Hoyga Barashada Tawxiidka

www.towxiidka.com

  
  
  
Get Adobe Flash player

Dadka booqanaya webka

We have 16 guests and one member online

1) Islaamka muuqda markuusan wax tarin, waa markay muuqato inuu qofka ama bulshada ka maqan yahay asal ka mid ah asallada iimaanka.

Tusaale:

1- Qof hadduu muujiyo Islaamka muuqda, markuu sheekaynayana yiraahdo: tawxiidka shaki baa iiga jira, ama aakhiro shaki baa iiga jira, ama nabinimada Nabiga shaki baa iiga jira, ama qur’aanka ama aayad ka mid ah shaki baa iiga jira, ama malaa’ikta shaki baa iiga jira, qofkaa ashahaadadiisii, salaaddiisii, zakadiisii, soonkiisii, iyo xajkiisii, ku badbaadi mayo adduunka.

Sababtuna waxaa weeye, Islaamka muuqda baa ahaa calaamad loo qaadan karo, inuu qofku Iimaanka ajiibey. Marka hadduu caddeeyo inuu shaki ka qabo, wuxuu caddeeyey in cilmigii iyo yaqiintii iyo ictiqaadkiiba ka maqan yihiin. wuxuu caddeeyey inuu kaafir yahay.

2- Sidoo kale dad dowlad ah, ama qabiil ah, hadday muujiyaan Islaamka muuqda, hase yeeshee madaxda u talinaysa ay caddeeyaan inay shaki ka qabaan asal ka mid ah asallada iimaanka, dadweynuhu hadday sidii hore sii ahaadaan, oo addeecsanaadaan, waxay sharci ahaan noqonayaan: madax kufriday iyo caamo ku raacday.

Fircawn qoluu u talinayey, hortooda buu ku diidey iimaanka, markaa bay ka hari waayeen, markaa bay isku xukun noqdeen, isku sina waa loo ciqaabay.

-" وَنَادَى فِرْعَوْنُ فِي قَوْمِهِ قَالَ يَا قَوْمِ أَلَيْسَ لِي مُلْكُ مِصْرَ وَهَذِهِ الْأَنْهَارُ تَجْرِي مِنْ تَحْتِي أَفَلَا تُبْصِرُونَ. أَمْ أَنَا خَيْرٌ مِنْ هَذَا الَّذِي هُوَ مَهِينٌ وَلَا يَكَادُ يُبِينُ. فَلَوْلَا أُلْقِيَ عَلَيْهِ أَسْوِرَةٌ مِنْ ذَهَبٍ أَوْ جَاءَ مَعَهُ الْمَلَائِكَةُ مُقْتَرِنِينَ. فَاسْتَخَفَّ قَوْمَهُ فَأَطَاعُوهُ إِنَّهُمْ كَانُوا قَوْمًا فَاسِقِينَ. فَلَمَّا آَسَفُونَا انْتَقَمْنَا مِنْهُمْ فَأَغْرَقْنَاهُمْ أَجْمَعِينَ" (الزخرف: 51-55)

Taana loogama jeedo; qof toosan ma dhex joogi karo ummad baadiyowdey, waayo rususha la diray baaba dhex joogi jirtey, xaq bayna la dhex joogeen, ee waxaa loo jeedaa waa mar ka mid ah mararka la oran karo: ummaddaa kufri bay isku raacday.

Copyright © 2013. All Rights Reserved. www.towxiidka.com