Hoyga Barashada Tawxiidka

www.towxiidka.com

  
  
  
Get Adobe Flash player

Dadka booqanaya webka

We have 62 guests and one member online

Tawxiidka layska rabo inuusan ahayn in afka laga yiraahdo  (لا إله إلاّ الله), oo keliya, waxaad ku garan kartaa arimo badan oo ay ka mid yihiin kuwaan:

kan hore:

Ereyga ilaah (إلـه) : waxaa la yiraahdaa kan la caabudo oo loo hogaansan yahay oo khayr iyo sharba loo maleeyo inuu kuu awoodo.

Markii dadka la faray inay yiraahdaan (لا إله إلاّ الله),waxaa laga doonayey, inay inkiraan inta wax ay caabudi jireen, ka dibna Allaah keligi caabudaan, una hogaansamaan amaradiisa. Keligina ka fishaan khayr iyo shar.  Waxaana taa  u daliil ah:

-"وَمَا أُمِرُوا إِلا لِيَعْبُدُوا اللهَ مُخْلِصِينَ لَهُ الدِّينَ حُنَفَاءَ وَيُقِيمُوا الصَّلاةَ وَيُؤْتُوا الزَّكَاةَ وَذَلِكَ دِينُ الْقَيِّمَةِ" [البينة: 5].

-"إِنَّا أَنْزَلْنَا إِلَيْكَ الْكِتَابَ بِالْحَقِّ فَاعْبُدِ اللهَ مُخْلِصًا لَهُ الدِّينَ. أَلا للهِ الدِّينُ الْخَالِصُ" [الزمر: 2-3].

Haddaba qofkii keliyeyntii loo diray yeeli waaya, oo shirki weyn gala, afkaan ashahaado ka qiray waxba u tari mayso, ee tawxiidkii iyo ikhlaaskii baa weli laga sugayaa, jeeruu aqbalana ku tirsanaan mayo kuwa ajiibey rususha.

kan labaad:

 Allaah wuxuu inoo sheegay inuu u diray ummad walba nabi ugu yeeraya (لا إله إلاّ الله):

-" وَمَا أَرْسَلْنَا مِنْ قَبْلِكَ مِنْ رَسُولٍ إِلا نُوحِي إِلَيْهِ أَنَّهُ لا إِلَهَ إِلا أَنَا فَاعْبُدُونِ" (الأنبياء: 25).

wuxuu kaloo inoo sheegay in ay mushrikiintu garan jireen in laga doonayo inay ka tagaan waxay caabudi jireen, waxayna ugu jawaabi jireen jawaabahaan:

-"أَجَعَلَ الآَلِهَةَ إِلَهًا وَاحِدًا إِنَّ هَذَا لَشَيْءٌ عُجَابٌ" (ص:5)

-" إِنَّهُمْ كَانُوا إِذَا قِيلَ لَهُمْ لا إِلَهَ إِلا اللهُ يَسْتَكْبِرُونَ. وَيَقُولُونَ أَئِنَّا لَتَارِكُوا آَلِهَتِنَا لِشَاعِرٍ مَجْنُونٍ" (الصافات: 35- 36)

-" قَالُوا يَا هُودُ مَا جِئْتَنَا بِبَيِّنَةٍ وَمَا نَحْنُ بِتَارِكِي آَلِهَتِنَا عَنْ قَوْلِكَ"  (هود: 53).

-" قَالُوا أَجِئْتَنَا لِنَعْبُدَ اللهَ وَحْدَهُ وَنَذَرَ مَا كَانَ يَعْبُدُ آَبَاؤُنَا" (الأعراف:70)

Haddaba mushrikiintii Rabbi jaahilnimada ku sheegay, hadday garanayeen dhihidda (لا إله إلاّ الله), inay la socoto ka tegidda wixii la caabudi jirey, kuwa moodaya inay dhihiddu ku filan tahay, sow kama sii hooseeyaan - xagga garashada Diinta- mushrikiintii hore.

kan saddexaad:

Diin aan “islaam” ahayn “Allaah” aqbali maayo:

-" وَمَنْ يَبْتَغِ غَيْرَ الإِسْلامِ دِينًا فَلَنْ يُقْبَلَ مِنْهُ وَهُوَ فِي الآَخِرَةِ مِنَ الْخَاسِرِينَ" (آل عمران: 85).

Shuruud baana lagu soo galaa ay ugu horeyso:

(التوبة من الشرك), siduu yiri Allaah:

-" فَإِنْ تَابُوا وَأَقَامُوا الصَّلاةَ وَآَتَوُا الزَّكَاةَ فَإِخْوَانُكُمْ فِي الدِّينِ وَنُفَصِّلُ الآَيَاتِ لِقَوْمٍ يَعْلَمُونَ" (التوبة:11)

Haddaba qof aan wali laga helin shardiga koowaad cilmigee lagu walaalsaday?

kan afraad:

Sow “Cali bin abii daalib” oo ah (أمير المؤمنين) dab kuma gubin qolo isaga tiri “ilaah” baad tahay, iyagoo tukada oo ashahaata. Wuxuu ku fuliyey xaddiiskii: (من بدّل دينه فاقتلوه).

 Beddelid shirki ka weyn miyaa jirta?

kan shanaad:

Mushrikiintu waxay qiri jireen inay jiraan duul “Allaah” ka sokeeya oo wax u tari kara una dhimi kara:

-" وَيَعْبُدُونَ مِنْ دُونِ اللهِ مَا لا يَضُرُّهُمْ وَلا يَنْفَعُهُمْ وَيَقُولُونَ هَؤُلاءِ شُفَعَاؤُنَا عِنْدَ اللهِ" (يونس: 18).

