Hoyga Barashada Tawxiidka

www.towxiidka.com

  
  
  
Get Adobe Flash player

Dadka booqanaya webka

We have 66 guests and no members online

1) Diintu waa sida ay tahay, mana aha qof walba siduu u qaato, ama moodo. Maluhuna sidiisaba runta waxba kama beddeli karo. Dadkana inta male keliya ku socota; baa ka badan; inta runta ku socota:

-" وَمَا يَتَّبِعُ أَكْثَرُهُمْ إِلا ظَنًّا إِنَّ الظَّنَّ لا يُغْنِي مِنَ الْحَقِّ شَيْئًا إِنَّ اللهَ عَلِيمٌ بِمَا يَفْعَلُونَ" (يونس:36)

-" إِنْ يَتَّبِعُونَ إِلا الظَّنَّ وَإِنَّ الظَّنَّ لا يُغْنِي مِنَ الْحَقِّ شَيْئًا" (النجم:28)

-" وَإِنْ تُطِعْ أَكْثَرَ مَنْ فِي الأَرْضِ يُضِلُّوكَ عَنْ سَبِيلِ اللهِ إِنْ يَتَّبِعُونَ إِلاّ الظَّنَّ وَإِنْ هُمْ إِلاّ يَخْرُصُونَ" (الأنعام: 116)

Diinta mabaadi’deedu waa waadix iska cad, waxay ka madoobaataa; mid aan usoo jeensan, iyo mid qallooca u qasdaya, muraadna ka leh.

Diinta Islaamku waa: “Allaah keligi ha loo hoggaansamo, cid kalena yaan loo hoggaansamin”.

Amarradii uu bixiyey; oo loogu hoggaansami lahaana waa diyaarsan yihiin, waxaa dhimman oo keliya, dadka oo garta inay dantoodu ku jirto; u hoggaansanka Allaah keligi:

-"إِنَّ اللَّهَ رَبِّي وَرَبُّكُمْ فَاعْبُدُوهُ هَذَا صِرَاطٌ مُسْتَقِيمٌ" (آل عمران:51)

-" الْيَوْمَ أَكْمَلْتُ لَكُمْ دِينَكُمْ وَأَتْمَمْتُ عَلَيْكُمْ نِعْمَتِي وَرَضِيتُ لَكُمُ الْإِسْلَامَ دِينًا" (المائدة:3)

-" وَتَمَّتْ كَلِمَةُ رَبِّكَ صِدْقًا وَعَدْلًا"(الأنعام: 115)

2) umadihii lumay, ee uu Allaah kitaabkiisa ku xusay, waa isla wada toosnaayeen, inay jid toosan hayaanna waa la ahayd, rusushii loo soo diri jirey, bay ku sheegi jireen, inay baadiyoobeen, inay waasheen, inay caqli xun yihiin, iyo inay diintii toosnayd ka bayreen.

Sida ka muuqata aayadaha soo socda:

-" لَقَدْ أَرْسَلْنَا نُوحًا إِلَى قَوْمِهِ فَقَالَ يَا قَوْمِ اعْبُدُوا اللَّهَ مَا لَكُمْ مِنْ إِلَهٍ غَيْرُهُ إِنِّي أَخَافُ عَلَيْكُمْ عَذَابَ يَوْمٍ عَظِيمٍ. قَالَ الْمَلَأُ مِنْ قَوْمِهِ إِنَّا لَنَرَاكَ فِي ضَلَالٍ مُبِينٍ" (الأعراف:59-60)  

-" وَإِلَى عَادٍ أَخَاهُمْ هُودًا قَالَ يَا قَوْمِ اعْبُدُوا اللَّهَ مَا لَكُمْ مِنْ إِلَهٍ غَيْرُهُ أَفَلَا تَتَّقُونَ. قَالَ الْمَلَأُ الَّذِينَ كَفَرُوا مِنْ قَوْمِهِ إِنَّا لَنَرَاكَ فِي سَفَاهَةٍ وَإِنَّا لَنَظُنُّكَ مِنَ الْكَاذِبِينَ" (الأعراف:65-66)

-" قَالُوا يَا صَالِحُ قَدْ كُنْتَ فِينَا مَرْجُوًّا قَبْلَ هَذَا أَتَنْهَانَا أَنْ نَعْبُدَ مَا يَعْبُدُ آَبَاؤُنَا وَإِنَّنَا لَفِي شَكٍّ مِمَّا تَدْعُونَا إِلَيْهِ مُرِيبٍ" (هود:62)

Markay beentaa iska dhaadhiciyaan, iskuna qanciyaan ka dib, bay Nabiyada iyo dadka toosan ka dhigan jireen; wax lagu maadeysto; laguna cayaaro:

