Hoyga Barashada Tawxiidka

www.towxiidka.com

  
  
  
Get Adobe Flash player

Dadka booqanaya webka

We have 10 guests and one member online

1) Baadidii hore ee dhanka wadaaddada ka jirtey, waxay ahayd mid ay khayrka ku badsada is lahaayeen, jahlina sabab u ahaa, iyadoo ay jirto inaan jahliga qofka loogu cudur daarayn, mar hadduu ka baxo xerada tawxiidka.

Waxaase dhacday samankii gumeysiga reer galbeedka, in lagu dhacay kufriga weyn ee ah: addeecidda kaafirka.

Iyadoo ay wadaaddadu dareemayaan, kaafir in la addeeco, oo taliye laga dhigto, kufri weyn inay tahay. Qof galay addeecidda kaafirkana ayan diini u harayn, baa misana loo bareeray addeeciddiisa.

Degdegga loo addeecay, waxay ku tusaysaa, sida ay caqiidadu iyo cabsidu u yaraayeen, oo wax diin ka bax loo rumaysan yahay, baa la doortay in jid laga dhigto, nololna laga raadiyo.

Dadku iyagoo diintu u nooshahay, markuu qabsado cadaw kufriyey, oo ka awood batay, diintooda kama ayan tegi jirin. Rukhsadaha sharcigu bixiyey, wax dhaafsiisan kii ku dhacana, dadkiisaa goyn jirey, una aqoonsan jirey, inuu yahay mid riddoobey.    

Taa oo kale waxay timid, waaguu “Tataarku” bariga dhulka Islaamka qabsaday, dawladna ka dhistay. Waxaa dhacday inuu ummadda ka waayey, wax la shaqeeya, iyo wax u soo xukun taga, munaafiqiintii mooyee.

Bal waxaa la soo gudboonaaday “Tataarkii”, dacwo islaam ugu yeerid ah, oo ay dhallintoodii ajiibeen. Markii danbena boqorkoodii oo ka baqay in laga kala dareero, baa sheegtay inuu islaamay. 

Halkaan taa oo kale lama yeelin, ee waxaa laga tegey Diintii iyadoo la og yahay. Taana waxay ka suurowdaa dad markii hore jilcay, kufriguna uusan ku cusbayn. Waa sidii maahmaahdii: “turunturro ewel baan horay u socdey”.

Markaan leeyahay Diinta ka tegiddeeda, waxaan ula jeedaa: ku daridda shirkiga, waayo Diinta islaamku waa u keliyeynta cibadada iyo addeecidda Allaah. Mar haddii la waayo keliyeyntaa, oo uu shirki yimaado, waxaa la waayey Diintii islaamka, ee lama waayin qaybtii tawxiidka, sida ay moodaan dadka qaarki. 

Mas’alada Addeecidda kaafirka ee diin ka bixiddaah, oo lagu dhacay, lana caadaystey, ilaa iyo maantana lagu madax adag yahay, baa u baahan wax yar in la iftiimiyo:

 

Arrinta nabiyadu dadka markay xaqa ugu yeerayaan, ay ka bilaabi jireen, waa:

- Rabbi keligi u hoggaansama oo addeeca.

- Kuwa madaxda idiinku ah baaddilka, ee aad addeecsan tihiinna ka fogaada:

-" وَلَقَدْ بَعَثْنَا فِي كُلِّ أُمَّةٍ رَسُولًا أَنِ اُعْبُدُوا اللَّهَ وَاجْتَنِبُوا الطَّاغُوتَ" (النحل:36)

-" فَاتَّقُوا اللَّهَ وَأَطِيعُونِ. وَلَا تُطِيعُوا أَمْرَ الْمُسْرِفِينَ. الَّذِينَ يُفْسِدُونَ فِي الْأَرْضِ وَلَا يُصْلِحُونَ" (الشعراء: 150-152)

Erega (الطاغوت) fasirkiisa, waxaa soo gala:

“hoggaamiye walba oo wax aan xaq ahayn dadka ku hoggaaminaya, waxaana isku mid ah kii baqdin darteed loo raacay, iyo kii jeclaan loo qabo loo raacay.”

Mas’aladaa waa la baabi’iyey. Talyaani, Ingiriis, iyo Faransiis, wada kufaar ah, baa la addeecay. Taliyeyaal baa laga dhigtay, askar baa loo noqday.

Intii mas’aladaa dareentay, oo tiri: “kaafir lama raaci karo”, iyagaa laysugu tegey, Aakhirkiina waa laga takhallusay. Waxaa ugu caansanaa Maxmmad Cabdulle Xasan, iyo daraawiishtii raacsanayd, iyo Shiikh Xasan Barsane.

Iyagu heer kasta ha ka joogeen fahamka tawxiidka, waxaase la hubaa inay dareemeen, kaafir addeeciddi inay kufri ku tahay Diinta islaamka. Dadkoodana uguma ayan cilmi badnayn, ee waxaa la waynaatey wax ay og yihiin inuu kufri yahay in la daysto, nolol jacayl darteed.

Warqad baa jirta uu ina Cabdulle Xasan u diray shiikh Xasan Barsane, oo uu uga jawaabayo su’aal Diin ah oo uu soo weydiiyey, kuna saabsanayd, sida xukunkoodu yahay, oo loola dhaqmayo, dadka Talyaaniga la soo safanaya islaamkana sheeganaya.

Wuxuu ugu sheegay jawaabtiisa, inay riddoobeen, dhiiggooduna bannaan yahay, wuxuuna u daliishadey, kuwii zakada diidey iyagoo islaam sheeganaya, oo la xukumay inay riddoobeen.

(warqadda waxaad ka heleysaa kitaabka (تاريخ الصومال), oo uu qoray: Aw Jaamac Cumar Ciise)  

Hadallada ka haray ina Cabdulle Xasan, oo uu ku dhaliilayo wadaaddada sidiisoo kale yeeli waayey, waxaa ka mid ah:

Wadaaddada sidii baaniyaal,              beledka gaal joogta

Baabkii Allaa laga akhriyey,                inay beloobeene

Inay belelka naareed ku dhici,            ba’a e yaw sheega

 

Wuxuu ka yiri ashahaadadooda:

Nin aqdaamo ferenji ah

Maantiyo abuurriin

Ama aaladda u sida

Ama awrtaba u rara

Ama arigaba u qala

Ama laba ugaarsada

Ama uba ilaala ah

Ama uurka kala jira

Ashahaada beeniyo

Islaamnimo ha lagu dhaqo

Ilaahayna nama oran

Anna ma oggolaan karo

 

Wuxuu kaloo yiri:

Bal nin gaal la shaarugay

Shabbaddiina lagu dhigay

Oo shurugga fuudoo

Shaarubbada an xiirayn

Oo ama shukaan wada

Ama shuqul kaluu qaban

Muslinkana shabbihid ku leh

Isna waa shiddiyo hoog!!

 

la soco qaybta xigta

Qaybta Labaad ee casharkaan halkan riix

Copyright © 2013. All Rights Reserved. www.towxiidka.com