Hoyga Barashada Tawxiidka

www.towxiidka.com

  
  
  
Get Adobe Flash player

Dadka booqanaya webka

We have 50 guests and one member online

1) “Diintu” waa amarro iyo mabaadi’. “Diintu” waa caqiido iyo camal. “Diintu” waa xaqiiqooyin jira, oo uu Rabbi sheegay. Rumayntooda iyo ku dhaqankoodana, dadka buu ka doonayaa.

Dadkuna waa u gartaa, waana kala yaqaan, qofka sheegta mabaadi’ uusan ku dhaqmayn, iyo midka mabda’a uu sheegto ka run sheegaya.

Nin waddan madax ka ah, oo ku hoggaaminaya keligi talisnimo, dhanka dhaqaalahana dabbaqaya aragtidii “Markis”, hadduu yiraahdo: “waxaan hayaa jidkii Dimuqraaddiyadda”, ma laga rumaystaa hadalkiisa samankaan?”.

Waa la wada ogyahay, inaan cidi ka rumaysanayn wuxuu sheeganayo, waxaa la yiraahdaa: “Dimuqraaddiyadda” buu ka been sheegayaa. Waxaase su’aal ah: ninku waxbuu sheegtaye maxaa loogu qaban waayey sheegadkiisa?!!.

Qofkii su’aashaa gudbiya waxay ugu jawaabaan: “Ma Dimuqraaddiyadda iyo keligi talisnimada baa isu eg?!! Ma Dimuqraaddiyadda iyo keligi talisnimada baadan kala aqoon?!! Hadal ficilku beeniyey ma qiimuu leeyahay?!!

Haddaba:

Qof Islaam sheegtay, kufrise ku dhaqmaya,maxaa loo garan waayey?!!. Ma Islaamka baa kufriga u eg?!!Ma Islaamka iyo kufriga, baan la kala aqoon?!!

Hadal ficilku beeniyeyse ma qiimuu leeyahay?!! 

2) Islaamka iyo kufrigu isuma eka, isumana dhowa, waa sida maalin iyo habeen oo kale. Markaad macnahooda, iyo sida loo qeexay mid walba garatid, bay kala duwanaanta u dhexaysa kuu muuqanaysaa.

Islaam: “waa Allaah keligi oo la caabudo”.

La caabudo keligi: “waa loo hoggaansamo keligi”.

loo hoggaansamo keligi: “waa loo dulloobo, lana addeeco keligi

في القُرآن: "واعبُدوا الله ولا تُشرِكُوا به شيئاً" (النساء)

وفي الحديث: "الإسلامُ أنْ تعبُد الله ولا تُشركَ به شيئاً" (متّفق عليه)

Kufri ama shirki: “waa Allaah oo cid kale lala caabudo” ama waa: "Allaah oo aan keligi la caabudin"

في القُرآن: "قُل يا أيُّها الكافرُون لا أعْبُدُ ما تعبُدُون"  إلى قوله: "لكُم دينكم ولي دين" (الكافرون)

وفي الحديث: قُلْتُ يَا رَسُولَ اللَّهِ أَىُّ الذَّنْبِ أَعْظَمُ قَالَ "أَنْ تَجْعَلَ لِلَّهِ نِدًّا وَهْوَ خَلَقَكَ".(مُتفق عليه)

Haddaba waa in la garto:

1- Kii Allaah keligi u hoggaansama, oo addeeca, cid walboo aan isaga ahaynna, u hoggaansamiddiisa ka xorooba, baa “muslim” la yiraahdaa, Allaah agti.

Intii kaa ka soo hartana, “muslimiin” hadday isu yaqaanniin, iyagaa isu yaqaan, Rabbi agtise loogama yaqaan.

2- Islaamku ma aha: “Allaah ha la garto, hana la caabudo”.

Ee waa: “Allaah ha la garto, keligina ha la caabudo”. 

Mushrikiintii carabtu, iyo kuwii ka horreeyeyba, in “Allaah la caabudo”, ma ayan diiddanayn, ee waxay diidayeen in: keligi la caabudo”.

