Hoyga Barashada Tawxiidka

www.towxiidka.com

  
  
  
Get Adobe Flash player

Dadka booqanaya webka

We have 11 guests and one member online

1) Ereyga “kaafir” ama “gaal”, dadka badanki ma jecla in lagu sheego, iyagoo wixii kufriga ahaa raba, oo rumaysan. Waana laba sabab dartood:

a) Waa erey taariikh fog leh. Wuxuu ahaan jirey waagii islaamku xoogga iyo sharafta lahaa, erey qofka looga saarayo Diinta sarraysa, iyo dadka xoogga iyo sharafta leh, kuna daraya qofka xisbiga Ibliis ee xaqiran oo hooseeya adduun iyo Aakhiro.

Sidaa darteed nacayb taariikh fog baa ereygaa loo hayn jirey, waana layska dhaxli jirey nacaybkiisa. Wuxuu noqday sidii cay aan loo adkaysan karin, oo qof walba diiddan yahay, yuusanba islaam kuba  jirine.

b) Qaabka Diinta looga fogaaday, waa qaabkii Ibliis umadaha ku lumin jirey, ma oran jirin: “kaalaya kufriya”, ee intuu kufriga u qurxiyo, buu oran jirey: “khayrkaan khayrkiinnii hore ku darsada”. Markaa bay “kufaar” isku rogi jireen, iyagoo khayr filanaya, khayrna ku abtirsanaya.

Tusaale waxaa noogu filan Yahuud iyo Nasaaro, mid waliba cilmigii ay haysatey, iyo Nabigii iyo kitaabkii ay sheeganeysey bay ku faraxsanayd, in baadi lagu tuurana waa dhibeysey.

-" فَلَمَّا جَاءَتْهُمْ رُسُلُهُمْ بِالْبَيِّنَاتِ فَرِحُوا بِمَا عِنْدَهُمْ مِنَ الْعِلْمِ وَحَاقَ بِهِمْ مَا كَانُوا بِهِ يَسْتَهْزِئُونَ" (غافر:83)   Umaddaanna Nabiga (scw), baa sheegay, inay u lumayso, qaabkii Yahuud iyi Nasaaro u lumeen.

" لَتَتْبَعُنَّ سَنَنَ مَنْ كَانَ قَبْلَكُمْ شِبْرًا شِبْرًا وَذِرَاعًا بِذِرَاعٍ، حَتَّى لَوْ دَخَلُوا جُحْرَ ضَبٍّ تَبِعْتُمُوهُمْ". قُلْنَا: "يَا رَسُولَ اللَّهِ الْيَهُودُ وَالنَّصَارَى؟. قَالَ:"فَمَنْ؟". (البُخاري)

Labadaa sabab dartood, dad badan ma oggola in “kaafir” iyo “gaal”, midna la yiraahdo. Kii la yiraahdana xagga sharciga kama eegayee, nin la caayey buu iska dhigayaa. isagoo “kufriga” raba, oo rumaysan, buu “cayda” iyo xaqiridda diiddan yahay.

Waxaa tusaale ah:

Rumaynta kitaabka waxaa ka mid ah, in lagu dhaqmo, oo nolosha dadka lagu hoggaansho, iimaankuna waaba niyad, iyo qawl, iyo camal. Qofkii taa diida isagoo awoodda umadda haya, wuxuu ku dhacayaa kufrigii diidmada.

Maantana diidmadaa waa arrin dhaqan gashay, oo la yaqaan. Waxaaba run ah, kii kitaabka u dooda inuu halis gelayo. Nimankaa kitaab diidyada ah, nin ka mid ah haddii la yiraahdo, qawaaniinta caalamiga baad raacday, adduunka diin li'ida ku walaaloobey baad ku dayatay, Dimuqraaddiyad baad xoojisay, waa u ku farxayaa, sharaf buuna u arkaa.

Haddiise la yiraahdo, dhawr qaab baad u kufriday: kitaab niciddu waa kufri, ka hiillinta Diintu waa kufri, gaala jacaylku waa kufri, gaal addeeciddu waa kufri, ee tawbad keen. Cadawga kowaad buu kuu arkayaa, waan tukadaa, iyo xaaji baan ahay, waa laga yaabaa inuu yiraahdo.

