Hoyga Barashada Tawxiidka

www.towxiidka.com

  
  
  
Get Adobe Flash player

Dadka booqanaya webka

We have 63 guests and one member online

1) waxaa jirta inay dadka qaarki gafaf waaweyn uga jiraan, fahmidda sida uu yahay Islaamka muuqda. Dadkaa waxaa ugu daran saddex qolo:

Tan hore:

Waa qolada mooddey mar hadduu qofku muujinayo Islaamka muuqda, waxba ka dhimi mayo kufriga muuqda. Oo hadduu labadaba muujiyo, inuu muslim yahay baa la xukumayaa!!. Kufriga ay samaynayaan kufri waa yahay, laakiin islaamkaa la korraysiinayaa!!.

Waxaa gafkooda fahmi kara, qofkii u fiirsada arrimaha soo socda:

1- Hadday arrintu sidaa xaq ku tahay, dadka kufriyey iyagoo kufrigooda isaga jira baa la oran: “wixiinna idinkoo haysta islaamkana ku darsada, oo ku wada dhaqma!!”.

Haddiiba lagu wada dhaqmi karo, taa baa ka fududayd in muddo dheer inta lays laayo, ka dibna la yiraahdo: “islaamka iyo kufriga qofku waa ku wada jiri karaa”. Xikmad xumidaa Rabbi waa ka nazahan yahay. 

Waxaa la ogyahay in soo gelidda Islaamkaba shardi looga dhigay, ka bixidda kufriga. Oo uu Allaah yiri:

-" فَإِنْ تَابُوا وَأَقَامُوا الصَّلاةَ وَآَتَوُا الزَّكَاةَ فَإِخْوَانُكُمْ فِي الدِّينِ" (التوبة:11)

 Meel uu ku yiri: “waa laysku wadan karaa” , qof sheegi kara ma jiro, beenlow mooyaane.

2- Wuxuu qur’aanku inoo sheegay, dadkii lunsanaa, markay rusushu ugu yeeraan Islaamka, inay u fahmi jireen, diin iyo dhaqan laga guurayo, diin iyo dhaqan khilaafsanna loo guurayo. Markaa bay ahaan jirtey xujadoodu: “diintayada ka bixi mayno, aabbeyaal jidkii aan ka soo gaarneyna ka leexan mayno”.

-" ِنَّهُمْ كَانُوا إِذَا قِيلَ لَهُمْ لا إِلَهَ إِلا اللهُ يَسْتَكْبِرُونَ. وَيَقُولُونَ أَئِنَّا لَتَارِكُوا آَلِهَتِنَا لِشَاعِرٍ مَجْنُونٍ" (الصافات: 35-36)

-"وَكَذَلِكَ مَا أَرْسَلْنَا مِنْ قَبْلِكَ فِي قَرْيَةٍ مِنْ نَذِيرٍ إِلاّ قَالَ مُتْرَفُوهَا إِنَّا وَجَدْنَا آَبَاءَنَا عَلَى أُمَّةٍ وَإِنَّا عَلَى آَثَارِهِمْ مُقْتَدُونَ" (الزخرف:23)

3- Waxay shareecadu idintay oo keliya, in adduunka la badbaadiyo midka islaamka muujiyey, kufrigana uurka ku qarsanaya, oo ficillo aan lagu aqoon ahlu iimaanka, mar mar ka soo baxayaan.

Kaana looma turin, ee waa la dulleeyey, munaafiq baa loo bixiyey, ka digtoonaada baa la yiri, calaamadaha lagu yaqaan baa lays baray, sida beenta, ballan xumida, amaana xumida, kala hadalka, gaala jacaylka, salaad xumida, jihaad nacaybka, iyo wax kaloo badan.

Yaa keeni kara, kufri aan la qarsanayn, Islaamkana aan ka saarayn qofka.

 

Diintu waa kamilantoo cilmigu,              kala bax weeyaane

Wadaadow kitaabbada intaad,                meel isugu keentid

Kufri muuqanaayiyo islaam,                    kulansan raaraadi

Mana keeni doontide cadaab,                   kulul ha jaaseysan

Tan labaad:

Waa qolo ka sii dartay, oo mooddey mar haddii la qirayo ashahaadada, kufrigii la sameeyaba inaan kufri lagu tilmaami karin, ee danbi keliya lagu sheegi karo.