-" مَا نَعْبُدُهُمْ إِلا لِيُقَرِّبُونَا إِلَى اللهِ زُلْفَى" (الزمر: 3).

Markaa baa la farey inay ka tagaan beenta ay qirayaan oo ay qiraan (لا إله إلاّ الله). Waxay ahayd qirid lagu beddelayo qirid kale, ee ma ahayn laba wax oo hal mar la wada qiri karo.

-"أَئِنَّكُمْ لَتَشْهَدُونَ أَنَّ مَعَ اللهِ آَلِهَةً أُخْرَى قُلْ لا أَشْهَدُ قُلْ إِنَّمَا هُوَ إِلَهٌ وَاحِدٌ وَإِنَّنِي بَرِيءٌ مِمَّا تُشْرِكُونَ" (الأنعام: 19).

Haddaba qofkii yiraahda(أشهد أن لا إله إلاّ الله), waa inuusan kadib qirin cid “Allaah” sokadi wax u tari karta. Haduu qirana waxaa buraya qiriddiisii hore (أشهد أن لا إله إلاّ الله).

kan lixaad:

Markii dadka la farayey inay yiraahdaan sida:                            -"لا إله إلاّ الله"

-"قولوا لا إله إلاّ الله تُفلحوا"

-"أُمرتُ أن أُقاتل الناس حتى يقولوا لا إله إلاّ الله"

Waxaa kaloo feer socotey inay ka tagaan waxay ewel oran jireen oo khilaafsanaa dhihidda(لا إله إلاّ الله) sida: 

-" هَؤُلاءِ شُفَعَاؤُنَا عِنْدَ اللهِ" (يونس: 18)

Abuu sufyaan oo “mushrik” ah baa la weydiiyey: “muxuu Muxammad (scw), idiinku yeeraa”? markaa buu yiri:

-"اعبدوا الله واتركوا ما يقول آباؤكم". (البخاري).

Marka qof aan ka tegin hadalka ah: “hebel baa ii shafeecaya” ama “wax ii taraya”. Lama oran karo: wuxuu yiri (لا إله إلاّ الله) waayo wax kasoo horjeeda buu kadibna yiri.

kan toddobaad:

Sharciga islaamka dadka wuxuu ugu yeeraa danbiyada ay galaan sida:

 (السارق) – (شارب الخمر) – (القاتل) – (الزاني)

xataa hadday oranayaan(لا إله إلاّ الله) .. Marka sidee bay u dhacdey dhihidda (لا إله إلاّ الله) inay ridi wayday kabaa’irtii in la isku tilmaamo, oo u riday in la isku tilmaamo (shirki) oo ah (أكبر الكبائر) haddii lagu dhaco.

Sidaa darteed qofkii shirki jideysta waa (mushrik) haba yiraahdee (لا إله إلاّ الله).

Arrintaa inay sax tahay waxaa u daliil ah: Yahuudda iyo Nasaarada oo tawxiidka qira, markay shirki ku dheceen, shirkigii baa lagu tilmaamay:

-" وَمَا أُمِرُوا إِلا لِيَعْبُدُوا إِلَهًا وَاحِدًا لا إِلَهَ إِلا هُوَ سُبْحَانَهُ عَمَّا يُشْرِكُونَ" (التوبة:31)

Xadiista sheegaysa in dhihidda (لا إله إلاّ الله), ay “fadli” leedahay waxaa fasiraya xaddiista kale ee ku xiraya  shuruudda ad-adag sida:

= ‹‹من قال لا إله إلا الله خالصاً من قلبه››.

= ‹‹أن الله حرّم على النار من قال لا إله إلاّ الله يبتغي بذلك وجه الله››.

= ‹‹من قال لا إله إلاّ الله وكفر بما يعبد من دون الله››.

= ‹‹لا يلقى الله بِهما عبدٌ غير شاك فيحجب عن الجنة››.

Hadduu Allaah caddeeyey inuu jannada ka xarrimey qofkii shirki ku dhinta .

-" إِنَّهُ مَنْ يُشْرِكْ بِاللَّهِ فَقَدْ حَرَّمَ اللَّهُ عَلَيْهِ الْجَنَّةَ وَمَأْوَاهُ النَّارُ وَمَا لِلظَّالِمِينَ مِنْ أَنْصَارٍ" (المائدة: 72).[النساء: 48].

Nabiguna (scw) caddeeyey inuu galayo jannada qofkii yiri (لا إله إلاّ الله):

haddaba kii shirki ku dhaca isagoo oranaya:(لا إله إلاّ الله), ma dhanka aayadda buu marayaa mise dhanka xaddiista ..??

Jawaabtu waxa weeye: “aayadaha iyo xaddiistu isku meel  bay wax u wadaan, oo haduu jiro qof (لا إله إلاّ الله), janno ku galay waa qof shirki ka baxay … haduuse shirki la yimaado camalkiisoo dhan baa baaba’aya, oo ay ugu horeyso  (لا إله إلاّ الله)

-" لَئِنْ أَشْرَكْتَ لَيَحْبَطَنَّ عَمَلُكَ وَلَتَكُونَنَّ مِنَ الْخَاسِرِينَ" (الزمر: 65).

Copyright © 2013. All Rights Reserved. www.towxiidka.com