Hoyga Barashada Tawxiidka

www.towxiidka.com

  
  
  
Get Adobe Flash player

Dadka booqanaya webka

We have 29 guests and one member online

1) wixii inta wax fiican la moodo dib laga ogaado, inay meeli xun tahay, ama wada xun yahay, baa la yiraahdaa: “meeshaa ha la beddelo”, ama “isagoo dhan ha la wada beddelo”.

Ama wixii la is yiri, waa wax fiican oo fudud, markay dib ka cuslaadaan, oo la kari waayo, baa la yiraahdaa: “wax sidiisa u fiican kana fudud ha la raadiyo”.

Kuwa jecel in Islaamka wax laga beddelo, labadaa kee bay oran karaan!!?.

Islaamka kitaabka Allaah baa faah faahinaya, waana caqiido iyo shareeco, ee tee bay wax ka sheegi karaan?

-" وَاللَّهُ يَقُولُ الْحَقَّ وَهُوَ يَهْدِي السَّبِيلَ" (الأحزاب:4)  

-" يَقُصُّ الْحَقَّ وَهُوَ خَيْرُ الْفَاصِلِينَ" (الأنعام:57)

2) Caqiidadiisu waa midda keliya, ee ay nafta banii aadamku aqbalayso, kuna xasili karto, inay run tahayna ka garan karto, calaamadaha kawnka ka muuqda, iyo addillada ku hareeraysan, inta ayan ka garan bayaanka Rabbi, ee aan is khilaafka lahayn.

Dadku kama maarmi karo “caqiido”, waayo cirka iyo dhulka iyo nafleyda, baa ka raba tafsiir. Yaa keenay? Yaa abuuray? Muxuu u abuuray? Maxaa ka danbayn doona?, waa su’aalo qof walba u yaal, jawaabtoodana baadi goob buu ugu jiraa.

Dadkuna waa mid runta hela iyo mid ka luma. Waana jiraan; kuwo darajada xoolaha ku qancay, oo yiri arrimahaaba kama fakarayno, ee raaxaysi keliya baan ka fakaraynaa!!.

Kuwii aan la waafajin caqiidada Islaamka, iyo inay Rumeeyaan: Rabbi keliya… awood keliya… shareeco keliya.  bal fiiri waxa ay rumeeyeen, oo ay caqiido ka dhigteen.

Waa mid yiri: “hal Ilaah baa jira; waase saddex asal oo kala madax bannaan”. Waa caqiidada Nasaarada.  Bal sidee loo rumeeyaa: “waana mid, waana saddex”?

Waxaa la wariyey in waa loo baahday, nin xisaab yaqaan, waana waayaduu Islaamku dawladda ahaa. Markaa baa la yiri waa la soo helay, waase nin nasaara ah, markaa buu mas'uulkii yiri: "inaka daaya, Nasaaro xisaab ma taqaan, say hal iyo saddex bay kala garan weydeye!!". Wuxuu tilmaamayey caqiida xumidooda.

Iyo mid yiri: “waa hal Ilaah oo sare”, wuxuuse ku tilmaamay ilaahiisu inuu yahay, mid dadka u eg oo ooya, oo wax xasda, oo dadka aan wax weyn ka awood badnayn. Waxay yiraahdeen Nabi Yacquub baa legdey. Waana caqiidada Yahuudda.

Iyo mid yiri: “waa hal Ilaah oo sare, iyo kuwa aan la tirin karin; oo ka sokeeya ”. kuwaa haddii midkood; ay musiibo ku dhacdo, meel ay uga timid ma garto, waa u wareerayaa…!!

Ma jinkiibaa? Ma qabrigii aad wax u bixin weydaa? Ma hebel baa il kula helay? Ma owliyadii baa kuu caraysan?. Awliyo badane; kee baa tan geystey? Ma heblaa ku sixirtay? Mise hebel baa ku qataarey?   

Iyo mid yiri: “awood oo dhan dabeecaddaa leh”, fasirina waayey siday wax u abuurto, waxna u kala soocdo, iyadoo aan caqli iyo cilmi u gaaraba lahayn.

Dabeecaddu ma “maaddadaa” mise waa wax kale?

Hadday “maaddada” tahay, ma markay adkaataa; mise markay dareeraha tahay; mise waa markay hawadoo kale tahay?

Waxaa xaqiiqa ah, inaan la filayn, inuu dadku keeno caqiido, tan Islaamka ka toosan, ama la mid ah, ama u dhow. Caqiidada Islaamku waa Allaah hadalki, hadalkiisana ceeb lagama heli karo, sida aan wuxuu abuuray ceeb looga heli karin.  

-" فَبِأَيِّ حَدِيثٍ بَعْدَ اللَّهِ وَآَيَاتِهِ يُؤْمِنُونَ" (الجاثية:6)

3) shareecadiisuna waa caqiidadiisa oo kale, waa dhamaystiran tahay, dhinac ka mida dhinacyada nolosha oo la illaawey ma jiro, waayo Rabbi aan wax illaawin, waxna ka qarsoomin, baa soo dejiyey.

