Hoyga Barashada Tawxiidka

www.towxiidka.com

  
  
  
Get Adobe Flash player

Dadka booqanaya webka

We have 21 guests and one member online

tawxiidku inuusan erey keliya ahayn, ee yahay erey iyo macne, ku garo arrimaha soo socda:

kow:erey sidiisaba waxaa loo yiraahdaa macne loo qasdayo darti, mana jiro erey ama hadal aan macne looga qasdayo wadan.

Hadal walboo la yiraahdo, haddii macne looga jeedo, ereyga tawxiidku waa hadal la yiraahdo kii ugu fadliga badnaa. Sida lagu sheegay xaddiis:

"أفضلُ ما قلتُ أنا والنبيون من قبلي: لا إله إلا الله وحده لا شريك له" (أبو داؤد)

Haddaba hadal la yiraahdo kii ugu fadliga badnaa, sidee loogu malayn karaa, inuu ku dhawaaqid keliya yahay, oo uusan lahayn macne looga qasdayo dhawaaqa.

Labo: ereyga (لا إله إلا الله), qur’aankaaba sheegay ujeedka laga leeyahay:

-"قُلْ يَا أَهْلَ الْكِتَابِ تَعَالَوْا إِلَى كَلِمَةٍ سَوَاءٍ بَيْنَنَا وَبَيْنَكُمْ أَلاّ نَعْبُدَ إِلاّ اللهَ وَلا نُشْرِكَ بِهِ شَيْئًا وَلا يَتَّخِذَ بَعْضُنَا بَعْضًا أَرْبَابًا مِنْ دُونِ اللهِ فَإِنْ تَوَلَّوْا فَقُولُوا اشْهَدُوا بِأَنَّا مُسْلِمُونَ" (آل عمران:64)

-"اتَّخَذُوا أَحْبَارَهُمْ وَرُهْبَانَهُمْ أَرْبَابًا مِنْ دُونِ اللهِ وَالْمَسِيحَ ابْنَ مَرْيَمَ وَمَا أُمِرُوا إِلا لِيَعْبُدُوا إِلَهًا وَاحِدًا لا إِلَهَ إِلاّ هُوَ سُبْحَانَهُ عَمَّا يُشْرِكُونَ" (التوبة:31)

-"وَمَا أَرْسَلْنَا مِنْ قَبْلِكَ مِنْ رَسُولٍ إِلاّ نُوحِي إِلَيْهِ أَنَّهُ لا إِلَهَ إِلاّ أَنَا فَاعْبُدُونِ" (الأنبياء:25)

Waa shirki ka bixid, iyo cibaadada oo Allaah loo keli yeelo.

Saddex: ereyga iyo macnaha waxaa muhimsan macnaha, taana waxaad ku garan kartaa dhawr wax:

1-               Ereyga (لا إله إلا الله) luuqad walbuu ku ansaxayaa, oo nabiyadaaba kala luuqado ahaa, kulligoodna waxaa lala soo diray (لا إله إلا الله):

-" وَمَا أَرْسَلْنَا مِنْ رَسُولٍ إِلاّ بِلِسَانِ قَوْمِهِ لِيُبَيِّنَ لَهُمْ" (إبراهيم:4)

-" وَمَا أَرْسَلْنَا مِنْ قَبْلِكَ مِنْ رَسُولٍ إِلاّ نُوحِي إِلَيْهِ أَنَّهُ لا إِلَهَ إِلاّ أَنَا فَاعْبُدُونِ" (الأنبياء:25)

Laakiin macnaha (لا إله إلا الله), ummad walbaa laga rabaa. Tii macnaheeda diidda, oo shirki ka bixi weyda Diintu u ansixi mayso.

2-               Ereyga (لا إله إلا الله), ereyo la mid ah baa jira, oo uu qofku ku heli karo, wixii uu ku heli lahaa ku dhawaaqidda ereyga (لا إله إلا الله), sida: (آمنتُ بالله وحده), (أسلمتُ لله)

Laakiin macnaha (لا إله إلا الله), is beddeli mayo, waa shirki ka bixid keliya.

3-               Macnaha (لا إله إلا الله), haddii la aqbalo ku dhawaaqa ereyguna waa soo raacaa, oo qof macnihii yeelay, dhawaaqiina diiddan la arki mayo. Waxaase badan dad ku dhawaaqidda (لا إله إلا الله), yeelaya macnaheediina diidaya, sida ahlu- kitaabkii iyo kuwa jidkoodii raacay, kuna nasab sheegta Islaamka.

Copyright © 2013. All Rights Reserved. www.towxiidka.com