Hoyga Barashada Tawxiidka

www.towxiidka.com

  
  
  
Get Adobe Flash player

Dadka booqanaya webka

We have 3 guests and one member online

1)- Adduunka laba dacwo (دعوة), baa ka jirta sida uu Allaah inoo sheegay:

Tan hore:

Waa yeerid xaq ah, oo uu Allaah addoommadiisa ugu yeerayo inay keligi u hoggaansamaan, si ay adduun iyo Aakhiro ugu badbaadaan, kuwa ajiibana waa xizbigii Allaah.

-" وَاللَّهُ يَدْعُو إِلَى الْجَنَّةِ وَالْمَغْفِرَةِ بِإِذْنِهِ" (البقرة:221)

-" وَاللَّهُ يَدْعُو إِلَى دَارِ السَّلَامِ وَيَهْدِي مَنْ يَشَاءُ إِلَى صِرَاطٍ مُسْتَقِيمٍ" (يونس:25)

-" أُولَئِكَ حِزْبُ اللَّهِ أَلَا إِنَّ حِزْبَ اللَّهِ هُمُ الْمُفْلِحُونَ" (المجادلة:22)

Tan kalena:

Waa yeerid baadi ah oo uu shaydaanku dadka ku luminayo, shirkina ku amrayo, kuwii ajiibana waa xizbiga Shaydaanka.

-" إِنَّ الشَّيْطَانَ لَكُمْ عَدُوٌّ فَاتَّخِذُوهُ عَدُوًّا إِنَّمَا يَدْعُو حِزْبَهُ لِيَكُونُوا مِنْ أَصْحَابِ السَّعِيرِ" (فاطر:6)

-" أُولَئِكَ حِزْبُ الشَّيْطَانِ أَلَا إِنَّ حِزْبَ الشَّيْطَانِ هُمُ الْخَاسِرُونَ" (المجادلة:19)  

Haddaba dunida labadaa yeerid (دعوة), baa ka socota, weligeedna ka socon jirtey, labadaa xizbi baana la kala raacsan yahay.

Waa xizbi khayr wada, Allaah keligina u hoggaansan, Allaahna khayr buu ka taliyaa. Iyo xizbi shar wada, shaydaanna u hoggaansan, shaydaanna shar buu ka taliyaa.

Xizbiga khayrka wada hadduu aamuso, kan sharka wada baan aamusayn, hadduu dagaalka gacnaha ka laabto, kan kalaan joogsaneyn, inuu baabi'iyana isku deyeya. Waayo waa laba xizbi oo aan nabad ku wada noolaan karin waqti badan.

Maadaama dabeecadda iimaanka iyo tan kufriga, middoodna beddelmeyn buu Allaah jihaadka kufaarta ka dhigay, waajib ka mid ah waajibyada Diinta kuwa ugu waaweyn, si aan kufrigu uga saramarin iimaanka, aadanuhuna khasaara abaddi ah ugu waarin.

-" وَلَوْلَا دَفْعُ اللَّهِ النَّاسَ بَعْضَهُمْ بِبَعْضٍ لَفَسَدَتِ الْأَرْضُ وَلَكِنَّ اللَّهَ ذُو فَضْلٍ عَلَى الْعَالَمِينَ" (البقرة:251)

"Marka jihaadka kufaartu waa Diin xaq ah, waxaana rumaysnaa nabi Muusa iyo Ciisa iyo Muxammad, iyo nabiyadii ka horreeyey oo dhan, nabadgelyo iyo naxariisi haw ahaatee. Inkastoo ay ku kala duwanaayeen, fursadaha iyo awoodaha ay u heleen gudashada waajibkaas".  

2)- waayadii hore caammada waxaa lagu siri jirey, in sanamyo loo qoro, ama qabriyo loo qurxiyo, ka dibna la yiraahdo, wax u bixiya, si aad khayr ugu heshaan, ama shar uga nabad gashaan.

Waxaa ay caammadu bixinaysana, sanam iyo qabri ma qaadan jirin, ee dad baa qaadan jirey. Dadku wax isii keliya wax fiican, oo joogta ah, kuma dhiibi karo, laakiin markuu wax rumeeyo, bay u fududaataa wax bixintu.

Maanta sanamyadii mutuxnaa waa laga gudbey, waxaase beddeley, kuwo aan muuqanayn, laakiin ah macne lagu xisaabtamayo, oo qofka qalbigiisa, iyo caqligiisaba lagu xirayo, markaa buu u hurayaa wax aan loo huri jirin, sanamyadii muuqdey.

Waddanka, calanka, qaranka, dastuurka, wax soo saarka, ra'yul caamka, beesha caalamka, iyo xuquuqul- insaanku, waa wada sanamyo casri ah, oo tay rabaan laga hormarinayo tuu Allaah rabey.

Mabda'a ama sanamka ay u bixiyeen,"xuquuqul- insaanka", waxay uga gaashaamanayaan oo keliya jihaadka islaamka, kuna daminayaan shucuurka caqiidadu wadato.

Taariikhdu waxay marag ka tahay, islaamku inuu weligi xorriyad u siin jirey Nasaarada iyo Yahuudda, hadday shacab u noqonayaan dawladda muslimadda ah, joojinayaanna dalabka ay dalbayaan inay taliyaan, iyagoo ku talinaya kufri.

Waxay kaloo marag ka tahay, iyagu markay awood yeeshaan, inay muslimiinta u xasuuqi jireen si guud. Waxay ku faleen reer Andalus iyo reer Shaam waa wax qoran oo aan la inkiri karin.

Waagay dadka muslimiinta ah xasuuqi jireen, weli waxay sheeganayeen inay u jihaadayaan diinta Nasraaniyadda, ka dibse waa ka sii dareen.

Wixii ka danbeeyey kacaankii Faransiiska,waxay si bareer ah u caddaysteen, inay ka tanaazuleen, ilaah tala laga sugayo, waxayna ku beddesheen, dadku isagaa aayihiisa ka talinaya, aqoontiisa iyo waaya aragnimadiisa keliyaana ku filan.

Markay yiraahdeen: "ilaah talo laga sugi mayo", miyay malaa'ik noqdeen oo xuquuqul-insaanka garteen!!?.

Sow iyaga ma ahayn wixii baabi'iyey khalqiga, oo gumaadkii Hiroshima dhigay.

Sow maanta dawlad walboo amar ka maqli weyda, kuma xukumaan xasuuq iyo baabi'in!!?.

Mabda'a "xuquuqul- insaanku", wuxuu shaqeeyaa inta la addeecsan yahay, waa sanam ay caamada ku sii jeedinayaan, si aan loogu fakarin jihaad iyaga dhan ka ah, oo Allaah lagu raalli gelinayo. Haddiise la addeeci waayo "xuquuqul- insaan" ma jirayo, ee waxaa jiraya gumaad aan naxariis lahayn.

Rabbiga Caalamkaba iska leh, wixii amar ka maqli waaya, hadduu dilkooda banneeyo, waxay oranayaan "xuquuqul- insaankii" baa meel looga dhacay.

Iyagoo addoomo ahna wixii amar ka maqli waaya, waxay oranayaan waa la xasuuqi karaa, "xuquuqul- insaanna" laguma tuman, maatada baaba'aysana danbigeedu wuxuu saaran yahay, ninka amarka naga qaadan waayey, mana saarra ninka wax xasuuqay !!!.  

Copyright © 2013. All Rights Reserved. www.towxiidka.com