Hoyga Barashada Tawxiidka

www.towxiidka.com

  
  
  
Get Adobe Flash player

Dadka booqanaya webka

We have 11 guests and one member online

1) Dabeecadda iyo abuurista banii aadamka, waxaa ka mid ah, inuu “qoys” abuurmo, qoyskuna “qoysas” noqdo, qoysaskuna “beel” ama “bulsho” noqdaan, bulshaduna “bulsho weyn” noqoto, ama “qabiilo”, qabiiladuna “qaran” noqoto. 

Dabeecaddiisa waxaa ka mid ah, markuu “qoys” yahay, iyo markuu “bulsho” yahay, iyo markuu “qabiilo” yahay, iyo markuu “qaran” yahayba, inuusan kala danbayn, iyo is hoggaamin ka maarmi karin.

Qabiiladii ama qarankii fududaysta is hoggaaminta, iyo kala danbaynta, dhacdooyinka nolosha ee ku hareeraysan, baa baraya inay aad u qaldameen, arrintuna ahayn arrin la fududaysan karo. Fududaysigaana caaqibadiisu waxay noqotaa, inay hoos galaan taliska ummada kale, oo aan u turayn sida badan.

Sidaa darteed lagama fisho bulsho degaan wada joogta, inayan lahayn hoggaan siyaasadeed, qaabkiisu si kasta ha noqdee, tabartiisuna in kasta ha le’ekaatee.

Diinta Islaamkana waxaa soo dejiyey, Rabbiga dadka dabeecaddaa leh abuuray, ogna inay qolo walba leedahay talis ay u laabato, waxna ka maqasho. Sidaa darteed shareecadu waa tixgelisey, makaanka khatarta weyn leh, ee ay madaxdu ummadaha u joogaan, tixgelintaa oo ku muuqata saddex dhinac:

Ugu horrayn:

Waxaa madaxda ku wajahan dacwada, iyo ugu yeeridda Diinta. Nabigu (), boqorrada buu la hadli jirey, kana bilaabi jirey, intuusan caamada la hadlin. Markuu tegey “Daa’if”, nimankii qabiilada u talinayey, buu ku hor maray. Markuu ummad rabo inuu la xiriiro, si uu xaqa u gaarsiiyo, wuxuu farriinta u diri jirey boqorkooda.

Waxaa tusaale inoo noqon kara qoraalkan uu Nabigu (scw) u diray boqorka Ruum:

بسم اللَّهِ الرحمن الرَّحيم. من محمدٍ رسولِ الله، إلى هِرَقلَ عظيم الروم. سلامٌ على من اتَّبع الهدَى. أما بعدُ: "فإني أدعوكَ بدعايةِ الإسلام. أسلِمْ تَسلَم، وأسلِمْ يؤْتكَ اللَّهُ أجرَكَ مرَّتين.فإن تولَّيتَ فإن عليك إثمَ الأريسِيِّين".  و {قُلْ يَـٰۤأَهْلَ ٱلْكِتَـٰبِ تَعَالَوْا إِلَىٰ كَلِمَةٍ سَوَآء۠ بَيْنَنَا وَبَيْنَكُمْ أَلا نَعْبُدَ إِلا ٱللَّهَ وَلا نُشْرِكَ بِهِۦ شَيْـًٔا وَلا يَتَّخِذَ بَعْضُنَا بَعْضًا أَرْبَابًا مِّن دُونِ ٱللَّهِۚ فَإِن تَوَلَّوْا فَقُولُوا ٱشْهَدُوا بِأَنَّا مُسْلِمُونَ" (آل عمران: 64) (البخاري)

Wuxuu u qoray:

- (فإنِّي أدعُوك), waxaan kuugu yeerayaa.

- (بدعاية الإسلام), yeerista Islaamka.

- (أسلمْ تسلم), hoggaansan aad nabad geshide.

- (وأسلِمْ يؤْتكَ اللَّهُ أجرَكَ), hoggaansan Allaah ajarkaaga ha ku siiyee.

- (مرَّتين), laba laab.

- (فإن تولَّيتَ), haddaad ka jeensatid xaqa.

- (فإن عليك), waxaa korkaaga ah, oo ku saarmaya.

- (إثمَ الأريسِيِّين) danbiga raciyadda ku hoos joogta.

- (قُلْ يَـٰۤأَهْلَ ٱلْكِتَـٰبِ), dheh: “kuwa kitaabka haystow”.

- (تَعَالَوْا إِلَىٰ كَلِمَةٍ), kelmad u kaalaya.

- (سَوَآء۠ بَيْنَنَا وَبَيْنَكُمْ), ah mid aynu u simannahay, oo ina dhex taal.

- (أَلا نَعْبُدَ إِلا ٱللَّهَ), waa inaynaan cid aan Allaah ahayn caabudin.

- (وَلا نُشْرِكَ بِهِۦ شَيْـًٔا), oo aynaan cidna la wadaajin.

- (وَلا يَتَّخِذَ بَعْضُنَا بَعْضًا), qaarkeenna qaarka kale ka dhigan.

- (أَرْبَابًا مِّن دُونِ ٱللَّهِ), rabbiyo Allaah ka sokeeya.

- (فَإِن تَوَلَّوْا فَقُولُوا), hadday ka jeensadaan, ku dhaha.

- (ٱشْهَدُوا), qira, oo markhaati ka ahaada.

- (بِأَنَّا مُسْلِمُونَ), inaannu nahay kuwo hoggaansamey.

Tan labaad:

Nabadda iyo colaaddana madaxdaa lagala xaajoon jirey.

Hadday madaxdu dagaal doortaan, oo ay jabaan, waxa dhulka ay ka taliyaan dhex yaal oo dhan, oo ay ku jiraan dumarka iyo carruurtu, muslimiinta baa qaybsan jirey.

Lama oran jirin: “haweenku maxay dhimeen!!?”, “carruurtu maxay dhimeen!!?”, “reer miyigoodu muxuu dhimay!!?”. Waayo inay muslimiin u gacan galaan, baa uga roonayd, inay kufriga xorriyad u helaan.

Hadalkaa inuu run yahayna waxaa og, qof walboo akhristay siirada, iyo akhbaaraha laga qoray is ballaarintii muslimiinta qarnigii kowaad. Iyo qof walboo yaqaan axkaamta jihaadka, ee ku xusan tafaasiirta iyo xaddiista iyo fiqiga Islaamka.

Si aad u akhrisato qaybta labaad ee casharkan halkan riix

Copyright © 2013. All Rights Reserved. www.towxiidka.com