Shiikh baa meel dad badan joogo igula dooday: “gaalnimo waxay daba go’day markay ashahaado timid, umad ashahaado qiraysana shirki kuma jiri karto”. Inkastoo uu dabadeed gartay, inuusan ku saxsanayn hadalkaa. 

Qoladaa gafkooda waxaad ku garan kartaa:

1- Yahuuddu Nabiga (scw), iyagoo ashahaata bay Madiina la degi jireen loomana qirin islaam kore, waayo waxaa la ogaa inay diiddan yihiin, qayb asallada iimaanka ka mid ah, sida rumaynta Nabiga, iyo raacidda shareecadiisa. Sidaa baa loo yiri waa kufaar:

-" إِنَّ الَّذِينَ كَفَرُوا مِنْ أَهْلِ الْكِتَابِ وَالْمُشْرِكِينَ فِي نَارِ جَهَنَّمَ خَالِدِينَ فِيهَا أُولَئِكَ هُمْ شَرُّ الْبَرِيَّةِ" (البينة:6)

2- Saxaabadii waxay isku raaceen, reer “banii Xaniifa”, oo shahaadateynka qiraya, inay kufaar yihiin, waayo waxay ogaayeen, inay “Musaylama” ka rumeeyeen, inuu nabi yahay, sidaana uu uga maqan yahay, asal ka mid ah asallada iimaanka, ee aan kala harin. Qof la ogaadey inuu iimaankiisu baaba’ayna islaam kore, wax uma taro, loomana qabto.  

Tan saddexaad:

Waa qolo warmoog ka ah, inay kufaartu laba nooc yihiin:

a) Nooc waa kuwo ashahaadada aan afkooda soo marin karin, waxayna moodayaan inay diintooda uga baxayaan, ilaahyadooduna ugu caroonayaan.

Arrintaa maa daama ay jirtey, buu sharcigu na faray, in koodii qira ashahaadada in aan la dilin, goob dagaalba ha ku yiraahdee. Xaddista sheegeysa kaafirkii ashahaata, ha la daayo, qoladaa bay ku gooni tahay, diintooda ka bixi jirtey markay ashahaataan.

b) Nooca kale waa kuwa iyagoo kufaar ah, oo uu baaba’ay iimaankoodu, ku qirayey shahaadada, ama shahaadateynka, kufri dhexdi. Kuwaa koodii qira ashahaadada, laguma badbaadin jirin, jeeruu qiro inuu ka baxay wixii kaafir ka dhigay.

Waana mas’alo ay culamadii hore soo caddeeyeen, waxay u cuskadeenna sheegeen. Laakiin waxaa iska indha tira kuwo badan oo haadda jooga, cilmina lagu tirinayo.

Wuxuu ku yiri (الإمامالشافعيّ), kitaabkiisa weyn ee la yiraahdo (الأُمّ) hadalkaan: 

والإقرار بالإيمان وجهان: "فمن كان من أهل الأوثان ومن لا دين له يدّعى أنّه دين النُّبوة ولا كتاب، فإذا شهد أن لا إله إلاّ الله وأنّ محمداً عبده ورسوله فقد أقرّ بالإيمان ومتى رجع عنه قُتل.

قال: ومن كان على دين اليهودية والنصرانية فهؤلاء يدّعون دين موسى وعيسى صلوات الله وسلامه عليهما وقد بدّلوا منه، وقد أُخذ عليهم فيهما الإيمان بمحمّد رسول الله صلى الله عليه وسلم فكفروا بترك الإيمان به واتّباع دينه مع ما كفروا به من الكذب على الله قبله. 

فقد قيل لي: إنّ فيهم من هو مُقيمٌ على دينه يشهد أن لا إله إلاّ الله وأنّ محمّداً عبده ورسوله، ويقول: "لم يبعث إلينا".  فإن كان فيهم أحدٌ هكذا فقال أحدٌ منهم: "أشهد أن لا إله إلاّ الله وأنّ محمّداً عبده ورسوله" لم يكن هذا مستكمل الإقرار بالإيمان حتى يقول: "وأنّ دين محمّدٍ حقٌّ أو فرضٌ وأبرأ مما خالف دين محمّدٍ صلى الله عليه وسلم أو دين الإسلام"  

Hadalkaa Imaamku yiri, buu hadallo badan uga maarmi karaa qofkii caqli leh. Isagoo kooban waa sidaan: 

- Qiridda qof qiro Iimaanka, waa laba waji.

- Hadduu qofku yahay, mid ka mid ah kuwa sanamyada caabuda, oo aan sheeganayn nabi diinti iyo kitaab, hadduu shahaadateynka qiro, iimaankii buu qiray, hadduu inta qiro ka noqdana waa la dilayaa.