Waxaa la caddeeyey; qofka iyo Rabbigi xiriirka ka dhexeeya, siduu u weyneyn lahaa, siduu u xusuusnaan lahaa, siduu wax u weydiisan lahaa, iyo noocyada cibaadooyinka uu ula jahaysan lahaa, agtiisana daraja uga heli lahaa.

Waxaa la caddeeyey; qofka iyo kawnka xiriirka ka dhexeeya, waxaa loo sheegay; cirka iyo dhulka waxa u dhexeeya inay sidiisoo kale addoommo yihiin, Rabbina u hoggaansan yihiin. Wixii xalaal u ah iyo wixii kale, baa la kala baray.

Waxaa la caddeeyey; qofka iyo qofka kale; xiriirka ka dhexeeya, waxaa loo sheegay; kay isku Diinta yihiin xuquuqda ay isku leeyihiin, iyo siday u mucaamali lahaayeen. waxaa loo sheegay; sida iyo qaabka uu yeelanayo la mucaamalka, kuwa ayan isku Diinta ahayn.

Waxaa la caddeeyey; xuquuqda iyo xudduudda u dhexaysa qofka iyo bulshadiisa weyn. Iyo xuquuqda iyo xudduudda u dhexaysa labada qof ee guurka ku wada jooga, iyo ubadkoodaba.

Waxaa la caddeeyey; nidaamka siyaasadeed, kan bulsho, kan dhaqaale, kan garsoorka iyo ciqaabaha, iyo akhlaaqda wanaagsan iyo tan aan wanaagsanayn.

Iyadoo ayan shareecadu ka tegeyn dhinac keliya oo ka mida dhinacyada nolosha dadka, bay misana tahay shareeco fudud oo waafaqaysa, baxaalliga aadanaha, iyo awooddiisa xaddidan.

Weliba waa shareeco la soo tijaabiyey, quruun badanna caalamka intiisa badan lagu hoggaamin jirey, una horseedday nabad iyo degganaan.

Abuurista aadanuhu is beddeli mayso, weligi waa u baahan yahay, guri, cunno, labbis, guur, bulsho, talis, qalab uu isku difaaco, iyo cilmi uu ku ogaado; wixii waxtar u leh iyo wixii kale.

Sidaa darteed bay shareecada dadka loogu tala galay; u tahay mid sugan, oo aan is beddeleyn. Mushkilad walboo soo cusboonaata; horayna aan loo arki jirin, waxaa xallinteeda lagu xiray, asalladeeda waaweyn, oo ah kuwo qaadi kara, lagana fahmi karo, hadba xalka munaasibka u ah, mushkilad walboo soo cusboonaata.   

-" فَأَقِمْ وَجْهَكَ لِلدِّينِ حَنِيفًا فِطْرَةَ اللهِ الَّتِي فَطَرَ النَّاسَ عَلَيْهَا لا تَبْدِيلَ لِخَلْقِ اللهِ ذَلِكَ الدِّينُ الْقَيِّمُ وَلَكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لا يَعْلَمُونَ" (الروم:30)

-" لا تَبْدِيلَ لِكَلِمَاتِ اللهِ" (يونس:64) -"وَلا مُبَدِّلَ لِكَلِمَاتِ اللهِ" (الأنعام:34)

4) shareecada Rabbigii soo dejiyey; baa fudaydkeeda sheegay:

-" وَمَا جَعَلَ عَلَيْكُمْ فِي الدِّينِ مِنْ حَرَجٍ" (الحج: 78)  -" يُرِيدُ اللهُ بِكُمُ الْيُسْرَ وَلا يُرِيدُ بِكُمُ الْعُسْرَ" (البقرة: 185)

Waxayse ku cuslaataa, mid aan weli garan awoodda xaqa u leh, in loo hoggaansamo, iyo mid la hayste u ah awoodda ay macmacaan raaciddu naftiisa ku leedahay. Kuwaa baa jeclaada in Diintu u fasaxdo hadba waxii naftooda u macaanaada.

Waa kuwa yiraahda: “inaan wax jideysanno; qiil ha loo raadiyo”, “ribada qiil ha loo raadiyo”, zino, khamro, iyo isqaawin, iyo qurun oo dhan qaar baa jeclaan lahaa, inay u helaan wadaad qiil u bixiya.

Kuwaa waxay la mid yihiin qof yiri: “qashin qubka kama fogaan karee, qawaaniinta caafimaadka; wax ha laga beddelo!!”  

Waana caqli xumi tii u liidatey:

-" وَمَنْ أَضَلُّ مِمَّنَ اتَّبَعَ هَوَاهُ بِغَيْرِ هُدًى مِنَ اللَّهِ إِنَّ اللَّهَ لَا يَهْدِي الْقَوْمَ الظَّالِمِينَ" (القصص:50) 

 

Copyright © 2013. All Rights Reserved. www.towxiidka.com