Hoyga Barashada Tawxiidka

www.towxiidka.com

  
  
  
Get Adobe Flash player

Dadka booqanaya webka

We have 21 guests and one member online

1) Ma jiri karo qof inta lagu qiray inuu shirki weyn ku jiro, misana la qirayo inuu tawxiid u jiro, kana mid yahay ehelka tawxiidka. Qof walboo taa qariibsanayana, waa qof ay wax uga dhimman yihiin, garashada “tawxiid” iyo “shirki”.

Arrintu inay sidaa tahay caqliga iyo addillada la maqlayba, waa lagu garan karaa:

Caqliga: waxaan caqli gal ahayn, in la yiraahdo: “sheygaa hebel keliyaa leh, keligina ma leh ee waa lala wadaagaa”. Waa hadal aan qof fiyow laga filayn.

Caqligu wuxuu garanayaa: wixii qof keliya leeyahay, dad kale lama wadaago. Wixii la wadaagana qof keligi iskuma gaar yeeli karo.

Addillada: intaa oo si bay addilladu u caddaysay, inayan kulmi karin “tawxiid” iyo “shirki”:

1- Si toos ah baa loo yiri Rabbi caabuda kana daaya wadaajinta:

-" وَاعْبُدُوا اللهَ وَلا تُشْرِكُوا بِهِ شَيْئًا" (النساء:36)

2- Si toos ah baa loo yiri Rabbi cid aan ahayn ha caabudina:

-" وَإِذْ أَخَذْنَا مِيثَاقَ بَنِي إِسْرَائِيلَ لا تَعْبُدُونَ إِلا اللَّهَ"  (البقرة:83)

-" وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا نُوحًا إِلَى قَوْمِهِ إِنِّي لَكُمْ نَذِيرٌ مُبِينٌ. أَنْ لا تَعْبُدُوا إِلا اللهَ إِنِّي أَخَافُ عَلَيْكُمْ عَذَابَ يَوْمٍ أَلِيمٍ" (هود: 25-26)

-" أَمَرَ أَلا تَعْبُدُوا إِلاّ إِيَّاهُ" (يوسف:40)  -" وَقَضَى رَبُّكَ أَلاّ تَعْبُدُوا إِلاّ إِيَّاهُ" (الإسراء:23)

3- Si toos ah baa loo yiri mid la caabudoo kale ma jiro:

-" فَقَالَ يَا قَوْمِ اعْبُدُوا اللهَ مَا لَكُمْ مِنْ إِلَهٍ غَيْرُهُ إِنِّي أَخَافُ عَلَيْكُمْ عَذَابَ يَوْمٍ عَظِيمٍ (59)

4- Si toos ah baa loo yiri: “Rabbi keligi”:

-"قَدْ كَانَتْ لَكُمْ أُسْوَةٌ حَسَنَةٌ فِي إِبْرَاهِيمَ وَالَّذِينَ مَعَهُ إِذْ قَالُوا لِقَوْمِهِمْ إِنَّا بُرَآَءُ مِنْكُمْ وَمِمَّا تَعْبُدُونَ مِنْ دُونِ اللَّهِ كَفَرْنَا بِكُمْ وَبَدَا بَيْنَنَا وَبَيْنَكُمُ الْعَدَاوَةُ وَالْبَغْضَاءُ أَبَدًا حَتَّى تُؤْمِنُوا بِاللَّهِ وَحْدَهُ" (الممتحنة:4)

-" وَإِذَا ذَكَرْتَ رَبَّكَ فِي الْقُرْآَنِ وَحْدَهُ وَلَّوْا عَلَى أَدْبَارِهِمْ نُفُورًا" (الإسراء:46)

-" وَإِذَا ذُكِرَ اللهُ وَحْدَهُ اشْمَأَزَّتْ قُلُوبُ الَّذِينَ لا يُؤْمِنُونَ بِالآَخِرَةِ" (الزمر:45)

-" ذَلِكُمْ بِأَنَّهُ إِذَا دُعِيَ اللَّهُ وَحْدَهُ كَفَرْتُمْ وَإِنْ يُشْرَكْ بِهِ تُؤْمِنُوا فَالْحُكْمُ لِلَّهِ الْعَلِيِّ الْكَبِيرِ" (غافر:12)

5- Si toos ah baa loo yiri: Rabbi cid kale ha ka xigsannina:

-" وَلا تَتَّبِعُوا مِنْ دُونِهِ أَوْلِيَاءَ" (الأعراف:3)

-" أَمِ اتَّخَذُوا مِنْ دُونِهِ أَوْلِيَاءَ فَاللَّهُ هُوَ الْوَلِيُّ وَهُوَ يُحْيِي الْمَوْتَى وَهُوَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ" (الشورى:9)­

6- Si toos ah baa loo yiri: Rabbi cibaadada u barax tira:

-" وَادْعُوهُ مُخْلِصِينَ لَهُ الدِّينَ" (الأعراف:29)

-" فَادْعُوا اللَّهَ مُخْلِصِينَ لَهُ الدِّينَ وَلَوْ كَرِهَ الْكَافِرُونَ" (غافر:14)

-" هُوَ الْحَيُّ لا إِلَهَ إِلاّ هُوَ فَادْعُوهُ مُخْلِصِينَ لَهُ الدِّينَ الْحَمْدُ لِلَّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ" (غافر:65)

-" وَمَا أُمِرُوا إِلاّ لِيَعْبُدُوا اللَّهَ مُخْلِصِينَ لَهُ الدِّينَ حُنَفَاءَ وَيُقِيمُوا الصَّلاةَ وَيُؤْتُوا الزَّكَاةَ وَذَلِكَ دِينُ الْقَيِّمَةِ" (البينة:5)

7- Si toos ah baa loo yiri: Rabbi kuwo lala simo haw yeelina:

-" فَلَا تَجْعَلُوا لِلَّهِ أَنْدَادًا وَأَنْتُمْ تَعْلَمُونَ" (البقرة:22)

8- Si toos ah baa loo yiri: Rabbi kuwa la wadaajiyey ha ka mid ahaannina:

-" حُنَفَاءَ لِلَّهِ غَيْرَ مُشْرِكِينَ بِهِ وَمَنْ يُشْرِكْ بِاللَّهِ فَكَأَنَّمَا خَرَّ مِنَ السَّمَاءِ فَتَخْطَفُهُ الطَّيْرُ أَوْ تَهْوِي بِهِ الرِّيحُ فِي مَكَانٍ سَحِيقٍ" (الحج:31)

-" وَلَا تَكُونُوا مِنَ الْمُشْرِكِينَ. مِنَ الَّذِينَ فَرَّقُوا دِينَهُمْ وَكَانُوا شِيَعًا كُلُّ حِزْبٍ بِمَا لَدَيْهِمْ فَرِحُونَ" (الروم: 31-32)

Qofka intaa oo si wax loogu sheegay, oo wax ku qaadan waayey, muxuu wax ku qaadan doonaa.

 

2) marka la oran karo qof bay ku kulmeen “shirki” iyo “tawxiid” waa:

- mid shirkiga qarsanaya Islaamkana muujinaya (منافق).

- mid falaya shirkigii yaraa, ee aan Diinta looga baxayn.

Copyright © 2013. All Rights Reserved. www.towxiidka.com