Hoyga Barashada Tawxiidka

www.towxiidka.com

  
  
  
Get Adobe Flash player

Dadka booqanaya webka

We have 51 guests and one member online

1) Iimaanka waxa baabi’iya intaynaan gelin, waxaa wanaagsan in maanka lagu hayo dhawr arrimood:

(kow) Iimaanku waa rumaynta farriimihii ay rusushu keeneen, laguna rumeeyo qalbi, qawl, iyo ficil. Haddaba qofka uusan khabarku sooba gaarin Iimaan ma leh, waana kaafir jaahil ah.

(labo) Iimaanku waa rumaynta farriimihii ay rusushu keeneen, laguna rumeeyo qalbi, qawl, iyo ficil. Haddaba qofka uu khabarku soo gaarey, hase ahaatee danayn waayey, oo hubsan waayey, oo run iyo been aan midna orane ka jeensadey.  Iimaan ma leh, waana kaafir  jeensadey.

(saddex) Iimaanku waa rumaynta farriimihii ay rusushu keeneen, laguna rumeeyo qalbi, qawl, iyo ficil. Haddaba qofka uu khabarku soo gaarey, laakiinse been moodey, oo waa been yiri, Iimaan ma leh, waana kaafir beeniye ah.

(afar) Iimaanku waa rumaynta farriimihii ay rusushu keeneen, laguna rumeeyo qalbi, qawl, iyo ficil. Haddaba qofka uu khabarku soo gaarey, gartayna inuu run yahay, laakiinse iskala weynaadey, Iimaan ma leh, waana kaafir isla weyne ah.

(shan) Iimaanku waa rumaynta farriimihii ay rusushu keeneen, laguna rumeeyo qalbi, qawl, iyo ficil. Haddaba qofka uu khabarku soo gaarey, gartayna inuu run yahay, hase yeeshee nebcaaday, nacaybkiisana muujiyey, qofkaa

Iimaan ma leh, waana kaafir xaqa cadawsadey.

(lix) Iimaanku waa rumaynta farriimihii ay rusushu keeneen, laguna rumeeyo qalbi, qawl, iyo ficil. Haddaba qofka uu khabarku soo gaarey, gartayna inuu run yahay, afkana ka qiray, laakiinse raaci waayey, adduunyo uu u baqayo darteed, Iimaan ma leh, waana kaafir adduunyo ka doortay aakhiro.

(toddoba) Iimaanku waa rumaynta farriimihii ay rusushu keeneen, laguna rumeeyo qalbi, qawl, iyo ficil. Haddaba qofka uu khabarku soo gaarey, kase shakiyey inuu run yahay, afkana ka qiray, ficilkana ku raacay, Iimaan ma leh, waana kaafir munaafiq ah.

Haddaba: jahliga, ka jeensiga xaqa, beeninta, islaweynida, cadawsiga xaqa, adduunyo doorashada, munaafaqnimadu, waxay lid ku wada yihiin iimaanka.

2) Haddaba waxaa dhacda, qof Iimaan yeeshay, inuu dib u noqdo - riddoobo – waxaana keena sida badan, isku dhejin uu isku dhejiyo wax lid ku ah Iimaanka ,sida:

1.  Jahliga:

Qof walboo la ogaado inuusan garanayn asallada iimaanka laba arrimood midkood weeye:

a) Inuusan weli soo gaarin khabarkii ay rusushu keeneen, oo uu yahay “kaafir jaahil ah”.

b) Inuu dib uga noqday, oo wax kale run moodey, kuna beddeshey.

asallada iimaankana qofka jaahilnimo looguma cudur daaro, waayo waxa uu jaahilka ka yahay, waa wixii markuu ogaado, ka dibna rumeeyo, loo qiri lahaa, inuu aqbalay Iimaanka, ugana baxay kufriga. 

Qur’aankana waa lagu xusay, dad iyagoo jahli ku jira, misana kufri iyo shirki inay ku jiraan la xukumay. Sida:

-"وَإِنْ أَحَدٌ مِنَ الْمُشْرِكِينَ اسْتَجَارَكَ فَأَجِرْهُ حَتَّى يَسْمَعَ كَلَامَ اللَّهِ ثُمَّ أَبْلِغْهُ مَأْمَنَهُ ذَلِكَ بِأَنَّهُمْ قَوْمٌ لَا يَعْلَمُونَ" (التوبة:6)

-"فَرِيقًا هَدَى وَفَرِيقًا حَقَّ عَلَيْهِمُ الضَّلَالَةُ إِنَّهُمُ اتَّخَذُوا الشَّيَاطِينَ أَوْلِيَاءَ مِنْ دُونِ اللَّهِ وَيَحْسَبُونَ أَنَّهُمْ مُهْتَدُونَ" (الأعراف:30)

ka jeensiga xaqa:

