Hoyga Barashada Tawxiidka

www.towxiidka.com

  
  
  
Get Adobe Flash player

Dadka booqanaya webka

We have 62 guests and no members online

1-        Iimaan waa awoodaha Alloo,              la ictiraafaa e

Isu dhiibid weeyiyo inaad,                   amarki raacdaa e

Aadane wax loo uumay waa,               inay islaamaan e

Istiqaama mooyee wax kale,               kuma abbaarrayne

 

2-    Aadane itaal yarida waa,                     lagu abuuraa e

awood aan Ilaah siinahayn,                 lagama eegeyne

irsaaq loo abuuraayo buu,                   ku intifaacaa e

haddii uu addoon yahay muxuu,        amar u diidaa e

 

3-   afna ma aha Iimaanku iyo ,                 erey la sheegaa e

aqoon uurka taalliy acmaal,                ururta weeyaane

afkuna waa ayidiyoo waxaad,             aamintaad orane

saddexdaa markaad ebido buu,         kuu ansaxayaa e

 

4-   Ibliiskaba oraah uu ka tegey,              laguma eedeyn e

ashahaadayoo, aakhirana ,                  waa ogaan jirey e

waxse eel qabsaday waa markuu,     diidey amarkii e

isla weynidii baa hoddiyo ,                  asal ku faankii e”

 

5-   Rabbi amarradiisiyo adoo,                 aayadaha diidi

Iimaanka aad sheegataa,                    waa af iyo beene

Waa ammaanidii reer Yahuud,         ku ibtiloobeene

Is ilaali abidkaa intii ,                          iilataa badane

 

6-   Islaamnimana waa erey ku bari,       laba umuuroode

mar iimaanka weeyoo waxbaan,       haatan kaa iri e

addin iyo af iyo waa adoo,                  uur hoggaansama e

amarrada Ilaaheen farood,                 wada addeecdaa e

 

7-   marna waa astaan aan la dilin,          axadki muujaa e

Hadduu uurku gaal yahayna uu,       kaa ammaan heli e

waa ereyga towxiidka oon,                  wadan Ishraaggii e

inqiyaad la daahirinayoon,                 amar la diideyne

 

8-    “laa Ilaaha illa laahu” waa,               asalka tawxiide

haddii ay ikhlaas wadato bay,            ku anfacaysaa e

shirki looga iilanahayiyo,                    eheladiisii e

haddii kale  oraah weeye aan,            uurka kaa jirin e

 

9-   Ashahaado aan wadan ikhlaas,          ma aha iimaane

Mar hadduu ishraak jiro waxaa,        lumi oraahdii e

Waa eber acmaashuu faloo,                ma ansaxaayaane e

Inna kuuma reeboo shirkigu,              waa abaar kulule

Copyright © 2013. All Rights Reserved. www.towxiidka.com