Hoyga Barashada Tawxiidka

www.towxiidka.com

  
  
  
Get Adobe Flash player

Dadka booqanaya webka

We have 13 guests and one member online

(casharka 8aad)

Toosinta dadka lumay

(1) Jidkee loo maraa toosinta dadka lumay?

1) Islaamku jid buu u bixiyey toosinta dadka lumay, heerarka lumidda baase kala korreeya. Waa mar laga lunsan yahay asalka Diinta, iyo madaxa u korreeya, iyo mar asalka Diintu joogo, caasinimo kalese badato. Labadaa heer Islaamku mid walba jid buu u bixiyey, sidii dadka looga toosin lahaa.

Heerka kowaad:

Marka laga lunsan yahay asalka Diinta, oo dadku ka tagaan tawxiidka, shirkiga weynna bannaystaan, waddada ay nabiyadu mari jireen, mu’miniintuna amran yihiin, waxay leedahay tillaabooyinka soo socda:

Tan kowaad:

In shirkiga iyo dadka falayaba laga go’o, loona sheego inaan isku Diin la ahayn, oo aan tawxiid iyo ikhlaas Diin ka dhigannay, cid aan Allaah ahaynna aannaan caabudeyn, una hoggaansamayn.

Idinkuna intaad shirkiga falaysaan diintiinnu waa shirki, haddaad nabi iyo Diin toosan sheeganaysaan, iyo haddii kale waa isku mid, intaad ka baxaysaan diinta shirkiga ah. 

-" وَأَعْتَزِلُكُمْ وَمَا تَدْعُونَ مِنْ دُونِ اللَّهِ وَأَدْعُو رَبِّي عَسَى أَلَّا أَكُونَ بِدُعَاءِ رَبِّي شَقِيًّا. فَلَمَّا اعْتَزَلَهُمْ وَمَا يَعْبُدُونَ مِنْ دُونِ اللَّهِ وَهَبْنَا لَهُ إِسْحَاقَ وَيَعْقُوبَ وَكُلًّا جَعَلْنَا نَبِيًّا" (مريم: 48-49)

-"قَدْ كَانَتْ لَكُمْ أُسْوَةٌ حَسَنَةٌ فِي إِبْرَاهِيمَ وَالَّذِينَ مَعَهُ إِذْ قَالُوا لِقَوْمِهِمْ إِنَّا بُرَآَءُ مِنْكُمْ وَمِمَّا تَعْبُدُونَ مِنْ دُونِ اللَّهِ كَفَرْنَا بِكُمْ وَبَدَا بَيْنَنَا وَبَيْنَكُمُ الْعَدَاوَةُ وَالْبَغْضَاءُ أَبَدًا حَتَّى تُؤْمِنُوا بِاللَّهِ وَحْدَهُ" (الممتحنة:4)

-" قُلْ يَا أَهْلَ الْكِتَابِ تَعَالَوْا إِلَى كَلِمَةٍ سَوَاءٍ بَيْنَنَا وَبَيْنَكُمْ أَلَّا نَعْبُدَ إِلَّا اللَّهَ وَلَا نُشْرِكَ بِهِ شَيْئًا وَلَا يَتَّخِذَ بَعْضُنَا بَعْضًا أَرْبَابًا مِنْ دُونِ اللَّهِ فَإِنْ تَوَلَّوْا فَقُولُوا اشْهَدُوا بِأَنَّا مُسْلِمُونَ" (آل عمران:64)

Tan labaad:

Qofku markuu shirkiga iyo ehelkiisa ka go’o, kana baraa’a qaato, naftiisa buu ku badbaadsanayaa, intaa keliyase ma ahan Diinta laga rabo, ee waa inuu qaado waddadii Rusushu mareen, oo uu dadka lumay u caddeeyo, xaqiiqada ay barbar marsan yihiin.

Macnuhu waxaa weeye in loo istaago Diin ugu yeerid

(الدعوة إلى الدين الخالص), baa ku waajiba ehelka tawxiidka:

-" قُلْ هَذِهِ سَبِيلِي أَدْعُو إِلَى اللَّهِ عَلَى بَصِيرَةٍ أَنَا وَمَنِ اتَّبَعَنِي وَسُبْحَانَ اللَّهِ وَمَا أَنَا مِنَ الْمُشْرِكِينَ" (يوسف:108)

-" ادْعُ إِلَى سَبِيلِ رَبِّكَ بِالْحِكْمَةِ وَالْمَوْعِظَةِ الْحَسَنَةِ" (النحل:125)

-" قُلْ إِنِّي لَنْ يُجِيرَنِي مِنَ اللَّهِ أَحَدٌ وَلَنْ أَجِدَ مِنْ دُونِهِ مُلْتَحَدًا. إِلَّا بَلَاغًا مِنَ اللَّهِ وَرِسَالَاتِهِ وَمَنْ يَعْصِ اللَّهَ وَرَسُولَهُ فَإِنَّ لَهُ نَارَ جَهَنَّمَ خَالِدِينَ فِيهَا أَبَدًا" (الجنّ: 22-23)

Tan saddexaad:

Dadka qaaday dariiqa tawxiidka, iyo ka go’idda shirkiga iyo ehelkiisa, waa inay noqdaan ummad gaar ka ah ummadda lunsan, oo xaqa ku midowdey.

