Hoyga Barashada Tawxiidka

www.towxiidka.com

  
  
  
Get Adobe Flash player

Dadka booqanaya webka

We have 53 guests and one member online

1) Diinta ha la soo galo, waxaa loola jeedaa: Rabbi u hoggaansankiisa, ha la soo galo, isaga keliyana ha la isu dhiibo. Taana waa yeerid, uu “Allaah” iyaga ugu turayo, uguna naxariisanayo. 

Isagu mar walba waa ka hodon aadanaha, waana isugu mid, hadday hoggaansamaan, iyo hadday fallaagoobaan. Wuxuu kitaabka ku yiri:

-"يَا أَيُّهَا النَّاسُ أَنْتُمُ الْفُقَرَاءُ إِلَى اللهِ وَاللهُ هُوَ الْغَنِيُّ الْحَمِيدُ". (فاطر:15)

-  وفي الحديث: "يَا عِبَادِي لَوْ أَنَّ أَوَّلَكُمْ وَآخِرَكُمْ، وَإِنْسَكُمْ وَجِنَّكُمْ. كَانُوا عَلَى أَتْقَى قَلْبِ رَجُلٍ وَاحِدٍ مِنْكُمْ. مَا زَادَ ذلِكَ فِي مُلْكِي شَيْئاً. يَا عِبَادِي لَوْ أَنَّ أَوَّلَكُمْ وَآخِرَكُمْ. وَإِنْسَكُمْ وَجِنَّكُمْ. كَانُوا عَلَى أَفْجَرِ قَلْبِ رَجُلٍ وَاحِدٍ . مَا نَقَصَ ذَلِكَ مِنْ مُلْكِي شَيْئاً". (مسلم)

2) Dadku hadday cuslaystaan, u hoggaansanka “Allaah”, Rabbiga awoodda, iyo cilmiga, iyo naxariista ballaaran, karaama iyo xorriyad ma helaane, waxay u gacan galaan, oo u hoggaansamaan, oo u dulloobaan, addoommo iyagoo kale ah, waxay u jideeyaanna waa raacaan.

Jideyn aadane lagama waayo, dhimmanaan, danaysi gaar, iyo aqoon xumi. Saddexduba waxay ka mid yihiin, baxaalliga aadanaha, iyo dabciga abuuristiisa.

Aadane hoggaansan la’aan, ma ahaan karo, hadduu Rabbigi u hoggaansami waayo, wuxuu u hoggaansamayaa, addoommo adduunka wax yar ka yaqaan, Aakhirana ka indha saaban.  Wuxuu “Allaah” yiri:

- " أَأَرْبَابٌ مُتَفَرِّقُونَ خَيْرٌ أَمِ اللَّهُ الْوَاحِدُ الْقَهَّارُ" (يوسف:39)

- " وَالَّذِينَ آَمَنُوا بِالْبَاطِلِ وَكَفَرُوا بِاللَّهِ أُولَئِكَ هُمُ الْخَاسِرُونَ" (العنكبوت:52)

Copyright © 2013. All Rights Reserved. www.towxiidka.com