Hoyga Barashada Tawxiidka

www.towxiidka.com

  
  
  
Get Adobe Flash player

Dadka booqanaya webka

We have 45 guests and no members online

1-   Aakhiro nimaan aamineyne,               waa ardaal lumaye

ayaan lays abaal marinayoo,               uunku wada joogo

akhbaartii “Ilaah” weeye iyo,              ereyadiisii e

addin iyo af iyo uurba waa,                 la aqbalaayaa e

 

2-   nin adduun is raacsheyi inuu,             eedi baa dhigane

waa daar ibtilo loo dhisiyo,                  eegid iyo daale

ictiqaad saliimiyo acmaal,                   ururso mooyaane

eber weeye baaddila waxaad,             ku ijtihaadaa e

 

3-   ruuxaan cilmiga eegahayn,                 waa anbanayaa e

ayaamahakan loo tirinayuu,                abaddan moodaa e

ajashuu illaawaa inuu,                          iilku dhow yahay e

goor aan baryada la asmacayn,          buu Allow orane

 

4-    Aadane ashqiya weeye iyo,                 ehelu khayrkii e  

Mid iimaan la guuroo jannada,          aqalki yaallaa e

 Iyo ololka naareed midkii,                  lagu illaawaayey

Waa intii Ibliis raacday iyo,                 ururki naareed e

Copyright © 2013. All Rights Reserved. www.towxiidka.com