-" وَإِذَا ذُكِرَ اللَّهُ وَحْدَهُ اشْمَأَزَّتْ قُلُوبُ الَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِالْآَخِرَةِ وَإِذَا ذُكِرَ الَّذِينَ مِنْ دُونِهِ إِذَا هُمْ يَسْتَبْشِرُونَ" (الزمر:45)

-" ذَلِكُمْ بِأَنَّهُ إِذَا دُعِيَ اللَّهُ وَحْدَهُ كَفَرْتُمْ وَإِنْ يُشْرَكْ بِهِ تُؤْمِنُوا فَالْحُكْمُ لِلَّهِ الْعَلِيِّ الْكَبِيرِ" (غافر:12)

-" وَإِذَا ذَكَرْتَ رَبَّكَ فِي الْقُرْآَنِ وَحْدَهُ وَلَّوْا عَلَى أَدْبَارِهِمْ نُفُورًا" (الإسراء:46)

-" قَالُوا أَجِئْتَنَا لِنَعْبُدَ اللَّهَ وَحْدَهُ وَنَذَرَ مَا كَانَ يَعْبُدُ آَبَاؤُنَا" (الأعراف:70)

-" فَلَمَّا رَأَوْا بَأْسَنَا قَالُوا آَمَنَّا بِاللَّهِ وَحْدَهُ وَكَفَرْنَا بِمَا كُنَّا بِهِ مُشْرِكِينَ"  (غافر:84)

Inta laga rabeyna, waa inay yeelaan keliyeynta (وحده):

-" قَدْ كَانَتْ لَكُمْ أُسْوَةٌ حَسَنَةٌ فِي إِبْرَاهِيمَ وَالَّذِينَ مَعَهُ إِذْ قَالُوا لِقَوْمِهِمْ إِنَّا بُرَآَءُ مِنْكُمْ وَمِمَّا تَعْبُدُونَ مِنْ دُونِ اللَّهِ كَفَرْنَا بِكُمْ وَبَدَا بَيْنَنَا وَبَيْنَكُمُ الْعَدَاوَةُ وَالْبَغْضَاءُ أَبَدًا حَتَّى تُؤْمِنُوا بِاللَّهِ وَحْدَهُ" (الممتحنة:4)

Yahuudda iyo Nasaaraduna waxay oran jireen: (لا إله إلاّ الله), iyo annaga oo keliya baa hanuunsan, oo Allaah baa na doortay, oo sidii caruurtiisii baan nahay.

-" وَقَالُوا كُونُوا هُودًا أَوْ نَصَارَى تَهْتَدُوا" [البقرة: 135]

-"وَقَالُوا لَنْ تَمَسَّنَا النَّارُ إِلَّا أَيَّامًا مَعْدُودَةً" [البقرة: 80].

-" وَقَالُوا لَنْ يَدْخُلَ الْجَنَّةَ إِلَّا مَنْ كَانَ هُودًا أَوْ نَصَارَى" [البقرة: 111].

-" وَقَالَتِ الْيَهُودُ وَالنَّصَارَى نَحْنُ أَبْنَاءُ اللَّهِ وَأَحِبَّاؤُهُ" [المائدة: 18].

Laakiin Allaah baa caddeeyey inay mushrikiin noqdeen markay culimada hadalkooda ka hor mariyeen aayadihiisa :

-" اتَّخَذُوا أَحْبَارَهُمْ وَرُهْبَانَهُمْ أَرْبَابًا مِنْ دُونِ اللهِ وَالْمَسِيحَ ابْنَ مَرْيَمَ وَمَا أُمِرُوا إِلا لِيَعْبُدُوا إِلَهًا وَاحِدًا لا إِلَهَ إِلا هُوَ سُبْحَانَهُ عَمَّا يُشْرِكُونَ" (التوبة:31).

3- Dadkii lumi jirey weligood, oo in badani ay oggolayd, in tawxiidka afka laga qiro, waxaa loo qaban waayey, inta xaqa ah ee ay haysteen, waxaa weeye:

“diin shirki la yiraahdo bay ku dhaqmi jireen”

Qofkana tawxiidkiisu ma jirayo, hadduu shirki ku dhaqmayo, isku marna laba diin laguma jiri karo.

4- Markii mushrikiinta lagu lahaa: (لكم دينكم ولي دين), oo ah:

- (لكم دينكم), diintiinna baad leedihiin.

- (ولي دين), diintayda baan leeyahay.

Iyagu waxay lahaayeen: “Diintii Ibraahiim baan haysannaa”.

Taasi waxay kuugu filan tahay, inaad garatid:

“in dadka loo nisbeeyo diintay ku dhaqmaan, oo aan loo nisbayn tay sheegtaan, markay kala duwanaadaan dhaqanka iyo sheegashadu”.

Copyright © 2013. All Rights Reserved. www.towxiidka.com