Hoyga Barashada Tawxiidka

www.towxiidka.com

  
  
  
Get Adobe Flash player

Dadka booqanaya webka

We have 46 guests and one member online

1) Diintu waa hal si waana:

Hal boqor oo ah, weynaha kawnka oo uu dadku ka mid yahay iska leh, oo xukunkiisa oo aan kala reebid lahayn la raaco, cid kalena aan laga xukun qaadan.

"إِنِ الْحُكْمُ إِلا للهِ يَقُصُّ الْحَقَّ وَهُوَ خَيْرُ الْفَاصِلِينَ" (الأنعام:57)

"إِنِ الْحُكْمُ إِلا للهِ أَمَرَ أَلاّ تَعْبُدُوا إِلاّ إِيَّاهُ ذَلِكَ الدِّينُ الْقَيِّمُ وَلَكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لا يَعْلَمُونَ" (يوسف:40)

"إِنِ الْحُكْمُ إِلاّ للهِ عَلَيْهِ تَوَكَّلْتُ" (يوسف:67)

Kii sharci kale raacsan, diin kaluu raacsan yahay.

"أَفَغَيْرَ دِينِ اللهِ يَبْغُونَ وَلَهُ أَسْلَمَ مَنْ فِي السَّمَاوَاتِ وَالأَرْضِ طَوْعًا وَكَرْهًا وَإِلَيْهِ يُرْجَعُونَ" (آل عمران:83)

"أَفَحُكْمَ الْجَاهِلِيَّةِ يَبْغُونَ وَمَنْ أَحْسَنُ مِنَ اللهِ حُكْمًا لِقَوْمٍ يُوقِنُونَ" (المائدة:50)

"ثُمَّ جَعَلْنَاكَ عَلَى شَرِيعَةٍ مِنَ الأَمْرِ فَاتَّبِعْهَا وَلا تَتَّبِعْ أَهْوَاءَ الَّذِينَ لا يَعْلَمُونَ (الجاثية:18)

Diintu waa hal si waana:

Halka boqor oo xaqa ah, oo loo hoggaansamo -la caabudo- cid kalena aan loo hoggaansamin.

"وَاعْبُدُوا اللَّهَ وَلَا تُشْرِكُوا بِهِ شَيْئًا"   (النساء:36)     "قُلْ يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنْ كُنْتُمْ فِي شَكٍّ مِنْ دِينِي فَلَا أَعْبُدُ الَّذِينَ تَعْبُدُونَ مِنْ دُونِ اللَّهِ وَلَكِنْ أَعْبُدُ اللَّهَ الَّذِي يَتَوَفَّاكُمْ وَأُمِرْتُ أَنْ أَكُونَ مِنَ الْمُؤْمِنِينَ" (يونس:104)

Sidaa baana la yiraahdaa, “Islaam”. Islaam kaloo jira Rabbi agti, oo cid laga aqbalayo ma jiro, kitaabkuna waa  u diidey, kii raacana, waa u ku hungoobi doonaa:

-"وَمَنْ يَبْتَغِ غَيْرَ الإِسْلَامِ دِينًا فَلَنْ يُقْبَلَ مِنْهُ وَهُوَ فِي الآَخِرَةِ مِنَ الْخَاسِرِينَ" (آل عمران:85)

2) kii yiraahda: “Rabbi waxaan ku caabudayaa salaad, soon, xaj, sako iyo qur’aan akhrin. Laakiin waxaan rabaa inaan raaco sharciyada, iyo nidaamyada dadku ka dejiyeen, arrimaha aadanaha, dhanka siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada, iyo xeerarka. Sidaa baana ku ahay qof muslim ah”.

Jawaabtiisu waxaa weeye:

Waxaad doontid waad raaci kartaa, waxaad doontidna waad isku bixin kartaa, hase yeeshee, ma runbaa inaad sidaa ku tahay “muslim”, mise ma aha?

haddaad xaqiiqa doon tahay, waxaa caddaaday, inuu Islaamkuba yahay hoggaansamid iyo amarro raacid.

Haddaad Rabbi amarradiisa oo dhan raacdid, Rabbi baad u hoggaansantey, waadna caabuddey, waadna u muslintay.

Haddaad cid kale amarradiisa raacdidna, cid kale baad u hoggaansantey, waadna caabuddey, waadna u muslintay.

Haddaad Rabbi ku caabuddid salaad, soon, xaj, sako iyo qur’aan akhrin. Laakiin aad cid kale ku caabuddid sharciyada, iyo nidaamyada dadku dejiyeen, waxaad tahay mid cibaadadii qeybiyey, oo laba macbuud ka dhexeysiiyey. Diintuna kaa waxay u taqaan “mushrik” ama “wadaajiye”.

Qof uu Rabbi u yaqaan “mushrik”, haddaad u bixisid “muslim”, ma adiga af garadkaaga, iyo erey bixintaada baa soconaysa, oo la waafajinayaa, abaal marinta danbe, mise af garadka, iyo erey bixinta sharciga Rabbi baa soconaya. “Muslim” baan ahay intaadan oran, fiiri maxaa “muslim” looga jeedaa. waxaa looga jeedaa:

“u hoggaansame”, oo laga wado: “kii Rabbi keligi u hoggaansamey”. Midkii cid aan Allaah ahayn sharciyo ugu hoggaansama, waa been haddii la yiraahdo waa:  “kii Rabbi keligi u hoggaansamey”.

“muslim” haddii la yiraahdana, waa in looga jeedo: “cid aan Allaah ahayn u hoggaansame”, waayo taa baa run ah, isagaana qirsan, inuu cid aan Allaah ahayn ugu hoggaansan yahay wixii uu jideeyey.

Copyright © 2013. All Rights Reserved. www.towxiidka.com