Haddaad tiraahdid, waxaad samaynaysid waa kufri, kaafirna salaad iyo xaj kama ansaxaan, ee aakhiradaada u baq. Waxaa la arkaa inuu kuugu jawaabo: “ha la gaaro aakhiro!!”

Qofkaa oo kale, kufriga waa u rabaa, bal in lagu amaano buu rabaa, mana deyn karo, wax la deyn karona uma arko, wuxuuse dhibsanayaa in la xaqiro, oo “gaal” la yiraahdo.

Hadday Diintu ka dhab tahay wuxuu ka caroon lahaa hadalladaan:

“qawaaniinta caalamiga baad raacday”.

“adduunka diin li'ida ku walaaloobey baad ku dayatay”. “Dimuqraaddiyad baad xoojisay”.

Oo oran lahaa: “maxaad gaalada iigu dartay?”

Dadka sidaa ah, waxaa habboon, koodii waxbarasha oggolaada, in la kala baro kufri iyo iimaan, markuu kala garto ka dib, in loo bandhigo, inuu iimaanka qaato, kufrigana ka baxo. 

 

2) in kufaarta la jecel yahay waxaa daliil u ah:

·  Markay noqotay kala doorta ku dhaqanka kitaabka Allaah iyo ku dhaqanka dastuurka gaalada, waxaa la doortay dastuurka gaalada.

·  Markay noqotay kala doorta ku dayashada Nabiyada, iyo ku dayashada gaalada, waxaa la doortay ku dayashada gaalada.

·  Markay noqotay kala doorta, in kufaar la nebcaado, jeeray muslimaanna aan laga raalli noqon, iyo in la jeclaado oo arday loo noqdo, waxaa la doortay in la jeclaado oo arday loo noqdo.

·  Markay noqotay kala doorta, in gaalo laga soo haajiro, iyo in loo haajiro, waxaa la doortay in loo haajiro.

·  Markay noqotay kala doorta, in kufaar lagu jihaado, iyo in cunnadooda loogu martiyo, waxaa la doortay in cunnadooda loogu martiyo.

 

-  Gaalo waa la jecel yahaye, maxaa "gaal" baad tahay loo dhibsadaa!!?.

-  Markii lays barbar dhigay kitaabkii Allaah iyo kii gaalka, haddaad kii gaalka raacday, maxay tahay "gaal" layma oran karo!!?.

-  Nin aad gaarsiisey daraja ka sarraysa tii Rabbigaa, maxaad ku diideysaa in laguugu magac daro!!?.

Waagii duufaan badeeddii –badda Hindiya– bay Soomaalidu gaalada u dan sheegteen, una qayla dhaamiyeen. Ayaamahaa  baan la kulmay nin la yaabay Soomaalidu waxay falayso, wuxuu igu yiri:

"waxaa la marayaa heer Allaah laga dacwoodo, gaalna loo dacwoodo!!".

-"وَمَنْ يَتَّخِذِ الشَّيْطَانَ وَلِيًّا مِنْ دُونِ اللهِ فَقَدْ خَسِرَ خُسْرَانًا مُبِينًا" (النساء:119)

-"أَفَتَتَّخِذُونَهُ وَذُرِّيَّتَهُ أَوْلِيَاءَ مِنْ دُونِي وَهُمْ لَكُمْ عَدُوٌّ بِئْسَ لِلظَّالِمِينَ بَدَلا" (الكهف:50)

-"يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آَمَنُوا لا تَتَّخِذُوا عَدُوِّي وَعَدُوَّكُمْ أَوْلِيَاءَ تُلْقُونَ إِلَيْهِمْ بِالْمَوَدَّةِ وَقَدْ كَفَرُوا بِمَا جَاءَكُمْ مِنَ الْحَقِّ" (الممتحنة:1)

Copyright © 2013. All Rights Reserved. www.towxiidka.com