Qofka xumida uu falayo haddaadan uga go’in, waji aad kula hadashid, kuna toosisid yeelan maysid, hadalkaaguna  raad yeelan mayo, cidnana saamayn mayo.

Waa inay noqdaan ummad Diinta walaala ku ah, oo is kaalmaysi ka dhaxeeyo. Ummad aan isku hagranayn hawsha weyn ee u taal, Rabbigoodna u diray. Hawsha ah qaadidda Risaalada Islaamka, iyo toosinta dadka habawsan. 

-" وَتَعَاوَنُوا عَلَى الْبِرِّ وَالتَّقْوَى وَلَا تَعَاوَنُوا عَلَى الْإِثْمِ وَالْعُدْوَانِ وَاتَّقُوا اللَّهَ إِنَّ اللَّهَ شَدِيدُ الْعِقَابِ" (المائدة:2)

-" كُنْتُمْ خَيْرَ أُمَّةٍ أُخْرِجَتْ لِلنَّاسِ تَأْمُرُونَ بِالْمَعْرُوفِ وَتَنْهَوْنَ عَنِ الْمُنْكَرِ وَتُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ" (آل عمران:110)

-" وَكَذَلِكَ جَعَلْنَاكُمْ أُمَّةً وَسَطًا لِتَكُونُوا شُهَدَاءَ عَلَى النَّاسِ وَيَكُونَ الرَّسُولُ عَلَيْكُمْ شَهِيدًا" (البقرة:143)

-" وَالْمُؤْمِنُونَ وَالْمُؤْمِنَاتُ بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاءُ بَعْضٍ يَأْمُرُونَ بِالْمَعْرُوفِ وَيَنْهَوْنَ عَنِ الْمُنْكَرِ وَيُقِيمُونَ الصَّلَاةَ وَيُؤْتُونَ الزَّكَاةَ وَيُطِيعُونَ اللَّهَ وَرَسُولَهُ أُولَئِكَ سَيَرْحَمُهُمُ اللَّهُ إِنَّ اللَّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٌ" (التوبة:71)

Haddaba tillaabooyinku waa:

- Garasha tawxiid.

- Kala go’id diineed.

- Gudasho dacwo.

- Gooni isku taagid heerar leh 

Heerka labaad:

Oo ah marka asalka Diintu joogo, caasinimo kalese badato, waxaa waajib ah in la badiyo xusuusinta Aakhiro iyo dhimashada, iyo in cilmiga la baahiyo, xalaqaadka diinta lagu bartana la badiyo.

Waana in la diraaseeyo asbaabaha caasinnimada badiyey, lagana tashado sidii loo xiri lahaa irdaha shaydaanku quluubta ka soo galo. Waana in macallimiinta laga doorto kuwa ay cabsida Allaah ka muuqato hadalladooda iyo ficilladoodaba, sabar iyo yaqiinna lagu malaynayo.

-" وَجَعَلْنَا مِنْهُمْ أَئِمَّةً يَهْدُونَ بِأَمْرِنَا لَمَّا صَبَرُوا وَكَانُوا بِآَيَاتِنَا يُوقِنُونَ" (الم السجدة:24)

-" وَلْتَكُنْ مِنْكُمْ أُمَّةٌ يَدْعُونَ إِلَى الْخَيْرِ وَيَأْمُرُونَ بِالْمَعْرُوفِ وَيَنْهَوْنَ عَنِ

الْمُنْكَرِ وَأُولَئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُونَ" (آل عمران:104)

-" كَمَا أَرْسَلْنَا فِيكُمْ رَسُولًا مِنْكُمْ يَتْلُو عَلَيْكُمْ آَيَاتِنَا وَيُزَكِّيكُمْ وَيُعَلِّمُكُمُ الْكِتَابَ وَالْحِكْمَةَ وَيُعَلِّمُكُمْ مَا لَمْ تَكُونُوا تَعْلَمُونَ" (البقرة:151)

2) Dacwadu markay tahay muslimiin la toostoosinayo, iyadoo culayskeeda leh, bay fududdahay markii tan kale loo fiirsho. Toostoosinta muslimiinta dad badan baa u istaagi kara.

Markayse dacwadu tahay dad lumay oo isla toosan ha la toosiyo, qof walba uma istaagi karo, khatarta la socota darteed. Sababaha culayska u yeelayana waxaa ugu weyn laba arrimood oo ka dhasha, oo aan baaqashadooda la filayn:

 

la soco qaybta xigta

Qaybta Labaad ee casharkaan halkan riix

Copyright © 2013. All Rights Reserved. www.towxiidka.com