Hoyga Barashada Tawxiidka

www.towxiidka.com

  
  
  
Get Adobe Flash player

Dadka booqanaya webka

We have 7 guests and one member online

1)- Dadka Rabbi wuxuu siiyey qalbi ay wax ku ogaadaan, kuna rumeeyaan. Carrabna waa u siiyey, ay uga warramaan, kuna caddeeyaan wixii ay rumeeyeen. Xubnana waa u siiyey,  waxay nafac ka rumeeyaan ku dalbadaan, waxay dhib iyo shar ka rumeeyaanna uga durkaan.  

Rumayntu waxay ku xiran tahay ogaalka, wixii la ogaado, oo inuu jiro la sheego, buu dadku rumeeyaa, oo qiraa inuu run yahay, ama beeniyaa, oo qiraa inuu been yahay.

Qof wax qiraya oo leh: “waxaa baa jira”, ama “waxaa baa dhacay”, haddaad aragtid, ogow inuu yahay: mid waxa arkay, ama maqlay, ama looga sheekeeyey. Yacni waa qof ogaal helay, hadduusan intaa midna ahayn; waa mid been ku hadlaya.

 

Kii wax inkirayana, oo leh: “waxaa ma jiraan”, waa midaan indhihiisa ku arag,dhegihiisana ku maqal, wixii loo sheegayna aan run u qaadan.

Waxaana jirta; ogaalku inuusan isku heer ahayn, ee kala sarreeyo, sida soo socota.

 

2)- Darajooyinka ogaalkuna waa afar darajo:

Tan kowaad: Waa “yaqiinta” ama “waxa la hubo”:

Ogaalka qalbigu, waa kala xoog badan yahay, mid waa rumayn, iyo yaqiin adag, waa wax la hubo, oo aan shaki qofka uga jirin. Waa wixii aad indhahaaga ku aragtay, ama aad dhegahaaga ku maqashay oo kale. Iyo wixii aad ku garatay calaamado aan ka been sheegi karin.

 

(tusaale)

Haddaad aragtid nin aad tiqiin, daar uu lahaa oo duntey, waxaad tahay qof khabar uu hubo, oo aan shaki ku jirin, ka haya daarta hebel. Haddii la isku dayo, in lagaa dhaadhiciyo, inay daartu nabad qabto, lagaama dhaadhicin karo, sababtoo ah waad hubtaa, inay daartu duntey.

Wax walboo jira ama dhaca, qofkii arkayey, hubaal buu uga sugan yahay. Wuxuu kaloo hubaal uga sugan yahay, wixii ay ka markhaati kacayaan, calaamado aan ka been sheegi karin.

Sida cirka iyo dhulka iyo inta u dhexeysa, ay markhaati uga yihiin, Rabbi iyaga abuuray, oo awood badan leh, inuu jiro.

 

Darajada labaad: Waa “malaha xoogga leh”:

Waa wixii aadan hubin, laakiin qof run lagu yaqaan, kuu sheegay, waxaa loo badiyaa inay run yihiin, waxaase dhici kara inay beenoobaan, oo runlowgii tan ku been sheegay, ama wax is moodsiiyey, isagoo aan been u qasdeyn.

 Sidaa darteed, waxaa inaku waajiba, inaan ku camal fallo, xaddiista ay niman soo wariyeen run lagu yiqiin, inkastoo ayan la mid ahayn, xagga hubaasha, aayaddii la qoray Nabiga – scw - oo weli nool. 

Tan saddexaad: waa “malaha tabarta yar, ama shakiga”.

Waa sida warka ay dad isku khilaafsan sheegayaan, waxaa baa dhacay, iyo ma dhicin, la isku hayo. Mid hadalki haddii la qaato, mid la mida hadalki baa laga tegayaa. Markaa in laga wada joogsado, oo la hubiyo, baa toosan.

 

Tan afraad: waa “ogaal la’aanta, ama jahliga”.

Waa wixii uu qofku warmoog ka yahay, hubaal iyo male uusan midna ka haysan. Jahligu waa laba nooce, kan waxaa loo yaqaan: “jahliga fudud”. 

Kan kalena, waa kan loo yaqaan: “jahliga isa saaran”, ama “jahli murakab”, waa jahliga ay qofka ku kulansan tahay, laba arrimood:

a)     wixii oo uusan aqoon.

b)    iyo isagoo wixii ka rumeeyey wax uusan ahayn. 

Waa sida xaalka haysta qofka Jannada raadinaya, una maraya dariiq Naarta lagu gelayo.

……….

3)- waxaad ogaataa, in wax walboo ay dadku rumeeyaan, inay ku hadlayaan, oo ayan la aamusi karin, iyo inay ku khasban yihiin, inay ku camal falaan. Xiriir aan kala go’id lahayn, baa ka dhexeeya; rumaynta qalbiga, hadalka carrabka, iyo falalka xubnaha.

 (tusaale)

Dadku waxay wada rumaysan yihiin, oo hubaal uga sugan yihiin inuusan qofku ka maarmin “biyaha”. Rumayntaa waxay bixisay:

a)     in lagu wada hadlayo lagama maarmaan inay yihiin biyuhu.

b)    iyo in lagu camal falayo rumayntaa.

 Qof walbaa ku xisaabtamaya, siduu “biyo” u heli lahaa, meel aan “biyo” lahaynna degi mayo, weligina wuxuu oranayaa, “biyo” la’aantood, lama noolaan karo. Kii yiraahda waa laga maarmi karaa “biyaha”, dadku waxay ku tirinayaan, inuu yahay qof dhimman, ama waalan.

 Wax walboo la rumeeyo, inuu “xaqiiqa” yahay, waa sidaa oo kale, rumayntii baa qofka ka keenaysa, inuu ku hadlo, hadallo waafaqsan rumayntiisa, iyo inuu falo falal badan oo waafaqaya rumayntiisa.

Dadku “dabka” waxay ka rumeeyeen, inuu wax gubo, hadal taa khilaafsanna kuma hadlaan, ficilkooduna taa buu waafaqsan yahay, la arki mayo mid fiyow oo leh: “dabku wax ma gubo”, ama “dab baan gogol ka dhiganayaa”, iyo wax la mida.

Dadku waxay yiraahdaan:

“biyo la’aan lama noolaan karo”, “dabku wax buu gubaa”,  “badda kalluun baa ku jira”, “xoolaha dhurwaaga ka ilaaliya”, “masku sun buu wataa” iwm. 

Dadku iskulama yaabo hadalladaa, waayo waa hadallo waafaqsan wixii la rumaysnaa, kii la yaaba agtooda waa jaahil, ama waa qof dhimman, ama waa waalan yahay.

 Waxaase yaab joogaa, dadkuna inkiraan, markii la yiraahdo:

“biyo la’aantood waanu noolaan karnaa”, “dab baan firaashanayaa”, “badda lo’ ha laga soo dabo”, “dhurwaaga ariga ha lala xereeyo”, “maska garabka ii saar” iwm.  

 Waa lays kula yaabayaa hadalladaa, waayo waa hadallo aan waafaqsanayn wixii la rumaysnaa, kii la yaabi waaya, agtooda waa jaahil, ama waa qof dhimman, ama waa waalan yahay.

 

Si aad u akhrisato qaybta labaad ee casharkan halkan riix

Copyright © 2013. All Rights Reserved. www.towxiidka.com