Hoyga Barashada Tawxiidka

www.towxiidka.com

  
  
  
Get Adobe Flash player

Dadka booqanaya webka

We have 19 guests and one member online

Kufriga waxaa loo qaybiyaa laba qaybood:

 Mid qofka Diinta ka bixiya, iyo mid aan ka bixin.

1) Kan Diinta ka bixiya:

waa noocyo kala duwan, waxayse ka siman yihiin, inay wada yihiin, nicma daboolid iyo abaal dhicid, iyo madax taagid aan ku habboonayn, in Allaah lagu qaabbilo. Waana sidaan soo socota:

1- Kufriga jahliga (كفرُ الجهل):

Waa dadkoo ku dhaca kufriga iyagoo isla toosan, waayo waxay ka dhaxleen aabbayaashood, mana filayaan aabbayaal baa lunsanaa.

-" إِنَّهُمْ أَلْفَوْا آَبَاءَهُمْ ضَالِّينَ. فَهُمْ عَلَى آَثَارِهِمْ يُهْرَعُونَ" (الصافات: 69-70)

-" إِذْ قَالَ لأَبِيهِ وَقَوْمِهِ مَا هَذِهِ التَّمَاثِيلُ الَّتِي أَنْتُمْ لَهَا عَاكِفُونَ. قَالُوا وَجَدْنَا آَبَاءَنَا لَهَا عَابِدِينَ. قَالَ لَقَدْ كُنْتُمْ أَنْتُمْ وَآَبَاؤُكُمْ فِي ضَلَالٍ مُبِينٍ" (الأنبياء: 52-54)

-" وَإِذَا فَعَلُوا فَاحِشَةً قَالُوا وَجَدْنَا عَلَيْهَا آَبَاءَنَا وَاللَّهُ أَمَرَنَا بِهَا" (الأعراف:28)

2- Kufriga shakiga:

Waa qofkoo xaqu soo gaaro, laakiin dicaayadda iyo beenta laga abuurayo baa raadeynaysa, markaa buu xaqii iyo baaddilkii mid uu rumeeyo una hiilliyo garan waayayaa:

-" وَإِذَا قِيلَ إِنَّ وَعْدَ اللَّهِ حَقٌّ وَالسَّاعَةُ لَا رَيْبَ فِيهَا قُلْتُمْ مَا نَدْرِي مَا السَّاعَةُ إِنْ نَظُنُّ إِلَّا ظَنًّا وَمَا نَحْنُ بِمُسْتَيْقِنِينَ" (الجاثية:32)

Shakigaa bay Jahannama ku galeen.

3- Kufriga beeninta (كفرُ التكذيب):

Waa qofka oo xaqu markuu soo gaaro beeniya, waxaana isku mid ah, kan hal aayad beeniya, iyo kan kitaab dhamaystiran beeniya, waayo beeninta xaqa baa sideeda kufri weyn u ah:

-" فَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّنْ كَذَّبَ بِآَيَاتِ اللَّهِ" (الأنعام:157)

-" وَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّنِ افْتَرَى عَلَى اللَّهِ كَذِبًا أَوْ كَذَّبَ بِالْحَقِّ لَمَّا جَاءَهُ أَلَيْسَ فِي جَهَنَّمَ مَثْوًى لِلْكَافِرِينَ" (العنكبوت: 68)

4- Kufriga ka jeensiga: (كفر الإعراض)

Waa qofkoo xaqii soo gaarey iska dhega tira, rumayn iyo u hiillinba laga waayo, hadduu rabo “waa xaq ha yiraahdo”. Mar haddii xaqa la caddeeyo, dadkana wada gaaro, qof walboo sidiisii hore sii ahaada, aan ajiibid qawl iyo ficil ah la imaan, kuwa jeensadey buu ku jiraa, lana sugi mayo inuu afka kufriga uga hadlo, ee ka jeensiga xaqa iyo u jeensiga baaddilka, baa ah kufri lid ku ah Iimaanka. 

-" وَالَّذِينَ كَفَرُوا عَمَّا أُنْذِرُوا مُعْرِضُونَ" (الأحقاف:3)  

5- Kufriga diidmada iyo islaweynida: (كفر الإباء والاستكبار)

Waa qofkoo xaqii soo gaarey isagoo og inuu xaq yahay, diidaya inuu u hoggaansamo, isla weyni darteed, ama dad ceebayntood uu ka baqayo darteed. Waxaana isku mid ah, kan hal aayad diidaya, iyo kan kitaabkoo dhan diidaya.

Ibliis amarka uu diidey, waa u garanayey, shakina ugama jirin, inuu yahay amar Allaah ka soo fuley, wuxuu ku gaaloobey waa diidmada xaqa, iyadaana islaweyni ah.

-"وَإِذْ قُلْنَا لِلْمَلَائِكَةِ اسْجُدُوا لآَدَمَ فَسَجَدُوا إِلا إِبْلِيسَ أَبَى وَاسْتَكْبَرَ وَكَانَ مِنَ الْكَافِرِينَ" (البقرة:34)    

وفي الحديث: "الكبرُ بطرُ الحقِّ وغمطُ النَّاس" (مسلم)

6- Kufriga nacaybka iyo cadawsiga: (كفر المعاداة)

Waa qofkoo xaqii soo gaarey nacayb iyo karahsi ku qaabila, waxaana isku mid ah, kan hal aayad neceb, iyo kan kitaabkoo dhan neceb.

