Hoyga Barashada Tawxiidka

www.towxiidka.com

  
  
  
Get Adobe Flash player

Dadka booqanaya webka

We have 31 guests and one member online

1) Nabi walba dadka wuxuu ugu yeeri jirey:

“Diinta xaqa ah soo gala”

Taasoo ah: “Allaah keligi rumeeya”

Taasoo ah: “Allaah keligi caabuda”

Taasoo ah: (لا إله إلا الله), ereygeeda iyo macnaheeda aqbala.

Taasoo ah: “Allaah keligi u islaama”, ama “u hoggaansama”.

Nabi walbana dadka rumeeya, wuxuu ka tegi jirey, iyagoo waddadaa cad haya. Laakiin waqtigu markuu ku dheeraado, cilmiga baa aayar aayar u yaraan jirey, markaa bay baadida xaq moodi jireen, oo lumi jireen iyagoo isla toosan.

Sidii aan horay ugu soo xusay, waxaa jira qaab Diinta looga fogaado, oo uu Ibliis umadaha ku lumin jirey, ma oran jirin: “kaalaya kufriya”, ee intuu kufriga u qurxiyo, buu oran jirey: “khayrkaan khayrkiinnii hore ku darsada”. Markaa bay “kufaar” isku rogi jireen, iyagoo khayr filanaya, khayrna ku abtirsanaya.

Tusaale waxaa ah sidii lagu bilaabay sanam caabudidda, waxay ahayd: “khayrkaan khayrkiinnii hore ku darsada”.

Wuxuu yiri (ابن عبَّاس) isagoo ka hadlaya sanamyadii (ودّ،سُواع،يغوث،يعُوق، نسر):

"أسْمَاءُ رِجَالٍ صَالِحِينَ مِنْ قَوْمِ نُوحٍ فَلمَّا هَلَكُوا أوْحَى الشَّيْطَانُ إلَى قَوْمِهِمْ أنْ انْصِبُوا إلَى مَجَالِسِهِمْ الَّتِي كَانُوا يَجْلِسُونَ أنْصابا وَسَموها بأسْمَائِهِمْ فَفَعَلُوا فَلَمْ تُعْبَدْ حَتَّى إذَا هَلَكَ أُوْلَئِكَ وَتَنَسَّخَ العِلْمُ عُبِدَتْ".

Oo ah: (waa magacyo rag suubbanaa, oo reerka Nuux ahaa, markay dhinteen buu shaydaanku u sheegay, inay sanamyo suuraddoodii ah qoraan oo ku xusuustaan, meelihii ay fariisan jireenna ka taagaan, markaa bay yeeleen mana caabudin, markuu jiilkaas dhammaaday, cilmigiina tirmay baa la caabudey)

Reer Nuux iyagoo sidaa u lunsan, islana toosan, buu nabi Nuux (عليه السلام) u yimid. Markaa bay tawxiidkii ka diideen oo yiraahdeen:

-"  مَا هَذَا إِلا بَشَرٌ مِثْلُكُمْ يُرِيدُ أَنْ يَتَفَضَّلَ عَلَيْكُمْ وَلَوْ شَاءَ اللَّهُ لَأَنْزَلَ مَلَائِكَةً مَا سَمِعْنَا بِهَذَا فِي آَبَائِنَا الْأَوَّلِينَ (المؤمنون:24)

Ummad waliba sidaa oo kale bay ahayd. Iyagoo sidaa u lunsan, isulana toosan, baa loo soo diri jirey nabi cusub, markaa bay diidi jireen inay rumeeyaan, oo inay wax ka maqan yihiinba lama ahayn, bal Nabiga cusub bay ka dhigi jireen, nin bidca keenay oo waddadii la yiqiin raba inuu beddelo.

Nabi walba ummadda wuxuu kala kulmi jirey, mid u eg tii uu nabi Muxmmad (scw) kala kulmay carabtii oo leh:

“Diintii Ibraahiim baan ku sugannahay”

Iyo Yahuud iyo Nasaaro, oo leh: “Diintii Muusa iyo Ciisa iyo Ibraahiim baan ku sugannahay”.

Mid waliba cilmigii ay haysatey, iyo nabigii iyo kitaabkii ay sheeganeysey bay ku faraxsanayd, in baadi lagu sheegana waa dhibeysey. Wuxuu Allaah yiri:

-" فَلَمَّا جَاءَتْهُمْ رُسُلُهُمْ بِالْبَيِّنَاتِ فَرِحُوا بِمَا عِنْدَهُمْ مِنَ الْعِلْمِ وَحَاقَ بِهِمْ مَا كَانُوا بِهِ يَسْتَهْزِئُونَ" (غافر:83)   Umaddaanna Nabiga (scw), baa sheegay, inay u lumayso, qaabkii Yahuud iyi Nasaaro u lumeen.

