Hoyga Barashada Tawxiidka

www.towxiidka.com

  
  
  
Get Adobe Flash player

Dadka booqanaya webka

We have 58 guests and one member online

1) Diinta marna lagama tanaasuli karo. Qofkii iimaan leh, lagase adkaado, inuu nolol adduun helo, Diintana ka tanaasulo, wuxuu ka dooranayaa, inuu nolol adduun waayo, iimaanna ku dhinto. Waayo nolosha adduun, waa mid wax yar ka dib iska dhammaanaysa, oo aan lagu beddelan karin nolosha Aakhiro ee waaraysa. 

Markuu “Fircawn” handaday, nimankii islaamay, markuu sixirkoodii shaqayn waayey, jawaabtay siiyeen, waa midda laga rabo, mu’min walboo laga taag roonaado.

-"قَالُوا لَنْ نُؤْثِرَكَ عَلَى مَا جَاءَنَا مِنَ الْبَيِّنَاتِ وَالَّذِي فَطَرَنَا فَاقْضِ مَا أَنْتَ قَاضٍ  إِنَّمَا تَقْضِي هَذِهِ الْحَيَاةَ الدُّنْيَا" (طه:72)

Waxay yiraahdeen:

- (لَنْ نُؤْثِرَكَ), kaa dooran mayno.

- (عَلَى مَا جَاءَنَا) wixii noo yimid.

- (مِنَ الْبَيِّنَاتِ) ee xujooyinka ahaa.

- (وَالَّذِي فَطَرَنَا)kii na abuuray baan ku dhaarannaye.

- (فَاقْضِ) xukun oo guddoonso.

- (مَا أَنْتَ قَاضٍ) waxaad guddoonsan lahayd.

- (إِنَّمَا تَقْضِي هَذِهِ الْحَيَاةَ الدُّنْيَا) waxaad wax guddoomisaaba waa noloshaan dhow keliya.

Qofkii nolol uu u baqayo, ama adduunyo uu helayo, uga tanaasula iimaanka, wuxuu la kulmayaa khasaarada adduun iyo Aakhiro.

-" وَلَا يَزَالُونَ يُقَاتِلُونَكُمْ حَتَّى يَرُدُّوكُمْ عَنْ دِينِكُمْ إِنِ اسْتَطَاعُوا وَمَنْ يَرْتَدِدْ مِنْكُمْ عَنْ دِينِهِ فَيَمُتْ وَهُوَ كَافِرٌ فَأُولَئِكَ حَبِطَتْ أَعْمَالُهُمْ فِي الدُّنْيَا وَالْآَخِرَةِ وَأُولَئِكَ أَصْحَابُ النَّارِ هُمْ فِيهَا خَالِدُونَ" (البقرة:217) 

2) laba xaaladood keliya bay rukhso jirtaa:

Tan hore:

Waa qof la qabtay oo ka baqay dil, ama dhib weyn, waxaa la siiyey rukhso ah, inuu afka ka sheegto kufriga, hadduu xagga niyadda qalbiga ka sugan yahay.

-" مَنْ كَفَرَ بِاللَّهِ مِنْ بَعْدِ إِيمَانِهِ إِلَّا مَنْ أُكْرِهَ وَقَلْبُهُ مُطْمَئِنٌّ بِالْإِيمَانِ وَلَكِنْ مَنْ شَرَحَ بِالْكُفْرِ صَدْرًا فَعَلَيْهِمْ غَضَبٌ مِنَ اللَّهِ وَلَهُمْ عَذَابٌ عَظِيمٌ. ذَلِكَ بِأَنَّهُمُ اسْتَحَبُّوا الْحَيَاةَ الدُّنْيَا عَلَى الْآَخِرَةِ وَأَنَّ اللَّهَ لَا يَهْدِي الْقَوْمَ الْكَافِرِينَ"  (النحل: 106-107)

Tan kale:

Waa qof aan la qaban, laakiin jooga meel, qofkii la ogaado inuu yahay muslim la dilayo. Waxaa la siiyey rukhso ah, inuu afka ka sheeg sheego, wax loogu malayn karo, inuu iyaga la jiro, una hiillinayo.

-"لا يَتَّخِذِ الْمُؤْمِنُونَ الْكَافِرِينَ أَوْلِيَاءَ مِنْ دُونِ الْمُؤْمِنِينَ وَمَنْ يَفْعَلْ ذَلِكَ

فَلَيْسَ مِنَ اللَّهِ فِي شَيْءٍ إِلا أَنْ تَتَّقُوا مِنْهُمْ تُقَاةً" (آل عمران:28)

Wuxuu yiri ibnu Cabbaas: ficil maahee waa afka

Labadaa xaaladood wax ka baxsan, qof walboo ku sugan, oo kaafir taliye uu addeeco ka dhigta, ama ka tegidda shareecada Allaah ku raaca, ama gacan ku siiya hirgelinta kufriga, waa qof kufriyey, waxaana siman kii baqdin sheeganaya, iyo kii damac adduun u daba galay.

-" ذَلِكَ بِأَنَّهُمُ اسْتَحَبُّوا الْحَيَاةَ الدُّنْيَا عَلَى الآَخِرَةِ وَأَنَّ اللَّهَ لا يَهْدِي الْقَوْمَ الْكَافِرِينَ".

Copyright © 2013. All Rights Reserved. www.towxiidka.com