-" وَإِذَا رَأَوْكَ إِنْ يَتَّخِذُونَكَ إِلَّا هُزُوًا أَهَذَا الَّذِي بَعَثَ اللَّهُ رَسُولًا" (الفرقان:41)

-" إِنَّ الَّذِينَ أَجْرَمُوا كَانُوا مِنَ الَّذِينَ آَمَنُوا يَضْحَكُونَ. وَإِذَا مَرُّوا بِهِمْ يَتَغَامَزُونَ. وَإِذَا انْقَلَبُوا إِلَى أَهْلِهِمُ انْقَلَبُوا فَكِهِينَ. وَإِذَا رَأَوْهُمْ قَالُوا إِنَّ هَؤُلَاءِ لَضَالُّونَ" (المطففين:32)

Iyagoo sidaa isula toosan, mowqifkoodana difaacaya, baa loo sheegi jirey; runtu inay tahay; inay baadi cad ku jiraan:

-" قَالَ يَا قَوْمِ إِنِّي بَرِيءٌ مِمَّا تُشْرِكُونَ. إِنِّي وَجَّهْتُ وَجْهِيَ لِلَّذِي فَطَرَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ حَنِيفًا وَمَا أَنَا مِنَ الْمُشْرِكِينَ" (الأنعام:78-79)

-" قُلْ يَا أَيُّهَا الْكَافِرُونَ. لَا أَعْبُدُ مَا تَعْبُدُونَ. وَلَا أَنْتُمْ عَابِدُونَ مَا أَعْبُدُ. وَلَا أَنَا عَابِدٌ مَا عَبَدْتُمْ. وَلَا أَنْتُمْ عَابِدُونَ مَا أَعْبُدُ. لَكُمْ دِينُكُمْ وَلِيَ دِينِ" (الكافرون: 1-6)

Mushrikiintii Qureysh iyo carabta kaleba; waxay oran jireen: “Diintii Ibraahiim baan ku jirnaa”. Yahuudda iyo Nasaaraduna sidoo kale, waxay lahaayeen: “Diintii Ibraahiim baan ku jirnaa”. Waana lagu wada beeniyey hal aayad baana u wada jawaabeysa:

-" مَا كَانَ إِبْرَاهِيمُ يَهُودِيًّا وَلَا نَصْرَانِيًّا وَلَكِنْ كَانَ حَنِيفًا مُسْلِمًا وَمَا كَانَ مِنَ الْمُشْرِكِينَ. إِنَّ أَوْلَى النَّاسِ بِإِبْرَاهِيمَ لَلَّذِينَ اتَّبَعُوهُ وَهَذَا النَّبِيُّ وَالَّذِينَ آَمَنُوا وَاللَّهُ وَلِيُّ الْمُؤْمِنِينَ" (آل عمران: 67-68)

 Waxaa loo sheegi jirey; inay Naarta geli doonaan, waxbana ayan u tari doonin oraahda ay oran doonaan ee ah:

“Rabbiyow sidaan xaalka moodi meyne; mar keliya dunidii noo celi”.

-" وَلَوْ أَنَّ لِلَّذِينَ ظَلَمُوا مَا فِي الْأَرْضِ جَمِيعًا وَمِثْلَهُ مَعَهُ لَافْتَدَوْا بِهِ مِنْ سُوءِ الْعَذَابِ يَوْمَ الْقِيَامَةِ وَبَدَا لَهُمْ مِنَ اللَّهِ مَا لَمْ يَكُونُوا يَحْتَسِبُونَ" (الزمر:47)

-" يَوْمَ تُقَلَّبُ وُجُوهُهُمْ فِي النَّارِ يَقُولُونَ يَا لَيْتَنَا أَطَعْنَا اللَّهَ وَأَطَعْنَا الرَّسُولَا. وَقَالُوا رَبَّنَا إِنَّا أَطَعْنَا سَادَتَنَا وَكُبَرَاءَنَا فَأَضَلُّونَا السَّبِيلَا" (الأحزاب:66-67)

-" وَلَوْ تَرَى إِذِ الْمُجْرِمُونَ نَاكِسُو رُءُوسِهِمْ عِنْدَ رَبِّهِمْ رَبَّنَا أَبْصَرْنَا وَسَمِعْنَا فَارْجِعْنَا نَعْمَلْ صَالِحًا إِنَّا مُوقِنُونَ" (الم السجدة:12)

Halkaa waxaa kaaga cad xaqu inuusan ahayn; cid waliba siday mooddo, ee uu yahay siduu yahay, dadkuna yihiin mid waafaqay, iyo mid ka lumay, sabab kasta hawga lumee.

Copyright © 2013. All Rights Reserved. www.towxiidka.com