Hoyga Barashada Tawxiidka

www.towxiidka.com

  
  
  
Get Adobe Flash player

Dadka booqanaya webka

We have 42 guests and one member online

(casharka 5aad)

“Xaqiiqada kufriga”

(1) Kufri maxaa looga jeedaa ?

1) ereyga kufri (الكفر), waa erey carabi ah, macnihiisu luuqad ahaan waa: daboolid iyo qarin. Wuxuu ka yimid ficilka (كفر- يكفرُ- كُفرًا), oo ah:

(waa u daboolay- waa u daboolayaa- daboolid)

Wuxuu yiri shaacirkii “لبيد:

(في ليلة كفرَ النجومَ ظلامُها)

Oo ah: (habeyn uu mugdigiisu daboolay xiddigihii)

Sidaa darteed kaafir(كافر) waa: daboole ama qariye.

Markay bataanna waa: kufaar ama kaafiriin

(كُفار- كافرين).

Wuxuu yiri mufasirka(القرطبي):

(أعجب الكفار) يعني الزُّراع لأنهم يُغطون الحب.

Oo ah: “kufaartu waa beeraleyda, waayo waxay daboolaan iniinaha.”

Waxay yiraahdaan carabtu: (رجل مكفرٌ بالسلاح)

Oo ah: (nin hub ku daboolan)

2) dadka qaarki waxaa loo yiri kufaar, oo ah: “dabooleyaal” ama “qariyeyaal”, waa sida xun ee ay ku qaabileen, nicmadii Rabbigood u galay.

Dadka Allaah baa abuuray oo qaabeeyey, qaabkoodana qurxiyey, caqli iyo xubno ay danahooda ku gaaraanna siiyey, roobab iyo xoolo iyo cunno iyo labbis aan ka go’aynna u diyaariyey, saqfi kore, gogol hoose, iyo hawo iyo naacow wanaagsanba siiyey.

Iyagoo sidaa loo wanaajey, baa misana loo soo diray rusul u digeysa, kitaabkay ku hanuuni lahaayeenna u sidda, wax bannaan iyo waxaan bannaanayn baa la kala tusay, si ayan aakhiro ugu hoogin. 

Dadka qaarki – ama inta badan- waxay u dhaqmeen sidii inaan wax nicma ahba la siin. Rabbigii ay awooddiisa ku yimaadeen, kuna joogeen waa illaaween, kuwo addoomo ah bay awood weyn u aqoonsadeen.

Qaar waa baryeen oo weydiisteen roob,risqi, nabad, awlaad, iyo caafimaad. Qaarna waxay ka dhigteen taliyeyaal aan amarradooda la jebin karin.

Kuwa sidaa u dhaqma waxay la mid yihiin, dad nicmadii loo galay dabool saaray, oo inkiray in wax loo taray. Iyagoo aan afka ka oran bay waxay ficil ku leeyihiin: “Rabbiyow waxba nooma aadan tarin, duulal kalaana u xaq leh, inaan ka baqno, rajayno, barino, addeecno iyo wm.”

Maadaama dhaqankoodu ku salaysan yahay, abaal ka dhac, iyo nicma daboolid iyo gargaar qarin, baa loo bixiyey: dabooleyaal iyo qariyeyaal iyo abaal ma garteyaal: (كافرين - ظالمين).

Copyright © 2013. All Rights Reserved. www.towxiidka.com