Hoyga Barashada Tawxiidka

www.towxiidka.com

  
  
  
Get Adobe Flash player

Dadka booqanaya webka

We have 61 guests and no members online

1-   Jifo iyo qabiil Diintu waa,                        jaad ka gooniya e

Jinsi aad u dhalatiyo tilmaan,                joogi ma ahayne

Waa jideyn la raaciyo naftoo,                 lala jihaadaa e

Haddii aadan jeedaalineyn,                     waa wax kaa jaba e

 

2-   Waa jiduu Jaliilkii dhigoo ,                     jeexay waa hore e

Jidgooyaana taal iyo Ibliis,                      jeysh u leeyahaye

Mid ku joogi jireyoo mar kale,                jeensadaad arage

Jaa’irkii nebcaan jirey marbuu,             khayr ka soo jirine

 

3-   Jahli baa dad badan jeediyoo,                ku jira mooyaane

Jidku waw jid nabadeed ninkaan,         jar iska tuurayne

Jaanib kaan u sii jeensan buu,                jannada geeyaa e

Jaaxidkii lunshana Jahannamay,          jaasadii tahay e”

 

Copyright © 2013. All Rights Reserved. www.towxiidka.com