-"ذَلِكَ بِأَنَّهُمْ كَرِهُوا مَا أَنْزَلَ اللهُ فَأَحْبَطَ أَعْمَالَهُمْ" (محمد: 9)

-" وَإِذَا تُتْلَى عَلَيْهِمْ آَيَاتُنَا بَيِّنَاتٍ تَعْرِفُ فِي وُجُوهِ الَّذِينَ كَفَرُوا الْمُنْكَرَ يَكَادُونَ يَسْطُونَ بِالَّذِينَ يَتْلُونَ عَلَيْهِمْ آَيَاتِنَا" (الحج: 72)

7- Kufriga adduunyo doorashada: (كفرُ استحباب الدنيا على الآخرة)

Waa qofkoo xaqii soo gaarey, raaciddiisii uga hara baqdin darteed uu  ka baqayo magac xumi ka soo gaarta bulshada habowday, ama adduunyo ka nusqaanta.

-" وَوَيْلٌ لِلْكَافِرِينَ مِنْ عَذَابٍ شَدِيدٍ. الَّذِينَ يَسْتَحِبُّونَ الْحَيَاةَ الدُّنْيَا عَلَى الْآَخِرَةِ" (إبراهيم:2-3)

-" ذَلِكَ بِأَنَّهُمُ اسْتَحَبُّوا الْحَيَاةَ الدُّنْيَا عَلَى الْآَخِرَةِ وَأَنَّ اللَّهَ لَا يَهْدِي الْقَوْمَ الْكَافِرِينَ" (النحل: 107)

-" وَقَالُوا إِنْ نَتَّبِعِ الْهُدَى مَعَكَ نُتَخَطَّفْ مِنْ أَرْضِنَا" (القصص:57)

8- Kufriga nifaaqa: (كُفرُ النفاق)

Waa qofkoo xaqa ka shakiya, ama garta inuu xaq yahay, laakiin diidmo iyo nacayb qarsoon go’aansada, af iyo ficilna Iimaan muujiya, isagoo ku badbaadsanaya naf ama maal.

Qofkaa Iimaan uma jirayo Rabbi agti, adduunkase waxaa lagu tirinayaa muslimiinta, hadduusan caddaan kufrigiisu.

-" إِنَّ الْمُنَافِقِينَ فِي الدَّرْكِ الْأَسْفَلِ مِنَ النَّارِ وَلَنْ تَجِدَ لَهُمْ نَصِيرًا"  (النساء:145)

2) Kan Diinta aan kaa bixinayn:

Kaasi waa danbiyada waaweyn, ee kabaa’irta la yiraahdo (الكبائر), in kufri lagu sheego, xaddiista baa laga qaatay, sida:

-" سبابُ المُسلم فُسُوقٌ، وقتالُهُ كُفرٌ" (مُتَّفق عليه)

-" لا ترجعُوا بعدي كُفارًا، يضربُ بعضُكُم رقابَ بعض" (مُتَّفق عليه)

Inuusan muslimku dunuubta Diinta uga baxayn, waxaad ku garan kartaa:

1.  Aayadda sida cad u kala saartay, ee ah:

-"إِنَّ اللَّهَ لَا يَغْفِرُ أَنْ يُشْرَكَ بِهِ وَيَغْفِرُ مَا دُونَ ذَلِكَ لِمَنْ يَشَاءُ"  (النساء:48)

2. Iyo aayadda ah:

-" وَإِنْ طَائِفَتَانِ مِنَ الْمُؤْمِنِينَ اقْتَتَلُوا فَأَصْلِحُوا بَيْنَهُمَا"  (الحجرات:9)

3. Iyo ciqaabta loo soo dejiyey qofka Diinta ka baxa, iyo tan loo soo dejiyey kuwa danbaaba, oo la kala duwey:

-" الزَّانِيَةُ وَالزَّانِي فَاجْلِدُوا كُلَّ وَاحِدٍ مِنْهُمَا مِئَةَ جَلْدَةٍ" (النُّور:2)

-" وَالَّذِينَ يَرْمُونَ الْمُحْصَنَاتِ ثُمَّ لَمْ يَأْتُوا بِأَرْبَعَةِ شُهَدَاءَ فَاجْلِدُوهُمْ ثَمَانِينَ جَلْدَةً" (النُّور:4)

-" وَالسَّارِقُ وَالسَّارِقَةُ فَاقْطَعُوا أَيْدِيَهُمَا" (المائدة: 38)

وفي الحديث: "من بدَّل دينهُ فاقتُلُوهُ" (البخاري)

·  In la yiraahdo shirkiga Diintaa looga baxaa, waa milladii rusushii Allaah.

·  In la yiraahdo danbiga Diintaa looga baxaa, waa bidcadii khawaarijta.

·  Kii millada rususha raaca in la yiraahdo “khawaarij”, waa jidka wadaaddada lumay: murji’ada casriga.

Copyright © 2013. All Rights Reserved. www.towxiidka.com