Qofku hadduu xaqii uu gartay, ku dhaqankiisa iska daayo, wixii lidkiisa ahaana sameeyo, sida hadduu shirkiga dadka ku socda xigsado, ehelka tawxiidkana fogeeyo, kaa inuu afka kufriga uga hadlo la sugi mayee, ka jeensiga xaqa iyo u jeensiga baaddilka, baa ah kufri lid ku ah Iimaanka. Waayo cid aan kufaar ahayn xaqa ma nacdo:

-" وَالَّذِينَ كَفَرُوا عَمَّا أُنْذِرُوا مُعْرِضُونَ" (الأحقاف:3) 

2. beeninta:

1-  Qofku hadduu xaqii soo gaarey beeniyo, Iimaan uma jirayo. Hadduu horay u lahaana, mid ka baxay oo riddoobey buu noqonayaa, waxaana isku mid ah, kan hal aayad beeniyey, iyo kan kitaabkoo dhan beeniyey, waayo beeninta xaqa baa sideeda kufri weyn u ah:

-" فَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّنْ كَذَّبَ بِآَيَاتِ اللَّهِ" (الأنعام:157)

-" وَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّنِ افْتَرَى عَلَى اللَّهِ كَذِبًا أَوْ كَذَّبَ بِالْحَقِّ لَمَّا جَاءَهُ أَلَيْسَ فِي جَهَنَّمَ مَثْوًى لِلْكَافِرِينَ" (العنكبوت: 68)

 2-                 Masaa’isha cilmiguse waa kala heerar, xagga muuqashada iyo ogaalka, sidaa darteed lama simo mas’alo aad u muuqata, iyo mid qarsoomi karta:

 (kow) masaa’isha aan la’aantood Iimaanku ansixi karin, sida asallada Iimaanka: rumaynta tawxiidka, malaa’ikta, kutubta, rususha, iyo maalinta danbe.

Arrimahaa qofkii yiraahda: “Diinta ka mid ma aha”,ama: “Allaah ima farin”, ama: “ma aqaan”, ama lidkooda rumeeya, waa mid xaqa beeniyey, inkiriddaa keligeed, buuna ku noqonayaa kaafir riddoobey. Waa hadduu horay Diinta ugu jirey, wax cudur daar ahna ma leh.  

(labo) masaa’isha aan meel muslimiin joogaan ku qarsoomi karin, sida: salaadda, zakada, soonka, xajka, u ixsaan falka waalidka, jihaadka, iyo inay xaaraan tahay khamrada, khamaarka, zinada, dhiigga muslimka iyo wixii la mida. Waa masaa’il aan ku qarsoomin meel muslimiin degaan u ah, lana ogyahay inay Islaamka ka mid yihiin.

 Arrimahaa qofkii yiraahda: “Diinta ka mid ma aha”,ama: “Allaah ima farin”, ama: “ma aqaan”, waa mid xaqa beeniyey, inkiriddaa keligeed, buuna ku noqonayaa kaafir riddoobey. Waxaa loo cudur daaraa:

a)  Mid miyi fog ku go’doonsanaa.

b) Mid mar dhow muslimay.

Labadaa wax baa loo caddeeyaa, intaan lagu xukumin, inay riddoobeen.

(saddex) masaa’il waxaa jira kitaabku dhigayo, aanse la mid ahayn xagga muuqashada, labadaa nooc ee hore. Waa masaa’il uu barto qofkii; cilmi barasho u soo jeensada, dad badanna waa ka jaahil, iyagoo jooga, meel degaan muslimiin u ah.

Masaa’ishaa waa sida: magacyada nabiyada, iyo malaa’ita qaarkood, iyo inuu nabi Yacquub dhalay nabi Yuusuf, iyo in dhaxalka gabadha la siiyo maalka barki markay kaligeed tahay, iyo qofka markhaati gal ama markhaati fur loogu yeero, inuusan diidi karin, iyo in saddex qaab loo xajin karo, iyo gaalada markii heshiis nabadeed lala yeesho, inaan la khiyaani karin, iyo wax badan oo la mid ah.

Arrimahaa qofkii yiraahda: “Diinta ka mid ma aha”,ama: “Allaah ima farin”, ama: “ma aqaan”, isla markiiba ku riddoobi mayo, lana oran mayo, waa mid xaqa beeniyey, ee waajibku waa in loo sheego inay Diinta ka mid yihiin.