- Hadduuse yahay qof haysta, diinta Yahuudda iyo Nasaarada- kuwaa waxay sheeganayaan diintii Muusa iyo Ciisa (عليه السلام), waana beddeleen, waxaana lagula ballamay rumaynta nabi Muxammad (scw) waxayna kufaar ku noqdeen, iska deynta rumayntiisa, iyo raacid li’ida shareecadiisa, iyagoo horayna Allaah ugu been abuurtay-

- Waxaa la ii sheegay inay qaarkood qirayaan shahaadateynka, waxayse leeyihiin: “waa nabi annagase nalooma soo dirin”. Qofkaa oo kale hadduu qiro shahaadateynka iimaan ma qirin, jeeruu yiraahdo:

“Diinta Muxammadna waa xaq, ama waa waajib, waana ka go’ayaa wax walboo Diintiisa khilaafsan ”

Hadalkaa Imaamku yiri baa run ah, isagaana waafaqsan waxa ay dhigayaan kitaabka iyo sunnadu, ashahaadana wax u tari mayso, hadduu diiddan yahay inuu u hoggaansamo Allaah keliya, kuna dhaqmo shareecadiisa keligeed.

Imaamka iyo culamada kaleba, waxay daliishadeen amarkii lays amray in lala dagaallamo kuwii kitaabbada lahaa, iyagoo Rabbi ku ogyahay, inay ashahaataan, waana aayadda loo yaqaan aayadda seefta:

-" قَاتِلُوا الَّذِينَ لا يُؤْمِنُونَ بِاللهِ وَلا بِالْيَوْمِ الآَخِرِ وَلا يُحَرِّمُونَ مَا حَرَّمَ اللهُ وَرَسُولُهُ وَلا يَدِينُونَ دِينَ الْحَقِّ مِنَ الَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ حَتَّى يُعْطُوا الْجِزْيَةَ عَنْ يَدٍ وَهُمْ صَاغِرُونَ" (التوبة:29)

2) mar hadduu Rabbi yiri:-"         فَإِنْ تَابُوا وَأَقَامُوا الصَّلَاةَ وَآَتَوُا الزَّكَاةَ فَإِخْوَانُكُمْ فِي الدِّينِ"

- Oo uu diidey in Diin lagula walaaloobo, mid aan tawbad keenin.

- Tawbad keenidduna noqotay shirki ka bixid.

- Shirki ka bixidduna noqotay:

a) Inaan Allaah mooyee cid kale wax jideyn iyo sharci laga qaadan, laguna addeecin, loona xukun tegin.

b) Inaan Allaah mooyee cid kale loola jahaysan isu dullayn, baryo, cabsi, rajo, wax u birayn, sujuud, dawaaf, iyo cibaadooyinka la midka ah.

- Waxaa waajib ah: inaan Diin lagu walaalsan, qof ku jira labadaa nooc oo shirkiga ah, ama aan ku jirin, laakiin kuwa ku jira xigsadey, oo Diin ku walaalsaday.

-" يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آَمَنُوا لا تَتَّخِذُوا آَبَاءَكُمْ وَإِخْوَانَكُمْ أَوْلِيَاءَ إِنِ اسْتَحَبُّوا الْكُفْرَ عَلَى الإِيمَانِ وَمَنْ يَتَوَلَّهُمْ مِنْكُمْ فَأُولَئِكَ هُمُ الظَّالِمُونَ" (التوبة:23)

-" يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آَمَنُوا لا تَتَّخِذُوا الْيَهُودَ وَالنَّصَارَى أَوْلِيَاءَ بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاءُ بَعْضٍ وَمَنْ يَتَوَلَّهُمْ مِنْكُمْ فَإِنَّهُ مِنْهُمْ " (المائدة:51)

- Qofkii waajibkaa fulin waaya, oo Diin ku walaalsada mid shirki ka bixi waayey, kaa isagaa mushrik iska dhigaye cidi kama dhigin. Meeshii ka mar la yiri, hadduu ka mari lahaa, maxaa gaari lahaa.

 

Gaaladuu Rabbi sheegoo

Gafafkooda caddeeyey

Ninkii gooni ka joogoo

Xumidooda ku gooya

Gargaar uu helo mooyee

Maxaa gaari lahaa?

 

Copyright © 2013. All Rights Reserved. www.towxiidka.com