri: “awoodda wax jideynta annagaa leh”

Rabbigiin oo idin leh: “awoodda wax jideynta anigaa leh”.

3) Wadaad walboo ansixinaya; in labada Diinood laysku darsan karo, oo sheegaya: “adigoo Diinta xaqa ah ku jira baad diin baaddil ah ku dhaqmi kartaa!!”.

Waa wadaad lunsan una baahan cid toosisa. Mana ahan  kii isaga toosnaanta laga qaadan lahaa, ama la weydiin lahaa. 

Hadduu sheeganayo inuu aqoonta Diinta bartay; soona qalin jebiyey, wuxuu ku soo qalin jebiyey barashada, Diin bannaynaysa, in hal mar lagu wada dhaqmi karo, “Diin xaq ah” iyo “Diin baaddil ah”, Diin “keliyeyn ah”, iyo Diin “wadaajin ah”. Taana ma aha Diintii Islaamka, ee Rabbi soo dejiyey.

Wadaadkaa oo kale waa laga gar helayaa; haddii la yiraahdo: wadaadnimadaada hayso; siyaasaddana ehelkeeda u daa… waayo isagaaba qiray, in lagu wada dhaqmi karo labada nidaam.

Laakiin muslimiinta runta ah, ee dooratay Diinta xaqa ah , iyo keliyeynta Allaah, uma furna meel ay dadka lumay kula wadaagaan nidaam siyaasadeed, saddex bayna mid ahaataa:

1. Kuwa lunsan inay hanuunka iyo runta u soo noqdaan.

2. Inay ku wada joogaan: “aan is nabad gelinno”.

3. in kii xoog bataa kan kale jiritaankiisa ka arrimiyo.

Wadda kale la heli mayo, waayo waxa kuwa lumay u ah aasaaska siyaasaddooda, baa muslimiinta u ah Diin ka bax, iyo Rabbi la wadaajin. Waxa muslimiinta u ah Diinta xaqa ah, baa kuwa lumay u ah dib u dhicid, iyo Dimuqraadiyad la’aan.

Sidaa darteed qof muslimay; hadduu ku dhex nool yahay kuwa baadiyaysan, wuxuu agtooda ka yahay “mucaarid” dabiici ah, oo aan la haweysanayn inuu dadka dhinac ka raaco. Waxaana kuwa lumay u soo haraya, inay ka shaqeeyaan dhibkiisa iyo wax yeelkiisa.

Midka lumayna hadduu ku dhex nool yahay muslimiin

Waxaa loo aqoonsan yahay, mid aan weli Rabbigi u hoggaansamin oo Islaamka “mucaarid” ku ah. Haddii sharcigu nolol u daayana; wuxuu ku joogayaa shuruud iyo ballamo; lagula xisaabtamayo. 

4) Diinta Islaamku in arrimaha muslimiinta laga tashado, hoggaamiyahana aan keligi hawsha weyn lagu hallayn, waa ay amraysaa. Wuxuu Allaah yiri:    

-"وَأَمْرُهُمْ شُورَى بَيْنَهُمْ" (الشورى:38)

-" وَشَاوِرْهُمْ فِي الْأَمْرِ" (آل عمران:159) 

Waxaase jira waxyaalo aan ka mid ahayn; waxa laga tashado, sida kuwa soo socda:

1. Laga tashan mayo in awoodda wax jideynta

Rabbi loo daayo, iyo in baarlamaanka loo daayo.

Taasi waxay la mid tahay, iyadoo la yiri:

“Rabbi ma ku kufrinnaa mise wayska deynaa kufriga!? ”

“Rabbi sidii Ibliis ma ugu jawaabnaa: kaa yeeli mayno, mise wayska deynaa!?”.

Kufri la damcay laguna hadlay, waa kufri kale.

2. Laga tashan mayo in qur’aanka, aayad keliya; lagu beddelo xeer kale. Taa ka tashigeedu; wuxuu la mid yahay tii hore. Waa: "ma kufrinnaa, mise wayska deynaa!?".

Allaah wuxuu yiri:                      

-" أَأَنْتُمْ أَعْلَمُ أَمِ اللَّهُ" (البقرة:140)

Isagaana ka jawaabey oo yiri:

-" وَاللَّهُ يَعْلَمُ وَأَنْتُمْ لَا تَعْلَمُونَ" (البقرة:216)

Mu’miniintu bal inay ka tashadaan aayad khilaafkeed iska daa e… maqalkeeda bayba la ilmeeyaan jeclaan darteed ay jecel yihiin hadalka Rabbigood, wuxuu Rabbi yiri:

-"إِنَّمَا كَانَ قَوْلَ الْمُؤْمِنِينَ إِذَا دُعُوا إِلَى اللَّهِ وَرَسُولِهِ لِيَحْكُمَ بَيْنَهُمْ أَنْ يَقُولُوا سَمِعْنَا وَأَطَعْنَا وَأُولَئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُونَ" (النُّور:51)

-" أُولَئِكَ الَّذِينَ أَنْعَمَ اللَّهُ عَلَيْهِمْ مِنَ النَّبِيِّينَ مِنْ ذُرِّيَّةِ آَدَمَ وَمِمَّنْ حَمَلْنَا مَعَ نُوحٍ وَمِنْ ذُرِّيَّةِ إِبْرَاهِيمَ وَإِسْرَائِيلَ وَمِمَّنْ هَدَيْنَا وَاجْتَبَيْنَا إِذَا تُتْلَى عَلَيْهِمْ آَيَاتُ الرَّحْمَنِ خَرُّوا سُجَّدًا

وَبُكِيًّا" (مريم: 58)

Copyright © 2013. All Rights Reserved. www.towxiidka.com