Markii loo caddeeyo ka dib, oo shubhada laga saaro, hadduu inkiridda ku sii adkaysto, wuxuu ahaanayaa mid beeniyey aayad ka timid Allaah, wuxuuna noqonayaa kaafir riddoobey. 

3. islaweynida:

1- Qofku hadduu xaqii soo gaarey qiro inuu xaq yahay, laakiin uu diido inuu u hoggaansamo, isla weyni ha u diido, ama dad ceebayntood ha ka baqo, qofkaa Iimaan uma jirayo. Hadduu horay u lahaana, mid ka baxay, oo riddoobey buu noqonayaa, waxaana isku mid ah, kan hal aayad diidey, iyo kan kitaabkoo dhan diidey.

Ibliis amarka uu diidey, waa u garanayey, shakina ugama jirin, inuu yahay amar Allaah ka soo fuley, wuxuu ku gaaloobey waa diidmada xaqa, iyadaana islaweyni ah.

-" وَإِذْ قُلْنَا لِلْمَلَائِكَةِ اسْجُدُوا لِآَدَمَ فَسَجَدُوا إِلَّا إِبْلِيسَ أَبَى وَاسْتَكْبَرَ وَكَانَ مِنَ الْكَافِرِينَ" (البقرة:34)وفي الحديث: "الكبرُ بطرُ الحقِّ وغمطُ النَّاس" (مسلم)

4. cadawsiga xaqa:

Qofku hadduu xaqii soo gaarey qiro inuu xaq yahay, laakiin uu nacayb iyo karahsi uusan qarsanayn muujiyo, qofkaa Iimaan uma jirayo. Hadduu horay u lahaana, mid ka baxay, oo riddoobey buu noqonayaa, waxaana isku mid ah, kan hal aayad neceb, iyo kan kitaabkoo dhan neceb.

-" ذَلِكَ بِأَنَّهُمْ كَرِهُوا مَا أَنْزَلَ اللَّهُ فَأَحْبَطَ أَعْمَالَهُمْ" (محمد: 9)

-"وَإِذَا تُتْلَى عَلَيْهِمْ آَيَاتُنَا بَيِّنَاتٍ تَعْرِفُ فِي وُجُوهِ الَّذِينَ كَفَرُوا الْمُنْكَرَ يَكَادُونَ يَسْطُونَ بِالَّذِينَ يَتْلُونَ عَلَيْهِمْ آَيَاتِنَا" (الحج: 72)

5. adduunyo doorashada:

qofku hadduu xaqii soo gaarey qiro inuu xaq yahay, hase yeeshee raaciddii dariiqa xaqa ah ka haro, isagoo ka baqaya magac xumi ka soo gaarta bulshada habowday, ama adduunyo ka nusqaanta, qofkaa Iimaan uma jirayo. Hadduu horay u lahaana, mid ka baxay, oo riddoobey buu noqonayaa.

-" وَوَيْلٌ لِلْكَافِرِينَ مِنْ عَذَابٍ شَدِيدٍ. الَّذِينَ يَسْتَحِبُّونَ الْحَيَاةَ الدُّنْيَا عَلَى الْآَخِرَةِ" (إبراهيم:2-3)

-" ذَلِكَ بِأَنَّهُمُ اسْتَحَبُّوا الْحَيَاةَ الدُّنْيَا عَلَى الْآَخِرَةِ وَأَنَّ اللَّهَ لَا يَهْدِي الْقَوْمَ الْكَافِرِينَ" (النحل: 107)

-" وَقَالُوا إِنْ نَتَّبِعِ الْهُدَى مَعَكَ نُتَخَطَّفْ مِنْ أَرْضِنَا" (القصص:57)

Waana arrintii ku bixisay odayada Qureysh qaarkood, inay diidaan raacidda xaqa, waxay yiraahdeen: “dhulkaan u baqaynaa in nalaka qaado ”, Abuu Daalibna wuxuu yiri: “inaan cay u soo jiido aabbayaashay baan ka baqayaa”

 

6. Munaafaqnimada:

qofkii xaqa ka shakiya, ama garta inuu xaq yahay, laakiin diidmo iyo nacayb qarsoon go’aansada, af iyo ficilna Iimaan muujiya, isagoo ku badbaadsanaya naf ama maal, qofkaa Iimaan uma jirayo Rabbi agti, adduunkase waxaa lagu tirinayaa muslimiinta, hadduusan caddaan kufrigiisu.

-" إِنَّ الْمُنَافِقِينَ فِي الدَّرْكِ الْأَسْفَلِ مِنَ النَّارِ وَلَنْ تَجِدَ لَهُمْ نَصِيرًا" (النساء:145) 

Copyright © 2013. All Rights Reserved. www.towxiidka.com