" لَتَتْبَعُنَّ سَنَنَ مَنْ كَانَ قَبْلَكُمْ شِبْرًا شِبْرًا وَذِرَاعًا بِذِرَاعٍ، حَتَّى لَوْ دَخَلُوا جُحْرَ ضَبٍّ تَبِعْتُمُوهُمْ". قُلْنَا: "يَا رَسُولَ اللَّهِ الْيَهُودُ وَالنَّصَارَى؟. قَالَ: "فَمَنْ؟". (البُخاري)

Oo ah: (waad raaci doontaan jidkii dadkii idinka horreeyey, taako taako, iyo dhudhun dhudhun, xataa hadday god abeeso lugaley galeen, waad geli doontaan. Waxaa niri: ma Yahuud iyo Nasaaraa?. Wuxuu yiri: yaa kale.)

2) Nabiyadu ummadaha lumay, waxay afka ka sheeganayaan uma qaban jirin, ee caqiidooyinkooda iyo ficilladooda baadida ah, bay tusi jireen una qaban jireen.

Diinta ay sheeganayaan inay nabi hore ka dhaxleen, ma aqoonsan jirin, ee waxay oran jireen:

“Diintii Nabigii hore waad beddesheen, taad haysataanna waa diin bidca ah la idinkamana aqbalayo, ee soo raaca Diintaan wadno, iyadaa ah, tii uu haystey Nabiga aad sheeganaysaan”.

Yahuudda iyo Nasaaradu iyagoo leh:

Keligayaa hanuunsan.

Keligayaa Jannada iska leh.

Allaah keligi baan caabudnaa.

Keligi baan u hoggaansannahay.

Rusushii hore iyo kutubtii hore baan rumaysannahay.

Malaa’ikta Allaah baan rumaysannahay.

-" وَقَالُوا كُونُوا هُودًا أَوْ نَصَارَى تَهْتَدُوا" [البقرة: 135]

-"وَقَالُوا لَنْ تَمَسَّنَا النَّارُ إِلا أَيَّامًا مَعْدُودَةً" [البقرة: 80].

-" وَقَالُوا لَنْ يَدْخُلَ الْجَنَّةَ إِلا مَنْ كَانَ هُودًا أَوْ نَصَارَى" [البقرة: 111].

-" وَقَالَتِ الْيَهُودُ وَالنَّصَارَى نَحْنُ أَبْنَاءُ اللهِ وَأَحِبَّاؤُهُ" [المائدة: 18].

Iyagoo intaa sheeganaya baa loogu jawaabayey: Diintaad ku socotaan ma aha tii nabiyada aad sheegataan. Shirkigii weynaa baad samaysaan. Culamada baad caabuddaan.

Nabigii danbe iyo kitaabkiisiina waad beeniseen.

-" قُلْ يَا أَهْلَ الْكِتَابِ لَسْتُمْ عَلَى شَيْءٍ حَتَّى تُقِيمُوا التَّوْرَاةَ وَالْإِنْجِيلَ وَمَا أُنْزِلَ إِلَيْكُمْ مِنْ رَبِّكُمْ" (المائدة: 68)

 -" اتَّخَذُوا أَحْبَارَهُمْ وَرُهْبَانَهُمْ أَرْبَابًا مِنْ دُونِ اللَّهِ وَالْمَسِيحَ ابْنَ مَرْيَمَ وَمَا أُمِرُوا إِلَّا لِيَعْبُدُوا إِلَهًا وَاحِدًا لَا إِلَهَ إِلَّا هُوَ سُبْحَانَهُ عَمَّا يُشْرِكُونَ" (التوبة: 31).

-" قُلْ يَا أَهْلَ الْكِتَابِ تَعَالَوْا إِلَى كَلِمَةٍ سَوَاءٍ بَيْنَنَا وَبَيْنَكُمْ أَلَّا نَعْبُدَ إِلَّا اللَّهَ وَلَا نُشْرِكَ بِهِ شَيْئًا وَلَا يَتَّخِذَ بَعْضُنَا بَعْضًا أَرْبَابًا مِنْ دُونِ اللَّهِ فَإِنْ تَوَلَّوْا فَقُولُوا اشْهَدُوا بِأَنَّا مُسْلِمُونَ" (آل عمران:64) 

3) ummadaha islaamka sheegta, sidii uu Nabigu (scw) sheegay, bay jidkii ummadihii hore u qaadeen. Weliba waxay uga daran yihiin laba arrimood:

Kow:

Yahuud iyo Nasaaro kutubbada ay khilaafi jireen, waa kuwo la qalloociyey, oo baaddil lagu daray, xaq badanna waa ku yiil, kuwaanse qur’aankii oo uu Allaah xifdintiisa ballan qaaday, oo aan la qalloocin bay ka tageen.  

Labo:

Yahuud iyo Nasaaro markay kitaabka ka tegayaan, waxay raaci jireen hadallo ay yiraahdeen, ama qoreen dad ay isku diin sheegtaan, diintana uga cilmi badan. Kuwaanse waxay raaceen, dad ayan isku diin sheeganayn, qur’aankana baaddil ka rumaysan.

Copyright © 2013. All Rights Reserved. www.towxiidka.com